7 Arrimood Oo Dedejiya In Qofku U Ekaado Mid Gaboobay

gabowWaxa jira waxyaabo qofka muqaalkiisa u ekaysiiya mid gaboobay amma ku soo dedejiya gebawga, taasoo ay sababaan caadooyin uu sameeyo amma bayada ku wareegsan.

1. In qofku aad u welwelo: Qofka oo noqda mid aad u welwel badan waxa uu saamayn ku yeesha maskaxdiisa iyo muuqaalkiisa jidh ahaaneed, waxana qofka looga baahan yahay inuu iska ilaaliyo welwelka nololeed.

Sababta keenta in isku buuqo amma wewelku gaboojiyo waa qofka oo soo daaya hormoonada Norepinephine iyo Cortisol oo labadooduba ah hormoonno saameeya hab-dhiska difaaca qofka, kor u qaadana cadaadiska dhiigga, taasoo qofka ku keenta in jidhkiisu lab laabmo, kadibna u eekaado mid muqaal ahaan aad u waayeel ah.

2. Qofka oo aan maqaarkiisa xannaanayn: Caddada kale ee halista ku ah muuqaalka qofka ee keeni karta inuu gaboobo waa qofka oo iska ilooba inuu nafaqeeyo, maqaarkiisana nadiifiyo. Qofku inuu maqaarka xannaaneeyo ma aha oo kaliya inuu indha amma wejiga kiriim mariyo, balse waa inuu ugu yaraan 8 koob oo biyo ah cabbo maalintii, inuu marsado kiriimada maqaarka u wanaagsan wejiga, kuwaasoo coodh-coodhka ka ilaalin kara.

3. Cunto-xumida: Cilmi-baadhiso badan oo la sameeyey ayaa lagu ogaaday in cunista khudaarta iyo cuntooyinka faa’idada leh, haddii qofku amateed xun yahay amma aannu cunin cunto nafaqo leh, waxa hubaal ah inuu si degdeg ah u gaboobayo muuqaal ahaan, dhaawac badanan maqaarkiisa soo gadhaayo, coodh-coodhna jidhkiisu yeelanayo.

4. Jimicsi la’aan: Qof kasta oo bani’aadam ah waxa halis ku ah inuu fadhiga badsato, inta uu cunto nafaqo leh cunana iska fadhiisto, waxa hubaal ah in miisaankiisu kor u kacayo, taasina ay keenayso xannuun iyo in maqaarkiisu gaboobo.

Waxyaabaha kalee keena in qofku gaboobo waxa ka mid ah;

· Hurdo la’aan

· Sigaarka

· Qofka oo cadceedda meeraysigeeda badiya.

by: Ali Jama

Check Also

haaraha wajiga,

Sababaha Keena Haaraha Wajiga Iyo Sida Loo Goyn Karo

Haaraha wajiga ku samaysma waa cillad ku badan dhalinyarada khaasatan dumarka da’a dhexaadka ah.  Haaruhu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *