7 Dhibaato Oo Laga Dhaxlo Dhafarka Badan Iyo Talooyin

dhafarka badanDhafarka iyo hurdo la’aanta waxaa laga dhaxlaa dhibaatooyin badan oo kala duwan.
Maadaama caalamku is badalay oo habeenkii iyo maalintii isku mid noqdeen xaga dhaqdhaqaaqa waxaa aad u soo baxay dhibaatooyin badan oo la xiriirta hurdo la’aanta ama dhafarka habeenkii taasoo na dareensiineysa ahmiyada hurdada iyo faa’idooyinka caafimaad ay hurdadu wadato.

Dhafarka habeenkii waa wax khilaafsan sunnadii eebe ugu tala galay bini’aadanka, eebe wuxuu quraankiisa ku xusay dhowr meel in habeenkii loogu talagalay daganaan iyo hurdo, maalintiina nolol iyo dhaqdhaqaaqa, qofka bini’aadankane labaduba uusan ka maarmi karin.

Fikrada khaldan ay dadku qaar aaminsan yihin ayaa ah, haduu qofka habeenkii soo jeedo, maalintiina uu hurdo in ay ku filan tahay oo uu faa’idadii hurdada helay.
Taasi sax ma ahan, diraasado badanne waa laga diyaariyay arrintaas, waxaa la arkay in qofka biniaadanka jirkiisu uusan isku si u shaqaynin habeenkii iyo maalintii, habeenkii maadaama loogu tala galay nasinada iyo hurdada, unugyo badan oo jirka ka tirsan waxaa eebe uu ku programiyaya in ay shaqada yareeyaan ama hakiyaan iyo xubnaha qaar ay yareeyaan wax soo saarkooda sida qanjirrada soo daayo hormoonada iyo dheecaanada jirka uu u baahan yahaya, maalintiina waa caksi oo qeybo badan oo nasanayay habeenkii ayaa la howl galiyaa habeenkii, sidaas awgeed hurdada maalintii ma gudi karto midda habeenkii.

Dadka habeenkii shaqeeyo ama dhafro waxay la kulmaan dhibaatooyin ka dhashay culeys saarista jirkooda oo u baahnaan lahaa xilli nasasho tanne waxay dhalisaa dhibaato dhowr, waxaana ka mid ah:

  • Hurdadu waxay kobcisaa difaaca jirka waxay awood dheeraad ah iyo firfircooni siisaa unugyada jirkeeda ee eebe ugu tala galay inay ka hortagaan waxyaabaha jeermiska ah, sidaas awgeed dhafarka iyo hurdo la’aanta joogtada ah waxay keentaa in qofka jirkiisu uu iska difaaci kari waayo xanuunada.
  • Hurdadu waxay yareysaa miisaanka qofka, dhafarkuna wuxuu keenaa cayil, waxay cilmibaarayaashu arkeen in dadka dhafro in ay boqolkiiba 30% ay kaga halis badan yihiin cayilka dadka hurdada helo, taasna waxaa lala xiriiriyay in hurdo yarida ay yareyso maado la yiraahdo “leptin” taasoo qofka dheregta dareensiiso waxuu kaloo dhefarka kordhiyaa maadada loo yaqaano “Gherlin” oo ah hormoonka dareensiiyo gaajada.
  • Hurdadu waxay kordhisaa caafimaadka iyo dareenka maskaxda, qofka dhafra wuxuu dareemaa subaxii daganaansho la’aan iyo inuu si sahlan ku xanaaqi karo maadaama dareemadiisu ay kacsan yihiin oo habeenkii dhan shaqo ku jireen, hadduu qofka dhafarkaas u barto waxay keentaa niyad jab, diiqo iyo welwel, diraasadl lagu sameeyay dadka laga daaweeyo diiqada in ay badakood helin hurdo ku filan ama ay ku bada ntahay dhafarka.
  • Hurdadu waxay ka hortagtaa Sonkorta iyo Kaadi macaanka, waxaa la arkay dadka dhafra inay halis ugu jiraan cudurka macaanka noociisa 2-aad taasoo ka dhalaysa wareer ku yimaada qaabka jirka uu u xakameeyo ama u kontaroolo sonkorta cuntada laga helo.
  • Dhafarka wuxuu yareeyaa hamiga kacsiaga qofka, waxaa la arkaa dadka dhafra inay ka hami yaryihiin dadka hela hurdada habeenkii
  • Dhafarka muddada dheer ah wuxuu keenaa in wadna garaaca uu siyaado, taasina waxay keentaa in cadaadiska dhiiga uu bato tanoo culeys saari karto wadnaha, sidaas awgeed wuxuu qofka dhafraa halis ugu jiri karaa xanuunada wadnaha ku dhaco.
  • Dhafarka wuxuu raga iyo dumarkaba si iskugu mid ah u yareeyaa hormoonada u xilsaaran tarmidda iyo uureynta, hadduu dhafarkaas joogto noqdane waxay dhakhaatiirtu ka digaan in qofka madhalaysnimo ay u keento taasoo ka dhalatay khalkhal galay hormoonadaas.

Talooyin:
1- Haddii aad ka mid tahay dadka dhafro in aad ku dadaashid sidii aad u heli lahayd hurdo kugu filan habeenkii adigoo ka fogaada waxyaabaha dhafarka kuu keeni kara.
Waxaa laga yaabaa in aad aamisan tahay in aad u baaha ntahay saacado kooban oo hurdo, in aad dhafri karto, subaxiina aad shaqadaada aadi kartid.

Ogow taasi waa dhibaato aad ku haysid jirkaaga oo dhici karto waqti dambe in ay kaa soo baxdo.
2- Haddii aad shaqaysid habeenkii, ku dadaal in aadan joogto ka dhigan shaqadaas, waxaadna awood sharci ah u leedahay in shaqo habeen si joogto ah laguugu qori karin iyadoo ay suura gal tahay in aad maalintii shaqeyso ama aad is badashaan dadka kale ee aad isla shaqeysaan.

3- Haddii aad tahay dadka dhafro ka fogow waxyaabaha keeni karo in hurdada kaa fogeeyaan sida kaffeeyga iyo cabitaanada laga helo energy-ga, tani waa dhibaato lagu daray dhibaatadii dhafarka, waxaad jirkaaga saaraysaa culeys dheeraad, waxay la mid tahay adigoo baabur matoorkiisa kululaaday aad rabtid in aad sii waddo oo aad sii sheellarayso!.
Iska ilaali in aad maandooriye ku darto dhafarka sida qaadka iyo waxyaabo kale oo sidooda halis ugu keeno jirka.

4- Dhakhatiirtu waxay sheegaan in hurdada la qallayn karo oo wixii dhafarka uu gaarsiiyay jirkaaga in la yarayn karo usbuucyo illaa bilooyin gudahooda, dhibaatada iyo dhaawaca jirka gaaray waxay ku xiran tahay mudada dhafarka iyo nooca shaqada ee lagu dhafray, kullamaa qofka shaqada uu habeenkii uu qabto ay badan tahay ama u baahan tahay in jirka iyo maskaxda aad looga shaqeysiiyo kullamaa dhibaatadu ay badan tahay ama ay soo degdag ogtahay.
Waxay lagula taliyaa qofka rabo inuu ka hortago ama yareeyo dhibaatada dhafarka mudda uu ku soo jiray in uu saacado dheeri ah uu hurdo habeenkii, huradadaaso oo ah mid aan buuq lahayn, waxaa lagula taliyaa in qofka uu 10 saac oo hurdo joogto ah uu helo si uu u so gudo deyntii hurdada lagu lahaa.

5- Haddii aad ka mid tahay dadka ku dhafra isticmaalka internetka ama daawashada filimaanta, ka fakar mustaqbalka caafimaadkaaga, iskana jooji caadadaas oo haddii aad muddo dheer aad wadid kuu keeni karta dhibaatooyinka kor ku xusan.

6- Xanuunada laga dhaxlo khilaafista sunada nolosha ee eebe waxay ku tusinayaa in jirka bini’aadanka loogu talagalay si kontorool leh inuu u noolaado, hadduu caksigeeda uu sameeyane wuxuu ka dhaxlaa dhibaatooyin aadan waqtigaas dareemi karin.

Xigasho: somalidoc.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *