7 Cunto Oo Yareeya Xanuunka Caadada Dumarka

Waxay dumarka intooda badan la kulmaan nooc xanuun caado inta ay noloshooda jirto. Erayga caafimaad ahaan loogu isticmaalo waa dysmenorrhoea. Xanuunka uu keeno caadaada dhiigga waxaa laga dareemi karaa qaybta hoose ee calooshaada, laakin waxuu u faafi karaa dhabarkaaga.

Waxaa daraasaadka la sameeyay qaarkood sheegayaan in ku dhowaad 75% ee ah dumarka dhallinta yar iyo 25-50% ee dumarka qaan-gaarka ah ay la kulmaan xanuun iyo raaxo la’aan inta ay qabaan caadada.

Waxaa xanuunka caadada caadi ahaan lagu daawayn karaa guriga. Inkasto oo ay suurto gal tahay inaadan awoodin inaad iska wada joojisid xanuunka, waxaa jira tillaabooyin kaa caawini kara in la qafiifiyo, ama la dhimo. Jimicsiga, ama in la samaysto qubays diiran, waxay kaa caawini karaan in la dhimo xanuunka.

Sidoo kale waxaa jira cuntooyin yareeya xanuunka caadada, waxayna kala yihiin:

Biyaha:biyaha

waxaa haboon inaad cabtid ugu yaraan 2 ilaa 3 liitar oo biyo ah maalintii, waxay kaa ilaalinaya dibirada xiliga caadada.

Salmon:salmon iyo caadada

Kalluunka nooca loo yaqaan salmon waxaa ku badan maadada la yiraahdo Omega-3 oo la dagaalanta caabuqa, sidoo kale kalluunka waxa uu hodan ku yahay Vitamin D

Akhriso: 9 faaido oo laga helo kalluunka nooca Salmon

Shukulaatada madow:Shukulaatada madow iyo xanunka caadada

Shukulaatada madow waxay kaa caawinaysaa inad dejiso murqaha. Iska xaqiiji in shukulaatada aad cunayso laga sameeyay ugu yaraan 70% geedka shukulaatada ee loo yaqaan COCOA.

Koosto (Spinach):Spinach_2337460b

Koostadu waxay kaa caawinaysaa inay yareyso xanuunka caadada sababtoo ah waxaa ku jirta maadada calcium-ka, caabitaan ahaan ayaad u shiidan kartaa, hadii aadan jeclayn dhadhankeeda waxaad ku darsan kartaa moos iyo caanaha yicibka (almond milk)

Qorfaha:

qorfaha

Mudoo dheer ayaa loo isticmaalayay in lagu daaweeyo hargabka, xasaasiyada iyo inuu caawiyo dheefshiidka. Sidoo kale qorfuhu waxa uu hoos u dhigaa xanuunka caadada sababtoo waxaa ku badan macdanta calcium, fiber iyo birta (iron). Shaah ayaad ku darsan iyo cuntooyinka kale.

Akhriso: 10 tallaabo oo aad iskaga yareyn kartid xanuunka caadada

Babaayga:babaay

Babaaygu Waxa uu hodan ku yahay Vitamins C iyo A. Waxaa aad ugu yar calories-ka waxaana ku badan nafaqooyin, waxaa uu wanaagsanyahay maqaarka jirka, sidoo kale waxa uu caawiyaa dheefshiidka.

Sanjabiisha: sanjabiil

Sanjabiishu waxay la dagaalantaa hargabka, madax xanuunka iyo xanuunka caadada. Jeex sanjabiil ah ku darso koob biyo kulul ah kadibna cab.

Cuntooyinka ay haboontahay inaad ka fogaatid waqtiyada caadada waxaa ka mid ah, caanaha iyo burcadka (cheese), kafeega, sonkorta badan, hilibka cas iyo sharaabka soodhaha.

Check Also

qawadka

Sababaha Keena Qawadka Iyo Calaamadaha Lagu Garto

Qawadka  waxaa caafimaad ahaan loo yaqaan “Tinea versicolor”  waa cudur ku dhaca maqaarka waxaana sababa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *