7 Cashar oo aan ka Bartay Buugga The 15 Invaluable Laws of Growth By John Maxwell

 The 15 Invaluable Laws of Growth (15 ka Xeer ee aan la qiimayn karayn ee Korriinka) by John Maxwell:

the 15 laws of growth fikrad iyo buug 15 xeer cashar buugQof wal oo innaga mida noloshiisu heer ayay joogtaa, heer kalana haanka ayuu ku hayaa oo wuu hiigsanayaa. Halka uu joogo iyo meesha uu hiigsanayna, waxa u dhexeeya farqi (gap) aad u wayn. Si uu u gaadho, wuxu u baahan yahay in uu naftiisa kobciyo oo weliba si joogta ah u koriyo. Nonlosheennu waxay ka kooban taahya qaybo badan oo mid walba u baahan in la kobciyo oo la barbaariyo. Waxaad u baahan tahay inaad cilaaqaadkaaga kobciso si aad u noqoto qof hab-dhaqankiisu dadka soo jiito. Waxad u baahan tahay inaad xirafadahaaga kobciso si aad u noqotid qof qiimaha uu bulshada ku dhexleeyahay qaaliya.  Waxaad u baahan tahay inaad maan ahan kobocdo si aad u maarayso mushkiladaha nolosha ee kusoo food-saaraya. Waxaad u baahan tahay inaad ruuxdaada kobciso si aad u noqoto addoon wanaagsan oo ku tiirsan taakulada iyo taageerada Eebbe. Dhammaan jawaanibtaa iyo kuwo kalaba heer ayay joogaan, si heerkaa ay joogaan looga sii hormariyana waxay u baahan yihiin in la kobciyo. Buuggan `15 Invaluable Laws of Growth`, waa buug soo badh-gaya 15 xeer oo ay tahay in uu qofku raaco si uu naftiisa u horumariyo. Qawaaciiddan la’aantoodna, way adag tahay qofku in uu naftiisa kobciyo.

  1. The Law of Intentionality: Naf kobcintu iskama timaaddo, waxaad u baahan tahay inaad u qasaddid. Qoraagu wuxu leeyahay, si aad u korto oo aad naftaada u hormariso, waxaad u baahan tahay inaad u qasaddid oo aad la timaaddid niyad iyo go’aan aad doonayso inaad naftaada ku horumariso. Sida uu jidhkaagu isaga koro, uma koraan caqligaaga, ruuxdaada, xirfadahaaga, dhaqaalahaaga, cilaaqaadkaaga iwm, waxaad u baahan tahay inaad gaadho qarraar ah inaad doonayso inaad qof ahaan korto. Qoraagu wuxu leeyahay waxa jira waxyaabo qofka u diida in uu koro: 1. Waxa qofka u diida in uu naftiisa horumariyo in uu u maleeyo in uu iska korayo. 2. Waxa kale oo ka mida qofku in uu isleeyaahay maalin uun baad bilaabaysaa inaad naftaada horumariso. 3. Waxa kaloo ka mida in aanu qofku ba aqoon sidii uu naftiisa u hormarin lahaa.Isku soo wada duuduuboo, naf horumarintu waxay ka bilaabantaa qofka oo ku baraaruga in ay wax ka maqan yihiin, deedna la yimaadda qaraarkii iyo qorshihii uu naftiisa ku horumarin lahaa.
  1. The Law of Awareness: Waxaad u baahan tahay inaad is taqaan si aad naftaada u horumarisid. Qofku haddaanu aqoon halka uu ka yimi, halka uu joogo iyo halka uu u socdo, way adkaanaysaa in uu naftiisa horumariyo. Is qiimee, oo is waydii halka aad joogto iyo meesha aad hiigsanayso. Intaa markaad ogaato, is waydii waxa aad u baahan tahay ee kaa maqan, la’aantood na aadan gaadhi karayn halka aad doonayso inaad gaadho. Sidoo kale is wayddii waxa aad awoodda u leedahay, waxaa aanad ku wanaagsanayn, caadooyinka aan wanaagsanayn ee aad leedahay ee guushana kaa hor taagan. Waxa aad haysato iyo waxa kaa maqan marka aad ogaato uun bay naf horumarintuna bilaabantaa.
  1. The Law of the Mirror: Waa in aad naftaada qiimo ka dhex aragto si aad qiimahaaga qofnimo kor ugu sii qaaddo. Haddii aadan isu arag ba inaad tahay qof leh kartidii iyo karaankii uu ku noqon kari lahaa qofka aad doonayso in aad noqoto, aad bay u adkaanaysaa inaad noqoto waxa aad doonayso. Si aad naftaada u maal-gashato, kolka hore ma isu haysataa inaad tahay qof geya oo u qalma in uu is maal-gashado. Ma ku kalsoon tahay naftaada iyo awoodahaaga. Ma u aragtaa in haddii aad naftaada maal-gashato ay hadhow dhalayso wax ka badan wixii aad markii hore gashatay. Haddii aadan awooddaada iyo kartidaada kalsooni ku qabin, way adkaanaysaa inaad naftaada horumariso.
  1. The Law of Consistency: Kobcintu, waa wax ka dhasha dedaal la joogteeyay. `Joogtaynty waa buundada u dhexeysa halka aad joogto iyo halka aad doonayso inaad gaadho`. Haddii aadan buundadaa marin (wax joogtaynin), gaadhi maysid halka aad doonayso inaad gaadho. Way fuddahay in wax la bilaabo, aad bay se u adag tahay in la sii joogteeyo. Taa weeyana waxa kala saara guulaystayaasha iyo dadka caadiga ah. Badi dadku sanadka cusub waxay dhigtaan yoolal iyo ahdaaf ay doonayaan in ay sanadka dhammaadkiisa xaqiiyiyaan, haddana nasiib xumo lama dhaafto bisha Jannaayo (January). Qoraagu waxa uu leeyahay, si aad u noqoto qofka aad doonayso inaad noqoto, waxaad u baahan taahy inaad joogtayso horumarinta naftaada. Buug kaliya oo aad akhrisay kuma noqonaysid aqoon yahan. Maqaal kaliya oo aad mar qortay kuma noqonaysid qoraa. Sida aanu geedkuba mar kaliya oo la waraabiyay ugu soo bixin, ayaad adiguna mar iyo labo jeer aad wax samayso ugu gaadhi karaynin halka aad doonayso.
  1. The Law of Environment: Kobciddu, wuxu u baahan tahay deegaan qofka korriimadiisa ka qayb qaata. Sida beertu si ay si wacan ugu soo baxdo ay ugu baahan tahay dhul carro san ah, ayuu qofkuna si uu u koro ugu baahan yahay bii’o karriimadiisa ka qayb qaadata. Haddaad doonayso in aad naftaada hormariso, waxad u baahan tahay saaxiibbo ka qayb noqda korriimadaada. Haddii aad doonayso inaad noqoto ganacsade, oo aad la saaxiibto dhallin ciyaaraha daawada marna ka sheekeeya, noqon kari maysid ganacsade hanti abuura. Haddii aad doonayso inaad aqoon yahan noqoto, oo aad saaxiibbo la tahay dad faysbuugga uun ka sheekeeya, noqon kari maysid aqoon yahan. Waxaad u baahan tahay inaad abuurato saaxiibbo leh hankaaga oo kale, hiigsanaya waxa aad hiigsanayso iyo meel kasii shisheesaba. Sidoo kale, saaxiibbo kaliya ma ahee, waxa aad u baahan tahay inaad ka ag dhawaato meelaha lagu hayo, lagaga shaqaynayo, laguna hadal hayo waxa aad doonayso. Si kale haddaan u dhigo, ka ag dhawoow goobaha lagu hayo waxa aad doonayso, la saaxiib dadka ka shaqeeya waxa aad doonayso.
  1. The Law of the Rubber Band: Si aad u korto, oo aad naftaada u horumariso, waxaad u baahan tahay inaad convert zone kaaga ka baxdo. Heerka aad manta joogto, waxa ku keenay wixii aad horay u samayn jirtay, si aad u gaadho waxa aad doonaysana waxaad u baahan tahay inaad samayso wax ka duwan wixii aad horay u samayn jirtay. Sidaa daraadeed, waxaad ku qasban tahay inaad ka baxdo noloshii hore ee aad caadaystay. Wax wal oo aad doonayso, waxa ay yaallaan meel ka baxsan meesha aad joogto iyo waxa aad caadaysatay. Mar kasta oo aad la qabsato wax, macnaheedu waxa weeye in aanay ku korinayn. Hadba samee wax ka baxsan confort xone kaaga oo misna u adeegaya halka aad doonayso.
  1. The law of Trade-off: Si aad naftaada u horumariso, waxaad u baahan tahay waxyaabaha qaar inaad ka korto oo aad ka tanaasusho. Haddii aad doonayso inaad dhakhtar noqoto, waa inaad ka tanaasho ciyaarihii aad daawan jirtay ama saaxiibbadii aad wakhtiga faraha badan la sheekaysan jirtay. Haddii aad u baahan tahay inaad aqoon yahan noqotid, waxaad u baahan taahy inaad dhex fadhiga faysbuugga iska dayso oo aad baddelkeeda wax akhriso. Soomaaliduna iyadoo qaaciidadan tilmaamaysa, waxay tidhi `Hawl baa hawl looga tagaa`, oo ay uga jeedaan, haddii waxa aad doonayso uu ka qiimo badan yahay waxa aad imminka gacanta ku hayso, waa inaad iska dayso waxa aad gacanta ku hayso si aad u qabato hawshaa ka qiimaha badan ee aad doonayso.

Qoraaga buugga: John C. Maxwell

Soo koobiddii: Mubarak Hadi

 

 

Check Also

Arday wanaagsan oo guulaysta

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *