Toddoba Arrimood Oo Ay Tahay Inaadan Samayn Markaad Xanaaqsan Tahay

Qof kasta oo garaadkiisu sarreeyaa waa uu garan karaa in cadhadu ay tahay xaalad daciifnimo ah oo uu qofku maro, haddii kale waxa aynu cadhada ku macnayn karnaa dareen raadayn taban ku yeesha caqliga oo sida badan qofka ku dirqiya in uu qaato go’aamo qaldan ama khatar ah, sidaa awgeed qof kasta oo cadhooda talada u horreysa ee la gudbooni wa ain uu sabirka xasuusto, kuna dadaalo in aanu daqiiqadaha cadhada wax go’aan ah qaadan si aanu u g elin qalad mustaqbalkiisa oo dhan xumeeya. Cilmi ahaanna waxaa la xaqiijiyey in cadhadu ay dhaawac weyn u geysato caafimaadka maskaxda iyo jidhka. Sidoo kale waxa ay cadhadu burburisaa xidhiidho badan oo bulsho, kuwo shaqsi ah iyo kuwo mihnadeed intaba, qormadan waxa aynu ku soo qaadanayaa toddoba arrimood oo ay fiican tahay in qofku aanu samayn marka uu cadhoodo:

1. Go’aan qaadashada: Haddii aad doonayso in go’aanka aad qaadanaysaa uu noqdo ka saxda ah, waxaa qasab kugu noqonaysa in arrinta aad go’aanka ka qaadanayso iyo go’aanka aad qaadanayso aad fikir badan geliso, dhinacyo badan ka miisaanto, isu eegto ceebta go’aanku yeelan karo iyo wanaaggiisa, waxaas oo dhamina waxa uun ay suurtogal kuu noqon karaan marka ay xaaladdaada nafsiga ahi deggen tahay.

Waayo-aragnimo badan ayaa caddaynaysa in go’aanka cadhada lagu qaato, ama marka uu qofku arrin dhinaceeda xun uun ka fikirayo uu qaataa ay inta badan ka dhashaan midho uu qofku ka murugooda mustaqbalka.

2. Dad la macaamilka: Waxaa hubaal ah in cadhadu ay xumayso dabeecadda iyo hab-dhaqanka uu qofku dadka kale kula macaamilayo. Sidaa awgeed, qofku mar kasta oo uu cadhoodo waa in uu xasuustaa in uu naftiisa xakameeyo, waa in uu xasuusto in hab-macaamilkiisa iyo ereyada uu dadka ku xeeran ku odhanayaa ay yihiin waxa sii xoojin kara ama jari kara xidhiidhka uu bulshada la leeyahay, ama ugu yaraan abuuri kara jawi ay dadku qalad ka fahmaan. Marka aad cadhooto ku dadaal in aad dadka ka durugto, jawi deggen aad raadiso, isla markaana ku dadaasho hababka aad hore u taqaannay ee xaaladaha murugada iyo cidhiidhiga nafsiga ah aad isku dhaafin jirtay. Tusaale ahaan marka aynu diinteenna ka hadlayno, waa in qofku uu beddelo xaaladda uu ku sugnaa, haddii uu taagnaa fadhiisto, sidoo kale in uu weysaysto, qur’aanka wixii uga suurtogalana akhristo.

3. Baabuur kaxaynta: Waxaa waajib ah in qofku marka uu cadhaysan yahay uu ka dheeraado baabuur kaxaynta. Daraasado kala duwan oo hore loo sameeyey ayaa iftiimiyey in qofka cadhaysani inta badan si cadaawadi ka muuqato baabuurka u kaxeeyo.

4. Dad la hadalka: Sida dabiiciga ah qofku waxa uu jecel yahay in uu ka sheekeeyo mushkiladaha uu la kulmo iyo loollanka naftiisa isaga kula jirto, laakiin taasi ma fiicna oo waxa haddii ay badato waxa ay keeni kartaa in dadka aad la wadaato ama uga warranto wax yaabo badan oo ay muhiim ahayd ama fiicnayd in ay sir kuu ahaadaan, si aanu warkaasi u faafin kadibna ceeb adiga kuugu noqon.

5. Caadooyin xun oo aad hore u joojisay: Cadhadu waxa ay caan ku tahay in ay jebiso go’aanka iyo hal-adayga qofka, isla markaana qofka si sibiq ah ugu celiso caadooyin uu hore isaga daayey, sida sigaarka, sakhradda, qaadka iwm, sidaa awgeed waxaa muhiim ah in qofku marka uu cadhoodo uu markaba nafta xasuusiyo go’aamada ay hore u qaadatay ee aanay ahayn in cadhadani beddesho, waxa ay khubarada cilmi nafsigu ku taliyaan in ay fiican tahay marka uu qofku cadhoodo in uu jimicsi sameeyo.

6. Saaxiibbo samaysi: Dadka qaar ayaa ay cadhada badani ku kalliftaa in ay bulshada oo dhan saaxiib u arkaan oo kii ay arkaanba uga warramaan cadhadooda iyo sababaheeda, laakiin khubarada cilmi nafsigu waxa ay ku taliyaan in qofku marka uu cadhaysan yahay uu dadka ku cusub ka fogaado, si aanay shakhsiyaddiisa faham qaldan uga qaadan.

Dhinaca kalana daraasado la sameeyey ayaa daahfurtay in dadka cadhada iyo nacaybku ku yar yihiin ay yihiin kuwo ugu badan guusha, iyo in ay bulshada shacbiyad ku dhex yeeshaan, waayo dadku waxa ay jecel yihiin dadka dhoolla caddaynta badan ee anshax-wanaag iyo akhlaaq fiicnidu ka muuqato.
7. Bar kulannada bulshada: Waqtiyadan dambe ee isticmaalka bar-kulannada bulsho ee internet ku bateen, waxaa soo baxday caado ah in qofka cadhooda, gaar ahaan dhalinyaradu dareenkoodaas ku cabbiraan degelka ay ku leeyihiin bar-kulanka bulsho, sida facebook, twitter iwm. Laakiin baadhitaanno la sameeyey ayaa muujiyey in taasi ay tahay tallaabo aan xikmad ku dhisnayn, oo abuuraysa jawi ay dadka ku xeeran qofkan ama internet ka kala socdaa ka qaataan faham ah in aanu macno badan lahayn ama dabeecad xun yahay. Haddaba si aan faham qaldan looga qaadan shakhsiyaddaada ku dadaal in aanad dareenkaaga ku cabbirin bar-kulannada bulshada.

Check Also

shakhsiyad, dabeecad, qofnimada, yaad tahey

Horta Adigu Yaad Tahey? W/Q: Hibo Ciise

Intaad caqliyeysatey waxaad arkeysaa uun habeenka iyo maalinta oo is badbedalaya laga yaaba inaaney wax …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *