7 Dariiqo Oo aad Ku Kobcin karto Xusuusta Maskaxdaada

hilmaan badanMaskaxdu waxay ka mid tahay nimcadda ugu qaalisay ee ilaahay Bani’aadamka ku manaystay, waana waxa Ilaahay bani’aadamka uu kaga fadilay makhluuqa caalamka ku nool intiisa kale. Maskaxda kobaceeda iyo fikirkeeda waxaa saamayn ku yeesha deegaanka uu qof ku nool yahay, waayaha nolosha ku hareeraysan, caafimaadka qofka iyo arimo kale oo badan. Maskaxdu waxay suurayn kartaa nolol aan jirin waxaanay ka dhigi kartaa waxa dhici kara.

Dadka qaarkood ayaa waxaa ku bata ilowsha ama hilmaamka, waxaa hoos u dhaca awooda xifdiga qofka. Qormadeenan waxay ku eegi doona waxyaalaha Maskaxda Xusuusteeda Kordhiya.

1. Jooji Walbahaarka: Niyad-jabka, Walbahaarka iyo dhamaan arimaha nafta dhibaateeyaan waxay waxyeelo gaadhsiiyaan qaybta maskaxda u qaabilsan xusuusta. Haddaba marka arimaha nafta dhibaateeyaa ay ku soo maraan waxay dhibaato soo gaadhaa qaybta xusuusta ee maskaxda.

Haddaba isku day in aan hesho hab aad ku joojin karto walbahaarka ama aad uga guulaysan karto Niyadjabka. Hababka ugu fiican ee aad ku daweyn karto waxaa ka mid ah, In aad ciibaado iyo digriga badsato, in aad jimicsato gaar ahaan ciyaarta Yoga, ama in aad naftadda wakhti nasasha ah siiso.

Akhriso: sida loo joojiyo walbahaarka

2. Samee jimicsi: Jimicsigu maaha wax jidhka oo kaliyaata u fiican balse waxaa uu sidoo kale faa’iidooyin badan u leeyahay xusustaada dhaw iyo ta dheer. Haddii aad dhiigaaga si joogto ah uga shaqaysiiso adigoo ciyaaraha noocyadda kala duwan ee Jimicsiga hadda tii aad doorbido waxaa meesha ka bixi doono waxyaalihii kugu keenay xusuus xumadda waxaana yaraan doono Ilowshahaaga badan.

3. Muuqaalada: Dadka dunida ugu badan ee ku guulaysta xusuusta, farsamooyinka ugu badan ee inta badan ay isticmaalaan waxay tahay inay xifdiyaan muuqaalada. Halkii aad fikir badan galin lahayd xarfaha iyo tirooyinka in aad xusuusato waxaad ku dadaashaa in aad ka fikirto muuqaalada. Kani waa mid ka mid ah qawaaniinta sida ay maskaxdeenu u shaqayso waxaanay ilbidhiqsiyo gudaheed ku horumarinaysaa xusuusteen. Isku daydo in aad caado ka dhigato in aad maskaxda wax ku sawiro.

4. Ciyaar Gemamka Maskaxda Dhisa: Waxaa jira games loogu talo galay in ay maskaxda lagaga shaqaysiisyo kuwaasi oo ku jiraa mobayladda qaarkood, ciyaarahaas waxaa ka mid ah Puzzles, Sudoku iyo Crosswords. Games-kani maaha oo kaliya madadaalo balse waxay wakhti yar oo kooban u fiican yihiin shaqadda xusuusta maskaxda. Isku day in aan badanaa ciyaarto games-ka xusuusta maskaxda koriya, ciyaarahani maskaxda waxay uga dhigan yihiin sida jidhkaagu markuu soo ciyaaro gym-ka oo kale.

5. Badso khudaarka cagaaran: ku dadaal cunista khudaarta cagaaran sida Kale, brocoli iyo isbiinajka (spinach) sababtoo ah waxaa ku badan Vitamin E. Cuntooyinka kale u wanaagsan maskaxda waxaa ka mid ah afakaadhada oo waxay hodan ku tahay Vitamin E, iyo Vitamin C oo ka hortaga khatarta qaadista cudurka xusuus beelka.

6. Cun Kaluun Badan iyo Digir: Kaluunku waxaa uu ka mid yahay cuntooyinka ugu fiican ee kor u qaada xusuusta dadka. Sidoo kale cuntooyinka xusuusta qof kor u qaada waxaa ka mid ah Beans, digirta iyo harikooga. Hadda waxaa la isku wadda raacay in Kaluunku horumariyo xusuusta maskaxda, fadlan ha u daymo la’aan.

7. Wakhti badan Seexo: Qofka oo seexan waaya hurdo ku filan waxay burburisaa xusuusta qofka iyo qaybo badan oo ka mid shaqooyinka ugu muhiimsan maskaxda. Waxaa la sheegay in qofka oo hal habeen si fiican u seexan waayaa inay ku qaadanayso inuu ku soo kabto ilaa uu seexdo saddex habeen. Haddaba haddii aad doonayso in aad horumariso xasuustaas, waa in aad seexataa ugu yaraan sideed saacadood iyo wax ka badan oo aan lagaa carqaladayn. Isku dayn in uu qolkaagu yahay mid dagan, oo madow oo aanay ka dhex baxaynin wax Telefishan ah iyo wax muusig ah marka aad seexanayo. Isku day in aan arimahan ku celiso ilaa todobaad ha la yaabin haddii aad dareento in aad dhib u dhalatay. Si fiican u seexo una fiirso sida ay xusuustaadu u horumarto.

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *