Ma Dareentaa Caajis iyo Hurdo markaad Wax Akhrinayso?

hurdo, akhris, caajiskaMarar badan ayeynu lulmoonaa innaga oo wax akhriyeyna, taasina waxay keentaa in aan joojino wax-akhrinta. Hadabba maxaa keena arintaan? Sabab ka mid ah sababaha keena arintan, lana odhan karo waa ta ugu weyn ayaa la xidhiidha waxa la akhrinayo. Haddii aad akhriyeyso mawduuc aan ku xiiso gelinayn, waxa kugu dhacaya caajis, waana xiiso la’aantaas sababta ugu weyn ee keenaysa in aad caajisto. Waayo, waxa aan jirin oo mawduucu aanu lahayn wax dareenka qofka akhrinaya kicinaya oo jeclaysiinaya in uu sii wato oo uu dhameysto.

Khaladaadka soo dedejiyo Hurdada xilliga wax akhrinta:

  1. Jimicsi la’aanta: Qofka oo ay noloshiisa ku badan badan tahay nasiino, jimicsi  la’aan firfircooni yari, akhrisku dhib ayuu ku noqdaa taasina waxay soo dedejisaa hurdada.
  2. Hurdo xumida: Qofka oo badsada dhafarka ama aanan helin hurdo ku filan badanaa wuu ku dhex hurdaa wax akhriska.
  3. Daalka Indhaha: Qofka oo indhihiisa ku daaliya daawashada TV-ga iyo isticmaalka computer-ka waxay keentaa hurdada sababtoo ah ah indhuhu awood uma lahaan karaan waxa uu akhrinayo.
  4.  xilliga wax la akhrinayo iyo Goobta wax lagu akhrinayo: Waxaa arkay inta dadka badanaa ku dhex hurdo wax akhriska waxa ay wax akhriyaan waqtiyada hurdada sida duhurkii iyo habeenkii. Sidoo kale meesha wax lagu akhrinayo waxay ka qeyb qadataa hurdo aadan ku talo gelin. Waxaa jira dadka jecel inay wax akhriyaan iyagoo jiifa ama sariirta dusheeda wax ku akhriyo Hadaba ka dheeroow goobaha hurdada soo dedejiyo.

Talooyin kaa caawinaya inaadan ku hurdoon wax akhriska:

  1. Ha joojin inaad wax akhrido, mar kasta isku day inaad akhrido wax ku xiiso geliya. Ha isku dayin in aad wada dhameyso buugga/wargeyska, IWM ee aad akhriyeyso, akhrise hadba inta aad karto, xataa hal bog ama ka yar waa arin horumar fiican keeni karta.
  2. Ku dedaal inaad wax ku akhrido meel degan oo aan cidi kugu buuqayn.
  3. Seexo hurdo ku filan kana fogow dhafarka.
  4. Caado ka dhigo inaad wax qoratid markaad wax akhrinaysid. Tani jirka ay jimicsi siinaysaa, maskaxdana waxay ka dhigaysaa mid soo jeedaa, waxayna kaa ilaalinaysaa hurdada.
  5. Isku day inaad wax ku akhrido luuqad aad si fiican u fahmayso.
  6. Meel iftiinkeedu fiicanyahay wax ku akhri, si haboona u fadhiiso.
  7. Marka aad wax akhrinayso, qaado waqti nasiino, tusaale ahaan 1-kii saacba ugu yaraan 10 daqiiqo naso.
  8. Xoogaa markaa wax akhriso socsoco, oo ka bax qolka aad wax ku akhrinaysid si aad ugu soo laabatid wax akhrinta adigoo firfircoon.
  9.  Booqo maktabadaha, lana saaxiib dadka wax akhriya.

Check Also

Arday wanaagsan oo guulaysta

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *