7 Fikradood Oo Aan Ka Faa’iiday Buugga Eat That Frog

Brian Tracy waa qoraa iyo khudbeeye ku xeel-dheer culuumta horumarinta aadanah. Wuxu qoray in ka badan toddobaatan buug oo badi ku saabsan qofka iyo sidii uu horumarin lahaa awoodihiisa iyo sidii ay noloshiisu u noqon lahayd mid midho-dhal leh. Buugtiisaa waxa ugu caansan `Cilmu Nafsiga Iibinta`, `Mucjisaadka Naf-edbinta`, Cilmu nafsiga yool xaqiijinta`, iyo qaar kale.
Buuggan `Eat That Frog` wuxu ku saabsan yahay daawaynta dibudhigashada iyo sidii uu qofku wakhtigiisa uga faa’iidaysan lahaa. Wuxu anfacayaa qof kasta oo raba in uu wakhtigiisu midho-dhal yeesho si ay noloshiisu u noqoto mid midho-dhal leh oo uu mahadiyo.

Cunwaanka buugga ee `Eat That Frog` wuxu ka yimi odhaah uu yidhi Mark Twain oo macnaheedu ahaa: Haddii waxa ugu horreeyaa ee aad samayso arroor kasta marka aad soo kacdo ay tahay inaad cunto rah, maalintaada waxaad ku dhammaysanaysaa adigoo og in aanay ku qabsanayn arrin ka adag rah cuniddii. Rahaa waxa looga jeedaa hawsha ugu wayn, uguna muhiimsan ee ku hortaal ee aad adiguna dib u dhiganayso. Hawshaasoo ka mid ah waxyaabaha haddii aad samayno ay noloshaada kusoo kordhinayso saamayn togan.
Sidii caadada inoo ahayd, waxaan idiin soo gudbinayaa 7 fikradood ama cashar oo aan buugga ka faa’iiday, qof walibana uu u adeegsan karo noloshiisa si ay u noqoto mid midho-dhal leh.

Daawasho wacan:

Check Also

Madoonaysaa dadku in ay ku Qadariyaan kuna Jeclaadaan?

Dabcan qof weliba waxa uu jecel yahay dadku in ay qadariyaan oo ay jeclaadaan .hadaba …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *