Faa’iidooyinka Waa Weyn Ee Basasha Iyo Xanuunnada Ay Dawada Ka Tahay

Basal, basasha, faaidada basasha,

Basasha waxaa ku jira maaddooyin isugu jira carbohydrate, azotes, dux, cusbooyin ay ka mid yihiin Kalshiyaam, Fosfoor, xadiid, xadiid, Soodhiyam iyo Bootaasiyaam. Sidoo kale waxaa basasha ku jira maaddooyin Antibiotic ah oo ka awood badan penicillin iyo Sulfate, sidaa awgeed waxa ay leedahay awood ay ku daweyso cudurrada qaar, waxa ay dishaa jeermiska waxa ay awood siisaa caloosha waxa aanay furtaa cunto cunista (Amateedka).

Qormadan waxa aynu akhristayaasha kula wadaagaynaa qaar ka mid ah faa’idooyinka waaweyn ee ay khubarada caafimaadku xaqiijiyeen in laga helo basasha:

– Waxa ay xoojisaa wadnaha waxa aanay caawisaa in uu wanaagsanaado, nidaamsamana garaaca wadnuhu.

– Basashada waxaa ku jira Faytamiin C, oo liddi ku ah qudhmista isla markaana firfircoon ku abuurta qofka.

– Basashu waxa ay kor u qaaddaa awoodda bacariminta ee ninka.

– Waxa ay jidhka ka caawisaa in uu xakameeyo heerka macaanka ee dhiigga.

– Waxa ay badisaa kaadida, waxa aanay daweysaa caabuqa ku dhaca kaadi-marennada iyo qanjidhka ragga ee Prostate oo ay ka ilaaliso bararka.

–  Waxa ay dawo ka tahay cudurka Dropsy (Edema) oo ah in jidhka hoostiisa ay biyo badani ku samaysmaan.

– Uumiga basashada iyo saliid saytuunta oo habeenkii lagu duugo meelaha xanuunku ka jiraa waxa ay dawo ka tahay xanuunka Roomatiisanka.

– Waxa ay daweysaa madax xanuunka.

– Waxa ay dejisaa dhiig karka, waxa aanay daweysaa cudurrada ku dhaca xididdada dhiigga.

– waxa ay dejisaa acsaabta, waxa aanay u fiican tahay xilliyada sakatiga iyo xaaladaha nafsiga ahi ay qofka hayaan.

– Waxa uu sahlaa shaqada hab-dhiska dheef-shiidka waxa aanay firfircooni ku abuurtaa xarakaadka xiidmaha.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

facebook page: Marjaan

Check Also

indho ololka,

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *