10 Cunto Oo Timaha Bixiya, Dhalaal Iyo Quruxna Siiya

Cuntooyinka timaha bixiya, tinta, timo dhaadheer, timaha daataQormadaan waxaan ku soo qaadanaynaa cuntooyinka timaha bixiya  isla markaana caafimaadkooda horumariya.

Shaambada iyo jilcisdada (conditioner) dhinac iska dhag. Cuntada aad qaadatid ayaa dheef (protien) u noqonta timahaaga, taasoo korniimo iyo timo caafimaad qabta ku siisa. Hadeysan timahaagu helin dheef ku filan waxey u baxayaan si tartiib ayagoon xoog iyo mug weyna yeelaneyn.

Dhakhaatirta ayaa sheega in cuntada hoos ku xusan ayey si wanaagsan timahaga u badali karaan. Hadaa aad ku dartid cuntadada cuntooyinka hoos ku xusan oo aad si nidaamsan u qaadatid waqti yar ayaad ku arki doonta hormar ku imaada timahaaga.

Hilib Gaduud: Birta cuntada (iron) laga helo oo ku yaraato waxey kugu sababtaa iney bidaar ku keento ama timaha kaa rifmaan, sida baaritaan ay sameeyeen Cleaveland Clinic. Hadaba adoo iron qaata waxey timahaga ku caawisa iney baxaan. Dadka timaha ka dhacaan ayaa badankood ku yartahay birta ‘Iron Deficienct’. Hilibka gaduudka/cas ayaa laga helaa madaada iron.

Kalluunka: Kalluunka gaar ahaan noocyada la yiraahdo Salmon, Trout iyo Sardines , waxaa ku jira borotiin iyo saliid dabiici ah. Macdanta Ironta ayaa  saliidaan ku jirta, waxaana ka hortagta in timuhu qofka daaataan, waxa kale oo ku jira saliidan  booratiin aad muhiim ugu ah koriinka iyo dhumucda timaha qofka.

Ukunta: Waxa ku jiraa Vitamin B kasoo kor u qaada koriimada timaha iyo caafimaadka lafta madaxa. La’aanta vitamin-kan ayaa sababa in timahaga tabar beelan oo kaa dadatan, tasoo aad aragtid markaad shaleysaneysid ama quweysaneysid ay timo badan kaa daatan. Waxa aad ka heli oo kale malayga, afakaadho, looska, iyo qamiirka.

Moos, qamadiga, iyo sareenka: Cuntadan ayaa laga helaa macdanta la dhaho ‘silica’, taasoo hormarisa dhumucda timaha. Adoo xooga saara cunida cuntada qaniga ku ah macdantan ayey timahaaga ku caawin doonta iney xoog iyo dhumuc wanagasan oo joogta ah yeeshaan.

Caleemaha cagaarka badan: Caleemaha cagaaran sida koostada ‘spinach’, borokoli ‘brocolli’ ayaa laga lehaa vitamin-yada A iyo C kuwaaso abuura ‘sebum’ waa saliid ku beeranta lafta madaxa tasoo jilciso (conditioner) dabiici ah ah.

Bocor: bocorka jaalaha ayaa alga helaa macdanta zinc tasoo dhalisa androgens: waa hormono la’aantood ay la xiriirto timaha oo kaa daata. Sidoo kale dadka ay ku yaryihin androgens ay lasoo daristo timaha aan u bixin iyo holobta ‘dandruff’. Zinc ayaa laga helaa sidoo kale cuntada bada iyo buunshada sareenka.

Baradho macaan: baradhada aya ka buuxda beta-carotene tasoo jirkaga u badalo vitamin A, waxeyna nafaqo u tahay timaha iyo jirka. Vitamin A ayaa timaha ka difaaca iney ka xumadan jirkana qaleylka ka difaaca.

Digniin:
Cuntadan qeybtood ayaa laga yaaba inaad xasaasiyad ku qabtid ama ay kuu keenan cuduro hadaad iska badisid. Hadaba si asaaboon u qaado lana tasho dhakhtarkaga hadey ku keenan caafimaad daro aadan isku arki jirin.

Check Also

quruxda maqaarka, caafimaadka maqaarka

10 Cunto Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka

Maqaarka oo ah lakabka kore ee jirka waa qayb xasaasi ah, sida la mid ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *