7 Caado oo lagu Yaqaanno Hoggaamiyaha Fiican

caadooyinka hoggaamiyaha fiican hogaamiye dabeecad caado astaamoQormo uu muddo ka hor qoraaga Jim Rohn kaga hadlayey tayada iyo hab-dhaqannada lagu yaqaanno hoggaamiyeyaasha dhabta ah ayaa waxa uu ku xusay dabeecado iyo caadooyin uu sheegay in ay lahaayeen hoggaamiyeyaal magac dunida ku lahaa oo uu noloshoodii dib u eegis iyo baadhis ku sameeyey.

Haddaba caadooyinkaas uu qoragu soo helay oo aynu Af Soomaali usoo rognay ayaa u ku bilaabay; Waxa aad doonaysaa in aad noqoto hoggaamiye soo jiitada dadka tayada leh, furaha aad taas ku gaadhi kartaana waa in aad adigu marka hore noqoto shakhsiyad tayo leh. Hoggaamintu waa awoodda qof aad u soo jeedin/jiidi karto hibooyinka, xirfadaha iyo fursadaha aad adigu bixinayso. Hoggaamintu waa caqabad ka mid ah caqabadaha nolosha ee ka gudbistoodu juhdiga iyo kartida u baahan tahay.

Maxaa hoggaaminta lama huraan u ah, marka aad is weydiiso ee aad jawaab u hesho ayuun baa aad awoodi karaysaa in aad shiisho oo aad saxar tirto xirfaddaada hoggaamiyenimo. Dhammaan hoggaamiyeyaashii magaca lahaa ee dunida soo maray, sida taariikhdooda aad ku arki karto, wax kasta oo kale waxa ay ka horreysiiyeen in marka hore ay naftooda ka shaqeeyaan illaa ay hubsadeen in ay yihiin dad tayo iyo waxtar leh, sida ay uga shaqeeyeenna ka bogo qormadan uu Geeska Afrika soo ururiyey:

1. Naftaada bar in ay awood yeelato, laakiin ka ilaali anshax xumada:

Waa hubaal in qofku uu ku qasban yahay in uu qaado tallaabooyin dheeraad ah oo awood u kordhinaya, isaga oo niyadda ku haya in uu isu dhigo hoggaamiye karti leh oo mansabka u qalma, awooddiisuna ballaadhato. Laakiin dad badan ayaa marka ay halkaa joogto qalad badan gala, oo hoggaamiyenimada iyo awoodda u fahma af-xumo iyo kibir, taas oo xitaa aan ku habboonayn guud ahaanba anshaxa fiican ee bani’aadamnimada.

2. Is bar naxariista laakiin ha noqon ruux jilicsan: Waa in aynaan isku qaldin jileeca iyo naxariista. Naxariistu jileec iyo liidasho ma’aha, balse waa nooc ka mid ah awoodda iyo xoogga. Waa in aynu dadkeenna ugu naxariisanna run u sheegid, waa in aynu naxariis iyo tixgelin ruux kasta u hurnaa, waa in aynu khiyaamada iska jirno oo ruuxa ina aaminay daacadnimo ugu naxariisannaa.

3. Noqo Ruux dhiirran laakiin xishoodka ha ka tegin: Dhiirranaantu waa mid ka mid ah kadimada guusha, hoggaamiyuhu si uu saamayntiisa u xoojiyo, waa in uu ku dadaalaa in uu isagu horgalaha kooxda noqdaan. Waxaa laga filayaa in uu isagu ugu horreeyo cid kasta oo dhibaato timid baadhaysa ama xal u raadinaysa, in uu isagu noqdo ruuxa ugu horreeya ee calaamadaha dhibta garta.

Ruuxa hoggaamiyenimada rabaa, waa in uu noqdaa sida beer-walaha saraca beera si uu midhaha uga gurto, waa in uu noqdaa ruux dhiirran, oo aan ka gabban in uu hor socdo cid kasta oo hawl fiican ka wadda deegaanka ama goobta uu doonayo in uu hoggaamiye ka noqdo.

4. Noqo qof aan kibirka aqoon laakiin ha habsoobin: Ruuxa isha nugul ama habsaysan waa ay ku adag tahay in uu meel sare gaadhaa. Dadka qaar ayaa isku qalda habsada iyo kibir la’aanta, laakiin ha ogaadaan in kibir la’aantu ay tahay fadli iyo karaamo, habsaduna ay tahay cudur. Haa waa cudur, waana la daaweyn karaa, waxa aanay mushkilad u noqotaa horusocodka iyo in qofku uu gaadho hiigsigiisa hoggaamiyenimo.

5. Baro in aad Han yeelato, laakiin iska jir qabka: Hanku waxa uu ka mid yahay biriishyada lagu gaadho hiigsiga naftu doonayso, waxa uu sharaf u soo jiidaa qofka iyo bulshadiisaba, waxa ay qurxisaa shakhsiyadda hoggaamiyaha waxa aanay dhamaystirtaa ceebihiisa. Laakiin furaha in aad hoggaamiye fiican noqotaa waa in aad noqoto ruux han leh laakiin haddana aan qab weynayn.

Ma taqaannaa qabka kiisa ugu xun? Waa qabka jaahilnimadu weheliso. Waa dabeecad aan looba dulqaadan karin, haddii qofka garaad badni iyo qab isugu darsamo, waa aynu u yara dulqaadan karnaa intii muddo ah, laakiin haddii qofku uu noqdo jaahil haddana qab weyn, waa arrin aan la eegan karin.

6. Maadaynta iyo kaftanku waa astaanta hoggaamiyaha, laakiin iska jir maangaabnimada:

Hoggaamiyuhu waxa uu u baahan yahay in uu noqdo ruux maskax furan, oo kaftan yaqaan ah, laakiin aan ahayn doqon hadalku ka dhac-dhaco.

Waxaa dhacda in hoggaamiyeyaasha qaar kaftan iyo furfurnaan laga waayo, taasina waa calaamad xidh-xidhnaan bulsho ah oo aan u fiicnayn hoggaamiyaha, sidoo kale haddii hoggaamiyuhu meel kasta kaftan la galo waa astaan kale oo muujinaysa in aanu ahayn hoggaamiye.

7. Waaqa ku horyaalla waajah:

Run ku macaamil oo nafta khayaali ha ku luggoynin. Naftaada ka badbaadi kaarka khiyaamadu ku keento damiirka fayoow. Waxa ku horyaallana sida uu u eeg yahay ee uu yahay ku aqbal, adiga oo niyadda ku haya in gebi ahaan noloshu ay tahay masraxiyad, laakiin xaqiiqada ku qurux badan.

Noloshu waa madi, hoggaamintuna waa madi. Waxa aan uga jeedaa xeeladda hoggaamiye si fiican ugu shaqaysaa, waxa ay u dhowdahay in aanay gebi ahaanteed ama badh ahaan waxba ku kordhin hoggaamiye kale. Hoggaamiyaha fiican xeeladihii uu dhibaatooyinkii ka hor yimid ku xalliyey, ha u qaadan in adigana dhibta ku haysata ay u xallinayaan. Si kastaba ha ahaato ee xirfadaha aas-aaska u ah hoggaamintu waa dabeecado iyo hab-dhaqanno la baran karo, hoggaamiye kastaana adeegsan karo, bulshadiisa iyo gurigiisana ku anfici karo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *