7 Cunto Oo Timaha Nafaqeeya, Quruxna U Yeela

Dad badan ayaa lacago xad-dhaaf ah ku lumiya sidii ay timahooda ugu qurxin lahaayeen daawooyin kiimiko oo mala-awaal ah, balse daraasado caafimaad iyo qaar cilmo oo la sameeyey ayaa iftiimiyey in cuntada dabiiciga ah timaha ka dhigto qaar nafaqo ahaan iyo quruxba aad u fiican.

Qaar badan oo cuntooyinka ka mid ah ayaa timaha ka dhiga qaar dhumuc ahaan adag, jilicsan oo aan go’in, dherarna ku darsada, sida bariiska iyo boorashka.

Cuntooyinka ay ka mid yihiin bariiska boorashka oo uu aad ugu badan yahay faytamiinnada ay ka mid yihiin B iyo B7, waxay timaha ka caawiyaan inay noqdaan qaar aad u ifaya oo aan dhayal ku go’in, waayo boorashka qaydhin waxa ku badan maadada la yidhaa Silica oo timaha ka ilaalisa inay go’aan iyo waliba Zinc oo ka mid ah macdanaha timaha u wanaagsan oo ka hortaga daadashada iyo caafimaad-darrada timaha soo wajahda. Hadaba qurbo magazine ayaa halkaan idin kugu soo bandhigaya cunto timaha nafaqeeya.

Lawska:

Lawsku waxa aad ugu badan booratiinka iyo macdanta Zinc, waxaanu timaha ka dhigaa kuwo xidaddoodu adag yihiin oo aan dhayal ku go’in, adagna.

Lawsaska ka baxa dalka Brazil waxa aad ugu badan macdanta la yidhaa Selenium oo timaha qotadooda adkaysa, kana hortagta inay dataan. Cunista lawska oo la joogteeyaa  waxay masuul ka noqota in qofku helo timo aad u qurux badan.

Ukunta:

Ukuntu waxa ku badan booratiinka, waxaanayna ka mid tahay waxyaabaha timaha daata lagaga hortago, sababtoo ah waxay dedejiysaa korriinka timaha, iyadoo ay ugu wacan tahay maadada la yidhaa Biotin.
Sidoo kale, ukuntu waxay ka mid tahay ilaha laga helo faytamiin B12, kaasoo la’aantii qofka ay ku dhacdo dhiig la’aan iyo timaha oo data.

Khudaarta midhaha leh:
Khudaarta midhaha leh sida cambaha, liinta iyo saytuunka ayaa la ogaaday in ay aad ugu fiican yihiin timaha, waayo waxa ka buuxa macdanaha ay ka mid yihiin Biotin, Oemga-3 iyo Zink, waxaanay horseedaan in qofka timahiisu noqdaan qaar caafimaad qaba oo nafaqadu ku badan tahay. Sidoo kale, midhaha khudaarta ah waxa aad ugu badan barootiinka.

Saliidda kalluunka laga sameeyo:
Haddii aad doonayso timo jirridoodu adag tahay, aadna u ifaya, waxaad cuntada ku darsataa amma isticmaashaa saliidda kalluunka laga miiro, gaar ahaan noocyada la yidhaa Salmon, Trout iyo Sardines. Waxa kaloo saliidda kalluunka ku jira Omega-3 Fattey Acid, taasoo muhiim u ah caafimaadka maqaarka, qofkana ka dhigta mid aad jidhkiisu u dhalaalayo.

Macdanta Ironta ayaa sidoo kale saliiddan ku jirta, waxaanay ka hortagtaa in timuhu qofka daaataan. Waxa kale oo ku jira saliidda kalluunka barootiin aad muhiim ugu ah korriinka iyo dhumucda timaha dadka.

Avocado:

Avocado-du waxay ka mid tahay cuntooyinka ay aad u badanyihiin faaidooyinkooda caafimaad. Faaidooyinka avocado-da waxaa ka mid ah inay ka hor tagto in timuhu daataan isla markaana ay kobciso koritaankooda. Avocado-du waxay hodan ku tahay fiitamiinada B iyo E kuwaasoo ilaaliya sidoo kalana xoojiya timaha.

Kalluunka:
Noocyada kala duwan ee kalluunka badda laga helo waxay aad ugu fiican yihiin nafaqada timaha, waxana ku jira macdanaha ay ka mid yihiin Selenium, Iron iyo barootiin. Sidoo kale, kalluunku waa il ka mid ah ilaha laga helo faytamiin B12, kaasoo ah nafaqo weyn u ah korriinka timaha oo aanay badanaa dadku si fudud u heli karin.

Caanaha ciirta:
Caanaha ciirta amma kuwa kale ee la fadhiisiyey waxa aad ugu badan macdanta Calcium, waana mid ka mid ah waxyaabaha timaha sida fiican u koriya.

Waxa kaloo ciirta ka buuxa barootiinka, waxaanay labanlaabtaa qarada timaha, waxaanay qofka si fiican caanahan u isticmaala timahiisu noqdaan qaar jilicsan oo aad u qurux badan.

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *