7 Caado Oo Sababa Cimri Degdega Iyo In Calaamadaha Gabowgu Qofka Goor Hore Kasoo Muuqdaan

cimri degdegaWaxaa muddooyinkii u dambeeyey dunida ku soo badanaya cabashooyinka la xidhiidha gabowgii oo xilligiisa caadiga ah ka soo degdegaya, baadhitaannada kala duwan ee ay xeeldheerayaashu ku sameeyeenna waxa ay muujinayaan in ay jiraan sababo badan oo dadku ay ku kacaan iyaga oo aan dareensanayn dhibta ay caafimaadka gaadhsiin karto in ay ka mid yihiin kuwo keena gabowga oo waqtigiisii ka soo horumara.

Qormadan oo aynu afsoomaali usoo rognay waxa aynu ku soo qaadanaynaa qaar ka mid ah caadooyinka sida joogtada ah inooga dhaca balse khubaradu sheegeen in ay khatar ku yihiin guud ahaan caafimaadka gaar ahaanna gabowga soo dedejiyaan:

1.Warwarka: Walbahaarku waxa uu ka mid yahay xanuunnada nafsiga ah ee khatarta ku ah caafimaadka maskaxda iyo jidhka labadaba. Sidaa awgeed waxaa muhiim ah in qofku uu ku dadaalo in naftiisa uu ka adkaado, mar kastana inti iawooddiisa ah yareeyo warwarka iyo walbahaarka uu ka qaadayo arrimaha nolosha ee sida uu jeclaan lahaa u dhici waaya. Haddii aanu qofku sidaa yeelin sida ay khubarada caafimaadku caddeeyeen waxa uu halis u yahay in isaga oo aan weli da’deedii gaadhin ay calaamadaha gabowgu dhaqso uga soo if baxaan.

Sababtuna sida ay khubaradu sheegayaan waa hormoonnada Cortisol iyo Noradrenaline oo sakatiga iyo warwarku ay jidhka ku badiyaan, iyaguna saamayn taban ku yeesha hab-dhiska difaaca ee jidhka, dhiiggana kiciya, illaa laga yaabo in ay hoos u dhigaanba heerka garasho ee qofka. Waxa kale oo labadan hormoon oo jidhka ku bat aka dhalan kara dhiigkarka iyo xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga. Haddaba si qofku uga taxaddaro in xaaladdan nafsiga ahi ku keento calaamadaha gabowga oo ku soo degdega iyo xanuunnada kale ee kor ku xusan waxaa muhiim ah in uu warwarka, diiqadda iyo dhammaan xaaladaha nafsiga ah la dagaalamo.

2.Joogtaynta daryeelka maqaarka: Caadooyinka xun ee gabowga soo dedejiya waxaa ka mid ah qofka oo nidaam iyo jadwal macquul ah u yeeli waaya daryeelka maqaarkiisa. Macnuhu ma’aha keliya in wejiga, cagaha iyo lugaha uu qofku kula daalo kiriimo, balse waxaa muhiim ah in qofku uu ku dadaalo in maqaarkiisa aanu ka guurin qoyaanka dabiiciga ahi. Waa in uu maalinti icabbo ugu yaraan 8 koob oo biyo ah, in kiriimada uu isticmaalayo uu iska hubiyo illaa xadka maaddooyinka ku jiraa ay yihiin kuwii calaamadaha gabowga la dagaalamayey iyo in aanu xasaasiyad ku lahayn oo uu noqdo mid jidhkiisa ku habboon. Waxaa iyaguna jir cuntooyin kala duwan oo jidhka ka caawiya soo saarista hormoonnada Collagen iyo Elastin oo labaduba si dabiici ah uga hortaga coodh-coodhka iyo guud ahaan calaamadaha gabowga.

3.Caadooyinka cunto cunista ee xun: Cunista khudradda cagaarani faa’idooyin badan ayaa ay u leedahay caafimaadka bani’aadamka, khatar ayaanay leedahay in qofku uu ka fogaado cunista khudradda noocyadeeda. Sidoo kale waxaa caafimaadka u xun cuntooyinka qasacadaysan, oo marka laga tago caafimaad darrada jidhka sidoo kale qofka ku soo dedejiya calaamadaha gabowga, isla markaana sabab u noqon kara qaybo badan oo cudurka kansarka ka mid ah. Warka fiicani waa in qofka maalin kasta xaddi khudrad ah cunaa uu ka badbaadayo calaamadaha gabowga oo xitaa waqtigooda caadiga ah ka sii dib dhacaya.

4.Jimicsi la’aanta: Jimicsi la’aantu waxa ay u xun tahay guud ahaanba caafimaadka. Waxa ay keentaa miisaanka oo kordho, wadne xanuun, dhiigkarka iyo kelyo xanuun. Sidoo kale waxa ay keentaa in gabowga calaamadihiisa oo coodh-coodhku ugu horreeyaa qofka ku soo degdegaan.

Khubarada caafimaadku waxa ay ku talinayaan in qofku uu jimicsi sameeyo ugu yaraan 30 daqiiqo maalin kasta, waxa ay u fiican tahay caafimaadka waxaanay la dagaallantaa gabowga iyo calaamadaha gabowga labadaba.

5.Hurdo ku fila: Waa arrin muhiim ah in qofku uu habeenkii seexdo hurdo ku filan. Waxaa jira fahamyo qaldan oo tusaale ahaan ay dadka qaar sheegaan in hurdo la’aantu ay keento madow indhaha hareerahooda ah. Laakiin khatarta la hubo ee ka dhalata hurdo la’aantu waa mid caafimaadka jidhkeed la xidhiidha. Khubrada caafimaadk uwaxa ay ku taliyaan in qofka caafimaad qaba ee qaangaadhka ahi uu maalintii toddoba saac seexdo, si caafimaadkiisu u fiicnaado maskaxdiisuna maalintii u noqoto mid baraarugsan oo firfircooni u shaqaynaysa. Waxa kale oo la aaminsan yahay in hurdo yaraantu ay sababtu cunto badni taasina ay bilow u tahay buurni. Dhinaca kalana khubaradu waxa ay sheegayaan in hurdo yaraantu ay qofka ku keento coodh-coodh iyo calaamadaha gabowga oo ku soo degdega.

6.Qorraxda badan: Qorraxdu aroorta hore iyo galab dhaca in ay jidhka ku dhacdaa waxa ay u fiican tahay caafimaadka qofka. Laakiin waxaa jira falladhaha qorraxda kuwo khatar ku ah caafimaadka oo afka qalaad lagu yidhaahdo ‘ultra violet rays (UV)’ haddii falladhahani jidhka gaadhaan waxa ay ku sameeyaan boogo madow iyo jeex-jeexyo aanay ishu qabanayn oo aakhirka keena khatarta cudurka kansarka iyo gabowga oo qofka ku soo degdega. Sidaa awgeed waxaa muhiim ah in la iska ilaaliyo fallaadhaha qorraxda oo toos jidhka ugu dhaca.

7.Sigaar qiijinta: Sigaar qiijintu waa caado caafimaadka u daran la iskuna waafaqsan yahay in ay soo dedejiyo gabowga iyo calaamadihiisa. Sidoo kale sigaarka oo muddo la qiijiyaa waxa ay keentaa ilkaha midabkooda oo guura, caafimaad darro maqaarka ah, kansarka noocyadiisa ku dhaca afka iyo sambabada iyo wadne xanuunka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *