7 Faaido Oo Laga Helo Dhididka

dhididkaDhidid ka yimaada jirka waa qaab dabiici ah oo qaboojiya jirka laf ahaantiisa. Hadaba daryeelmagazine.com ayaa akhristayaashiisa qiimaha badan la wadaagaya faaidooyinka laga helo dhididka.

Wuxuu sii daayaa sunta: Dhididku waxaa uu jirka kasii  daayaa sunta. Khubarada caafimaadka ayaa isku raacay in dhididku jirka ka saaro cusbada xad dhaafka ah, cholesterol-ka iyo weliba aalkolada.

Waxaa uu daaweeya dhaawacyada maqaarka: Dhididka ayaa waxaa ku jira Maadada Dermcidin ee ku faafta qanjirada bini’aadamka iyadoo ay sahleyso in maqaarkii dhaawacmo si fudud ula dagaalanto bakteeriyada soo gasha jirka, si dhaqso ahna u raysato boogta.

Dhididku waa cadowga dhagaxa kelyaha: Cilmi baaris ay samaysay jaamacada Washington ayaa lagu ogaaday dadka jimicsiga badsada in dhididkoodu dibada usoo saaro cusbada iyo maadada calcium. labaadaan ayaa ka mid ah waxyaabaha sameeya dhagaxa kelyaha.

Dhididku waxa uu daaweeya TB-da iyo cudurro kale:  Khubaro cilmi baarayaal ah ayaa tijaabo ay ka sameeyeen dhididka bini’aadamka ku ogaaday in dhididka dadka ay ku jirto maado daawo u ah cudurka faafa ee TB-da iyo cudurada kale ee sambabada gala.

Cilmi baarayaashaan u dhashay dalka Mareykanka ayaa sheegay in maado kiimikeysan oo la yiraahdo Dermcidin oo cusbada jirka dadka ka shaqeysiisa, kana hor hortagto unugyada il-ma qabatada ah ee jirka bini’aadamka dhibaatada u keenaya, taasoo daawo u ah cudurka TB-da.

Hadii aad ka cabanaysid dhididka joogtada ah ee gacmaha iyo lugaha akhriso: 7 siyaabood oo la isaga daaweeyo dhididka badan

Dhididku waxaa uu u wanaagsanyahay caafimaadka maskaxda: jimicsigu waxa uu ku gelinayaa niyad wanaagsan. jimicsigu waxa uu hagaajiyaa wax soo saarka maskaxda, sidoo kale waxaa uu dhimaa stress-ka ama kadeedka. Sida lagu xusay daraasad lagu soo bandhigay American College of Sports markasta oo uu dhididkaagu bato  waxaa hoos u dhaca kadeedka.

Heerkulka jirka: uumiga dhididka ayaa jirka ka joojiya inuu kululaado oo maqaarka waxyeelo gaarto. Hadii adigoo jimicsi samaynayaa uuna dhidi kaa imaan waxaa dhici karta inuu ku hayo xanuun la yiraahdo anhidrosis, calaamadaha kale ee xanuunkaan lagu garto waxaa ka mid ah; dawakhaad, finanka maqaarka iyo miyirka oo kaa luma.

Waxa uu ka hortagaa qabowga iyo infections-ka: daraasad ay samaysay jaamacad ku taal dalka Germany oo lagu magacaabo Eberhard Karls University Tubingen, ayaa muujinaysa in dhididka bini aadanka uu ka hortago qabowga maadama uu ku jiro maadada  dermcidin taasoo la isku raacay inay la dagaalanto jeermiska, qabowga iyo jirooyinka kale ee khatar ah.

Source: Lifehack.org & Fitness Magazine

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *