7 Qaab Oo Cagaha Loo Qurxiyo

cagahaaga oo ah qeyb muhiim ah oo ka mid ah jirkaaga waxayna kaalin mug leh ka qaatan quruxda jirkaaga, sidaasi darteed waxay u baahan yihiin in aad ka fikirto daryeelkooda iyo nadaafadooda,

Hadaba qodobadaan daryeelmagazine.com halkaan  kusoo bandhigayo ayaan ku eegi donaa talaabooyinka saldhiga u ah ee ka caawin doono nadaafada iyo quruxda cagahaaga:

1. Lugaha ugu qabee baaf
baaf lugaha

Waa in aad si joogta ah u dhaqdaa cagagahaaga todobaadkiiba mar. Ku shubo biyo diiran oo cusbo ama shaambo leh baaf oo dhex gali cagaha, kuna dhaaf ilaa 10 daqiiqo.

2. Qalaji cagaha 

qallaji

waxa muhiiim ah in aad cagaha qalajiso marka aad dhaqdo, waliba ha ilaabin in aad faraha dhexdooda qalajiso mar walibana ku dadaal inaad marsato kareemada duxda iyo qoyanka ay ka heli karaan cagahaaga si ay u noqdaan kuwa jilicsan oo dhalaal badan.

3 – Cidiyaha:

ciddiyaha lugaha

Cidiyahaaga ku dadaal in aad u jarto si qurux badan oo toos ah  adigoo istimalaya maqaska cidiyaha kadibna soofee,waxaadna marisaa hadii aad jeceshahay xino si ay u qurux badnaadan.

Akhriso: qurxinta iyo xanaanaynta gacmaha

4 – Xoq cagaha:xoq caggaha

 Xoq hilibka ku ag yaala cidiyaha si aad uga qaado maqaarka qalaylka ah iyo ka gaboobay si ay meeshaasi u noqoto mid jilicsan. Xataa waxa kale oo aad xoqdaa meelaha kale ee ka mid ah cagta gudheeda ee adag.

5 – Kareem mari cagaha:kareem lugaha qurxiyo

 Cagaha mari kareemka cagaha ee jilcinaya. Hadii ay caguhu ku dildilaacaan ama safan kaa gasho ayaa waxa aad soo iibsan kartaa kareem hoos u dhigaya dildilaaca. Waxa kale oo muhiim ah in aad ogaato in ayna fiicnayn in aad faraha dhexdooda mariso kareem. Hadii faraha dhexdooda aad kareem marinayso ha ahaado ka loogu tala galay ee ka ilaalinaya fangaska (qawadka).

6. U duug cagahaaga:u duug lugaha

U duug cagahaaga ama u daliig adigoo isticmalaya saliida cagaha, si tartiib ah u riix riix farahaaga adigoo la raacaya ilaa cagta hoose waxaadna marisaa cidiyahaaga si gaar ah kareemka ama saliida aad isticmaaleyso si ay u noqdaan kuwo nadiif ah.

7. Rinjiga cidiyaha ama cilaan: ciddiyaha

Si aad u heshid dareenka cago qurux badana, mari cidiyaha laba mar middab qurux badan kadibnka mari dawada sii adkaynaysa ee widhwidhinaysa.

Katra Ahmed Ali

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *