7 Cashar oo Muhiim Ah: Buugga How to Win a Friend and Influence People

Buuggan `How to Win a Friend and Influence People` wuxu anfacayaa qof wal oo doonaya in uu xirfadihiisa cilaaqaadka kobciyo, qof kasta oo doonaya in uu kasbado saaxiibbo iyo weliba qof wal oo doonaya in uu  saamayn ku yeesho dadka ku hareeraysan. Waxa la qoray 1936-kii, haddana waxaad mooddaa in maanta la qoray. Sababtuna waxa weeye, Dale Garnegie wuxu buuggan isugu keenay xeerarkii iyo mabaadi’dii gun-dhigga u ahaa cilaaqaadka iyo wada xidhiidhka. Buuggani wuxu ka mid yahay sida buuggii buuggan ka horreeyay ee `Think and Grow Rich`, buugta fara ku tiraska ah ee aabbaha iyo hooyada u ah dhammaan buugta ka hadla arrimaha horumarinta nolosha shaqsiga. Sidii caadada inoo ahayd, waxaan kasoo qaadanayaa 7 mabda’ ama cashar oo aad muhiim u ah.

  1. Don’t criticize or condemn: Dhaliisha iyo dhaleeceynta iska ogow. Mabda’an wuxu ka mid yahay mabaadi’da uu gun-dhigga uga dhigayo cilaaqaadka. Haddaad doonayso in aad qof qalad ka saxdo, haku hormarin inaad ka hadasho waxa uu qofka xummeeyay. Waayo, dabci ahaan aadanuhu marka khalad uu leeyahay la sheego, difaac buu inta badan galaa. Waxaa laga yaabaa wixii wanaagsanaa ee aad u sheegi lahayd ba in uu iska soo xidhxidho. Wuxu leeyahay lama macaamilayno noole mandiqa oo kaliya ku shaqeeya, laakiin waxa la macaamilaynaa noole sidoo kale caadifi ah oo laxawyadiisu ka tan badin karaan. Marka aad doonayso in aad qof khalad ka saxdo, kolka hore wanaaggiisa sheeg, kolka labaadna wixii aad ka sixi lahayd ugu dar. Nabiguna, CS, sidaasuu samayn jiray oo qofka si toosa dhaliishiisa uguma sheegi jirin, ee ama si dadban buu u sheegi jiray, inta badanna wanaagga qofku leeyahay buu usoo hormarin jiray. Tusaale, Cabdullaahi ibn Cumar buu damcay in uu ku baraarujiyo salaatu laylka oo aanu tukan, markaasuu odhanayaa: Cabdullaahi waa nin wanaagsan hadduu salaatullaylkana tu daro. Maalintaa wixi ka dambeeyay, waxa la yidhi Cabdullaahi ibn Cumar salaatullayl kama tegin.

Caalimkii cilmu-nafsiga ee B.F Skinner oo ahaa ninkii cilmu-nafsiga ku soo kordhiyay qaybta Behavior Analysis ka, ayaa daraasaad fara badan oo uu xayawaanka ku sameeyay ku ogaaday in mar kastoo dhaqanka wanaagsan ee uu xayawaanku sameeyo la abaal mariyo, uu kasii wax barasho iyo xasuus badan yahay marka la ciqaabo. Daraasaad dambe oo badanina waxay tilmaamayaan in aadanuhuna uu arrintaa la wadaago. Haddaba, qofka dhaqanka wanaagsan ee uu leeyahay tilmaan inta aadan ka hadal waxa uu ku xun yahay ama xumeeyay.

  1. Smile: Habka ugu fudud ee aad dadka kusoo jiidan karayso ama qof kugu cusubba aad kulankiina ugu horreeya mid qurux badan uga dhigi karayso, waa dhoolla caddaynta. Qofka marka aad isku cusubtihiin, waxa ugu horreeya ee uu kugu qiimaynayo waa luqadda jirkaaga, gaar ahaan waa muuqaalka wajigaaga. Ka hor inta aadan hadalba, maskxadu, qacda horeba, labo khaanadood mid bay qofka ku xaraysaa: khaanadda dadka wajiga furan ama khaanadda dadka aan wajiga furnayn. Sida ugu wanaagsan ee aad qacda horaba qofka qalbigiisa ku hanan karto waa dhoolla caddayn. Soomaaliduna, iyadoo muhiimmadda waji furnaanta tilmaamaysa waatay lahayd “Albaab furan lama galee, waji furan baa la galaa”. Qoraagu wuxu leeyahay: waa wax aan lacag innagu joogin, misna qiimo badan qof kale u leh. Waa wax qofka la siiyo qani ka dhigaya, kan bixiyayna aan faqrinayn. Waxay abuurtaa xasuus wanaagsan oo muddo sii jirta. Lama soo gadan karo, lama soo baryi kari, lama soo ergaysan karo, lamana soo xadi karo. Diinteenuna, waxaad la wada socotaan in dhoollacadyntu ay sadaqo tahay. Asxaabtii nabiguna, csw, qaar ka mida waxa laga wariyaa in ay yidhaahdeen, waligayo maanan arag nabiga oo aan dhoolla caddaynin. Nabad-gelyada iyo naxariista Rabbi korkiisa ha ahaatee, wuxu ahaa qof wax wal oo wanaagsan ugu horreeya samaynteeda.
  1. Dareensii qofka in uu muhiim yahay: Haddaad doonayso in dadku ku jeclaadaan, ku qaddariyaan, la kulankaaga usoo xiisaan, dareensii in uu agtaada ku wayn yahay. Baahiyaha ugu qotoda dheer ee ay aadanuhu leeyahiin waxa ka mid ah in uu qofku dareemo in uu muhiim yahay. Waxa la yidhaahdaa, qof kasta wuxu wajiga ku wataa, dhambaal aan inoo muuqan oo odhanaya: I dareensii in aan muhiim ah. I dareensii in aan agtaada ku waynahay haddaad doonayso in aad agtayda ku waynaatid.
  1. Dadka kala hadal waxa ay danaynayaan: Qof walba waxa uu leeyahay baahiyo ku wayn oo uu doonayo in lagala hadlo. Taasaa keenta in uu qof kasta marka uu cid la sheekaysanayo in uu ka sheekeeyo waxa uu isagu doonayo. Qof walba waxa uu doonayaa in lagala hadlo waxa uu doonayo. Maaddaama aanay dadku wada helin cid kala hadasha waxa ay iyagu doonayaan in lagala sheekaysto, laga waraysto, haddii aad adigu booskaa u buuxisid, waxaad noqonaysaa qof agtiisa ku wayn oo in badan xasuusto. Qofka aad kulantaan ka warayso riyooyinkiisa, waxyaabaha uu jecel yahay in uu qabto, qiyamtiisa iwm. Waxa hubaal ah, haddii uu walaalkaa yahay, haddii uu waalidkaa yahay, haddii uu saaxiibkaa yahay iyo haddii ay cid kale tahay ba, in uu wax badan dadka kaasoo dhawaysan doono.
  1. Noqo dhagayste wanaagsan: Wada sheekaysigu waa hab ku salaysan labo waddo oo ah hadal iyo maqal. Labadoodana dhagaysigaa adag. Qof walba waxa uu doonayaa in uu hadlo, sidaa daraadeed, qof walba waxa uu doonayaa in la dhagaysto. Dhagaysigu labo faa’iido ba wuu leeyahay: 1. Hadalka waxba laguma barto oo dhagaysigaa wax lagu bartaa. Haddaad maantoo dhan hadlayso, jahligaaga uun baa soo baxaya. Laakiin dhagaysiga xeesha dheer, wax badan buu qofka baraa. 2. Maaddaama qof walba uu doonayo in uu hadlo, haddaad dadka dhagaysato marka ay hadlayaan ee ay kuu sheekaynayaan, waxay u tahay qaddarin iyo waynaan. Waxay dareemayaan in aad agtooda ku wayn tahay maaddaama aad dhagaysanayso. Haddaba haddaad doonayso in dadka la sheegaysigaaga jeclaystaan, noqo dhagayste wanaagsan.
  1. Noqo mahadceliye: Qof kasta oo noloshaada xidhiidh la leh, haddaad isla shaqaysaan, haddaad meel wada deggan tihiin, hadday waalidkaa yihiin iyo hadday ubadkaaga yihiin ba, u mahad celi marka ay wax wanaagsan qabtaan.  Mahadcelintu waxay ka mid tahay waxyaabaha jacaylka iyo kalkacalka cuddeeya ee naaxiya. Dhammaan qodobbadan aan soo tilmaannay haddaad eegto, waa baahiyo ay aadanuhu wada qabaan, haddana cidda dadka baahiyahaa ay qabaan u buuxiya ayaa yar, mar kasta oo aad baahida uu qofku qabo aad u buuxiso, waxaad noqonaysaa qof dadka uga soocan, oo agtooda ku wayn. Sidoo kale, mahad celintu qofka waxay qofka u tahay dhiirragelin in uu wixii wanaagsanaa ee uu qabtay sii wado. Haddaba, qof kasta oo wanaag samaynaya haddaad aragto, u mahad celi.
  1. Dooddu guul ma keento: Dale Carnegie wuxu leeyahay, si kasta oo aad qofka aad la doodaysid aad doodad ugaga guulaysato, weli maadan guulaysan. Waayo, waxaad halkaa ku waayaysaa qof walaalkaa ah. Sababtuna waxa weeye, qofka marka aad doodad ka hesho, wuxu dareemayaa hoosayn iyo in laga guulaystay. Haddaad diinteenna eegtana doodad waa la nahiyay. Waxa jira xaddiis nabiga laga weriyay oo uu macnihiisu ahaa: qofka doodad isaga taga, xittaa hadduu gar leeyahay, waxaan u ballan qaadayaa guri jannada ku yaalla (Abu Daa’uud). U fiirso, wuxu nabigu leeyahay, xitaa haddaad gar leedahay isaga tag doodad. Xikmaddu waxa weeye, waxa la ilaalinayaa qofka kale dareenkiisa. Gaar ahaan doodu waxay kala dishaa dadka isu dhaw sida saaxiibbada, walaalaha iwm. Ka fogow doodad xitaa haddaad gar leedahay.

Qoraaga buugga: Nopoleon Hill

Soo koobiddii: Mubarak Hadi

Halkaan ka daawo Barnaamijka oo muuqaal:

 

Check Also

Dhoolla-cadaynta

Dhoolla-cadaynta iyo muusoodku waa dabeecad astaan ka marag kacaysa, farxad, furfurnaan iyo soo dhawayn. Dhoolla-cadayntu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *