7 Arrimood Oo Mudan Inay Gabadhu Iska Hubiso Ka Hor Go’aanka Guurka

Ma is waydiisay hebalaayo maxaa loo furay, laakiin wali maskaxdaada ma kusoo dhacaday sababta khilaafka ee lamaaneyaal badan oo aad taqaan? Inta ayna guursan gabadha laakiin ay dooneeyso in ay guursato waxa ay haysataa fursad ay kaga fikirto wax yaabo badan aanay guurka dabadii fursad u heli doonin hadaba waxa muhiim ah in gabadhu is waydiiso Su’aalo badan oo u muhiim ah nolasheeda dambe. Su’aalaha mudan in gabadhu is waydiiso xiliga ay xulashada ku jirto isla markaana ay jawaabo u hesho waxa kamid ah:

  1. in ay is waydiiso in ay ku qanacsantahay qofka ay xulanayso:

Hubso marka hore in noloshaadu ay ku qanacday, hadii ayna jirin wax qancsanaan ahi waxaad dareemi doontaa cidhiidhi nololeed iyo dhibaato taas marka dambe kuu horseedi karta furiin.

  1. hubso in uu ninku ku Jecelyahay:

xadhiga ugu wayn ee labada qof isku haayaa waa jaceyl, hadii aanu jirin  jaceyl ama laga been sheego wakhtiga xulasha  wuxu keenaa kala fogaansho iyada oo labada ruux qaar aan wada joogooda ku farxsanayn oo midkastaa door bidayo in uu ka tago lamaanihiisa kale.

  1. Qadarin:

matahay qof isaga u qiimeeysan xushmad iyo qadarin qof uu u hayo matahay, hadii aanad ku heesan wax qadarin iyo xushmad way adkaaneysaa in uu ku qiimeeyaa, waxana laga yaabaa bulshada dhexdeeda wax aadan filayn in uu kugu yidhaa, waxana suurtogal ah in uu qadariyo cid kale oo aan meesha joogin.

  1. Ma Yahay Nin Qaadi kara Mas’uuliyadaada:

waxa badan ragg aan qaadi karin mas’uuliyada dumarka, hadaba iska hubo in uu yahay nin qaadi kara masuuliyada, in uu yahay nin noloshaada balan qaadi kara, hadii intaas aanad ku heysan waxad noqon doontaa dhibane u afduuban cid aanay ku qanacsanayn.

  1. Caawimaad: Ma yahay nin kugu caawin doono nolosha caadig ah xitaa hadii aad wax yeelowdo sida cuuryaan ama xanuuno ku mise waa nin hadii aad xanuunsato isla markiiba ku furi kara, iska hubo in uu kugu jecel yahay xanuunka iyo in uu ku daryeeli doono.
  2. Jacayl waara: Ragga qaar ayaa dumarkooda uga tago in ay ka noqotay waayeel, ka xaqiijiso ninkaaga in xitaa waayeelnimada uu kuugu jeclaan doono, oo aanu odhanayn marka da’daadu wyanaato waan tagayaa oo caruur ma dhalayso xiligan iyo arimo kale oo la xidhiidha.
  3. hadii aad ku aragto in ninkaaga uu balanta ka baxaya waxad la soo baxdaa warqad cadaynaysa in uu balanqaado dhamaan arimaha kor ku xusan jawaabtoda oo noqon karta in ninka go’aankiisa ka fiirsada ama noqda mid ilaaliya balamihii uu qaaday. waa hubaal hadii aad intaas sameyso in caqabado badan aad ka bad baadi doonto, isla markaana aad dareemi doonto dhadhanka ay nolosha leedahay.

Check Also

Talooyinka Guurdoonka Qaybta 2-Aad

3. Wakhtigaaga qaado Ha degdegin; wakhtigaaga qaado. Ha u guursan in saaxiibbadaa guursadeen darteed. Guurso …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *