Muhiimadda Cabbista Sharaabka Liin Macaanta

liin-macaantaDadka badankoodu waxay ku kalahaan cabbitaanka shaaha iyo kafeega, balse waxa cilmi-baadhiso caafimaad oo badan muujiyeen in qofka subaxa hore caba liin-macaan qasan caafimaadkiisu aad u fiicnaado.

Haddaba, waxaynu akhristayaashayada ugu talagalnay faa’iidada caafimaad ee ay liin-macaanku qofka u leedahay, annagoo ka soo kala ururinay daraasado tiro badan oo laga sameeyey arrintan.

1.Waxan taageertaa in hab-dhiska difaaca cudurradu si fiican u shaqeeyo: Liin-macaanta waxa ku badan faytamiinka C-da la yidhaah, kaasoo caan ku ah inuu jidhka ka caawiyo in hab-dhiskiisa difaaca cudurradu noqdo mid si fiican u shaqaynaya, kaasoo difaac fiican u yeesha inuu ka hortago khataraha ku iman kara hab-dhiska neefsiga amma dhuumaha neef-mareenka. Waxa kale oo liin-macaanta ku jira maaddo la yidhaa Ascorbic acid, taasoo la mid ah Faytamiin C-ga, kana difaacda qofka in caabuq jidhkiisa ku dhasho. Maadada Saponins oo sidoo kale laga helo liin-macaanta laf ahaanteedu waxay ka hortagtaa walxaha cudurrada wada ee jidhka dibadda ka soo galaya, taasoo qofka sida joogtada ah liinta u qasta aannu qaadi karin xannuunka durayga amma hargabka. Maadada ascorbic Acid ee liin-macaanta ku jirta waxa ku badan macdanta Iron-ta, taasoo ka qaybqaadata in hab-dhiska difaacu si fiican u shaqeeyo.

2. Waxay caawisaa hab-dhiska dheef-shiidka Liin-macaanta macdanta ku jirta ee la yidhaa Citrus Flavonols waa ta ka masuulka ah in hab-dhiska dheef-shiidku si fiican u shaqeeyo, waxaanay nadiifisaa, kana shaqaysiisaa beerka. liin-macaanta qasan waxa inta badan lagu yaqaan in hab-dhiska dheef-shiidka ay ku caawiso Hydrochloric Acid si dheef-shiidka calooshu si fiican wax ugu ridqo. Faytamiin C-ga oo sidoo kale liinta ku jira waxa uu ka hortagaa in qofku yeesho boog-calooleed sababta in gaastari qofku qaado amma bakteeriyada Helicobater Pylori oo aakhirka qofka boog ku keenta.

3 Waxay nadiifisaa maqaarka: Vitamin C-ga ku jira liin-macaanta amma walxaha kale ee antioxidans ah waxay maqaarka ka ilaaliyaan in dhaawaca soo gaadha han-baabuqo amma in maqaarka ay dhaw soo gaadhsiiyaan sunta degaannada ka jirta ee dikhawga hawadu sababto, gaar ahaan kuwa keena in maqaarku is laalaabo amma coodh-coodho.

Liin-macaanta oo afka laga qaataa waxay yaraysaa dhaawaca maqaarka soo gaadha ee keena laalaabka amma finanka tirade badan ee qofka maqaarkiisa ka soo baxa, waxaanay dhiigga ka saarta sunta cuntooyinka qaar sababaan.

4. Waxay Acida ka badhxisaa jidhka: Inkastoo dhadhanka liin-macaantu u muuqdo mid Acid ku badan tahay, haddana xaqiiqadu waxay tahay in ay ka mid tahay cuntooyinka ugu wanaagsan ee jidhka ka badh-xiya Acid, sababtoo ah liintu waxay ka kooban tahay Ascorbic iyo Citric Acid, kuwaasoo ah qaar diciif ah oo macdanta liinta ku jirta u ogolaada inay jirka badhxiso oo Acid riban ka yarayso.

5. Waxay ka qaybqaadata in nabaradu hore u bogsadaan: Aysiidha la yidhaa Ascoric Acid ee loo yaqaan Faytamiin C, lagana helo liin-macaanta waxay ka qaybqaadata in dhaawacyada jidhka qofka soo gaadha hore u bogsadaan, waxa mid ka mid ah nafaqooyinka muhiimka u ah bogsashada nudaha, lafaha iyo carjawaha jidhka. Faytamin C-gu waa shay ka hortaga caabuqa, kaasoo daawo sidoo kalena ka ah in qofka maskaxdiisu culays dareento.

6. Waxay dawo ka tahay Fuuq-baxa: Qofka subax kasta caba amma qasta liin-macaanta waxay ka caawisa in hab-dhiska dheef-shiidkiisu si fiican u shaqeeyo, jidhkana waxay ka saarta walxaha qashinka amma suntan ah ee ka hadha inta jidhku ku guda jiro burburinta cuntada, waxaanay soo celisa dhammaan fuuq baxii qofka ka baxay.

7. Waxay Hoos u dhigtaa Miisaanka: sida ay aaminsanyihiin Khubarada ku takhasusay nafaqada Liintu waxay si dar dar u ridaa miisaanka. sidoo kale waxay jidhka ka nadiifiisa sunta iyo qashinka gudaha

8. Waa Tamar aad u wanaagsan: Liin-macaanta qasan waxay jidhka siisa tamar uu si fiican ugu shaqeeyo, taasoo ka ilaalisa qofku intuu hawlaha culus ku jiro in uu murugoodo amma culays maskaxda ah dareemo, sababtoo ah waxay dejisaa hab-dhiska neerfisyada ee fariimaha ka soo qaada, geeyana maskaxda.

W/Q: Ibraahin Khadar Siciid

Check Also

timirta iyo caafimaadka

Faa’idooyinka Joogteynta Timirta Iyo Inta Xabbo Ee Laga Cuni Karo Maalintii

Muslimiinta badankoodu, iyaga oo ku dayanaya rasuulkoodii Muxammed (NNKH), xilliga soonka waxa ay ku afuraan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *