7-daan Shay Waa Inaad MAYA Ku Tidhaahdaa Si Noloshaadu Isku Badasho

mayaNala baro 7 shay oo lagama maarmaan ay tahay inaad ku tidhaahdid MAYA si ay noloshaadu macne u yeelato isuna badasho.

MAYA ku dheh caajiska: Caalamka dayn kuma lihid, balse adigaa uu caalamku wax kugu leeyahay waana inaad falawgeeda gashid sidii aad u qurxin lahayd,. Jooji riyada, imaka shaqo bilaw, caajiskana ku doors go’aan iyo firfircooni.

MAYA ku dheh caqabaadka nolosha ee lagama maarmaanka ah: Waxaynu dadaal badan ku bixinaa si aynu isu dhaafin lahayn amaba iskaga indho tiri lahayn qaybo nolosheena kamid ah, iyaga oo aynu sababtana u tiirino inay adag yihiin, xanuun badan yihiin isla markaana wada muruugo yihiin, waxa hadaba inala gudboon inaynu waajahno, hor istaagno isla markaana nolosheena qayb kamid ah oon daaqada laga saari Karin u garawsano.

Waayo dhibaatooyinka jidka kaaga hor imanayaa waxay ugu dambayntii ku gaadhsiinayaan meeshaad rabtid inaad gaadhid.

MAYA dariiq kaliyaata oo waajiba mari maayo: Ha noqon jabaq ee waxaad noqotaa cod, sheeg xaqiiqda xataa hadii uu codkaagu googo’ayo baqe awgii, isku gayso oo meel iskugu keen geesinimadaada si aad u gudbiso fikradaada.

MAYA ku dheh wajiga beenta ah: Dadka ha u ogolaanin inay cabsi kaa galiyaan halka aad u socotid, adiga oo isku dayaya inaad raali galiso, nooc kaste oo u yahay dharkaagu, timahaagu, dareenkaagu, caqiidadaadu iyo afcaashaaduba, cidnaba ha u ogolaan inay kaa hor istaagto cida aad rabtid inaad noqotid.

MAYA qarinta dareenkaaga: Marmarka qaarkood waxa aad dareemi kartaa khajilaad, cadho, muruugo, waa caadi inaad muujiso dareenkaaga, waa wax kamid ah samayska qofka, warka farxada lahina waxa weeye in ay jiraan dadka qaar arimahan oo kale kaa qaadanaya iyo qaar kugu diidayaba.daryeelmagazine.com

MAYA  wax kastaaba adayg maaha: Noloshu waa kolba sidaad u dhaqantid, inta aad dareemi lahayd inaad ku khasbantahay samaynta arimaha qaar,l waxaad ku fikirtaa inay tahay arin caadi ah inaad ku dhaqaaqdid arimahaas, waxaanaad isku arki doontaa awood iyo farxad aad layaabi doontid.

MAYA ma heli doontid wax kasteba mar kaliya: Miyaanay ahayn wax lala yaabo inaad maalikasteba aragtid noloshaadii oo sidii ah isla markaana aanuu wax is badali kuu muuqan, balse markaad dib yara jaleecdo aad aragtid in wax kastaaba is badalay, xusuusnow safarka 1000 mayl ahi waxa uu ka bilaabmaa 1 tallaabo, ku dhaqaaq talaabo yar manta, waxaad arki doontaa adiga oo jiitay, mana muruugoon doontid.

Xigasho faaido.com

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *