Shuruudaha Guurka Guulaysta

Waxaa hubaal ah oo aanu shaki ku jirin in uu guurku yahay qayb muhiima oo ka mida nolosha qof kasta iyo bulsho kasta oo ku dul dhaqan aduunka, gaar ahaan hadii aynu nahay bulsho islaama guurku waa waajib saaran qof kasta oo muslim ah waana arrin ay diinteenu dhiiri gelineyso in badan.

Waxaa hubaal ah oo aanu shaki ku jirin in Guurku yahay qayb muhiima oo ka mida nolosha qof kasta iyo bulsho kasta oo ku dul dhaqan aduunka,gaar ahaan hadii aynu nahay bulsho islaama guurku waa waajib saaran qof kasta oo muslim ah waana arrin ay diinteenu dhiiri gelineyso in badan.somalida ayaa tidhaa caws jiilaal waa lama huraane in qof muslim ah oo cafimaad qaba oo Alle cimriga u dheereeyo uu guursadona waa lama huraan.Qof kastaa lab iyo dhedigba wuxuu jecelyahay oo uu ku taamayaa guur guuleysta oo reer uu ku nasto,su,aashu se waxay tahay qof kastaa ma yaqaan sida uu u gaadhi karo guur guuleysta iyo degel uu ku nasto.Iyada oo diinteena islaamku way wax kasta ka hadashay oo iftiimisay oo hadii aynu ku dhaqanona ay wax kastaa inoo hagaagayaan,ayaa hadana waxaynu bal eegi doontaa daraasado badan oo la sameeyey oo looga danlahaa bal sida lagu gaadhi karo guur guuleysta(successful marriage).maqaalkan oo kooban bal aynu ku yara iftiimino qaar ka mida wadooyinka loo mari karo guur guuleysta.

1) WADA XIDHIIDH – sida lagu ogaaday daraasado badan,wada xidhidhka wanaagsan ee dhex mara lamaanayaasha ayaa ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee looga baahan yahay guurka guuleystay ama nolosha lamaanaha ee guuleysatay, hadaba Lamaane ma wada xidhiidhaan lamaanaaga kale? dhibaatooyinkiina ma ka wada hadashaan?xalkooda ma doontaan? ma is dhegeysataan mise waad wada murantaan? ma is fahantaan?…….lamanayaal guuleystay ay yidhi sidra guushyadu waxaa weeyey waxaanu ka wada hadalnaa dhibaatooyinkayaga waanu is dhegeysanaa xalka ayaanu doonaa wada xidhidhkaasina wuxuu naga caawiyaa inaan isku dhowaano.Hadaba hadii xidhiidh aanu jirin waxaa dhalanaya cadho sii korodha,xiisada cirka isku sii shareerta,maqal waa ,is fahan la,aan iyo wax kala qaadasho la,aan, balse si loo gaadho midha laga doonaayo wada xidhiidhka waa in ay dheehnaataa wada xidhiidhka is qadarin, ixtiraam, degenaan, maamuus, tixgelin, IWM.

2) QADARIN  iyo U KHUSHUUCID( admiration and respect) – sideedaba mid ka mida dhaqamada dadka ee wanaagsan ayaa ah qadarin qofku dadka qadariyo iyo aqabalid qofku wax aqbalo sidaa daraadeed guurka guuleystay waa in sal iyo sees looga dhigaa is maqal iyo is qadarin iyo wax kala qaadasho.

labada lamaane ee is jecel, is taageera, is qadariya, is xushmeeya, guusha isugu hambalyeeya, isku bogaadiya waxaa hubaal ah inay guurkoodu guuleysanaayo.

3) SAAXIIBTINIMO( companionship) – mid ka mida sababa laysku guursado ayaa ah wehelnimo,hadaba lamaanayaasha guuleystay waxay isla qaataan wakhti raaxo leh,waxay ku wada raaxeystaan wada joogitaankooda, waxay wada wadaagaan waxyaabaha guud ee ay wada xiiseeyaan,waxay isku qaderiyaan waxyaabaha gaar ahaaneed ee midba gooni u xiiseeyo, balse waxaa hubaal ah in aanu guuleysaneyn lamaanaha aan wada saaxiibin, dhibaatooyinkuna waxay soo baxayaan marka lamaane kastaa ka kale ka xiiseeyo asxaabtiisii hore ama kuwa hada ama qaraabadiisa,qoysas badan ayaa bur-bura waayo wakhti yar ayuun bay is arkaan,wakhti la,aana waa cadawga iyo viruska lamaanaha caafimaadka qaba.

4) GO,AAN (commitment) – lamaanayasha qaar ayaa la kulam dhibaatooyin iyo caqabado badan oo soo wajaha xidhiidhkooda balse waxay ku dhaafaan caqabadahaas go,aan halka lamaanayaal badana ay isku dhiibaan guuldarada, qaar ka mida lamaanayasha is dhiibaya ayaa waxaa dhici karta inaanay dooneyn marka horeba inay is guursadaan balse calafku isku keenay.hadaba go,aan ha kaa noqoto nolosha lamaanuhu.

5) JACEYL (affection) – waxaa hubaal ah in lamaanayaal kasta oo is guursaday ay guurkooda uga danlahaayeen jecel inuu dhex maro ama mid dhex yaalay inuu sii xidideysto,balse waxaa xusid mudan in tani u kala duwan tahay sida dadku u kala duwanyihiin dhaqan ahaan,tusaale ahaan dadka qaar abaa jaceyl u yaqaan xidhidh muuqada sida:- mucaanaqeyn (shafka-shafka u saarid), dhunkasho, taabasho, eegmo iwm, qaar kale ayaa ku qanca oo jaceyl u yaqaan xidhiidh lab iyo dhedignimo oo dhaca (sexual intercourse) balse jaceylka ficilka ah iyo ka hadalka ahiba nolosha lamaanaha waa u muhiim,dumarka qaar ayaa yidhaa “waa ogahay ninkeygu inuu i jecelyahay balse ha ii sheego” hadaba daryeelmagazine.com ayaa ku leh erayo ay ku jirto qadarin, bogaadin, iyo kool-koolinba waa u muhiim jacelka lamaanaha doonaya inay guuleystaan.

6) INAAD XALIN KARTO KHILAAFAADKA – dhamaan lamaanayaasha guuleystay iyo kuwa aan guuleysanba waxaa hubaal ah inay wajahayaan khilaaf iyo cadaadis kaga yimaada dibada iyo gudaha xidhiidhkoodaba,waxaana lagu kala duwanyahay sida loo xaliyo khilaafkaas,lamaanayaasha guuleystay waxay u arkaan khilaafka qeyb ka mida noloshooda caadiga ah waxaanay hore u mariyaan sida ay u xalin karaan waxaanay muujiyaan dulqaad.

7) MASUULIYADA (responsibility) – qoysaska guuleystay waxay dareemaan mid kasta masuuliyada saaran,waxaanay qeybsadaan masuuliyadaas,badanaa waxaad maqleysaa lamaane ku doodaya, lamaanaheygu waa qeyru masuul.. lamaanaheygu ani ayuu hawsha igu eegaa………lamaanahaygu carurta ilama xanaaneeyo………si taa aad uga bad-baado dareen lamaanahaagana dareensii masluuliyada saaran.

Axmed Maxamed Muse

 

caalim44@hotmail.com

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *