7 Sababood Oo Keena Caano Yaraanta Naasaha

Waxaa jira hooyooyin aaminsan in caanuhu ay  ku yaryihiin hadii naasaha aysan culays ka dareemin ama naasaha aysan caano ka keeni karin markii cunugga afkiisa ka bixiso. Arrimahaan waa fikrado khaldan.
Sababaha keena caano yaraanta naasaha

  • Hadii hooyadu ay qabto dhibaatooyinka dhinaca hormoonnada ah sida cudurka macaanka, dhiig karka, thyroid, waxay yareyn karaan caanaha hooyada. Xalinta dhibaatooyinka ayaa caawin karta in naasuhu ay soo saaraan caano ku filan ilmaha.
  •  Qalliinka naasaha:  hadii hooyada lagu sameeyay qalliin dhinaca naasaha ah waxay dhaawici kartaa tuubada caanaha.  Qalliinka naasaha ayaa loo sameeyaa sababo caafimaad ama qurux darteed.
  • Qaadashada kiniinka uurka ka hortaga waxay sababaa caano yarida naasaha.
  • Qaadashada dawooyin yareyn kara caanaha naaska iyo dhira daweed.
  • Hooyada oo aan habeenkii cunugga nuujin waxay keentaa in soo saarka caanuhu yaraadaan.
  • Hadii hooyadu aysan garanayn habka nuujinta ilmaha iyo qaabka fadhiga waxay saamayn ku yeelan kartaa soo saarka caanaha.
  • Cunugga oo maalmaha ugu horreeya laa siiyo wax aan caanaha naaska ahayn waxay sababi kartaa in soo saarka caanuhu ay yaraadaan.
  • Hadii hooyada naasaheeda ay yaryihiin oo aysan laheyn unugyada caanaha sameeya oo ku filan waxay taasii keeni kartaa in caanuhu yaraadaan.

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *