6 Tallaabo Oo Wax Soo Saar U Yeeli Kara Ganacsigaaga Yar

Waxaa jira qaabab badan oo waqtiga lagu ilaalin karo iyo habab kuu sahlaya in si hufan aad u qabato hawl maalmeed ka ganacsigaaga yar. Talaabooyin kan lixda ah hadii midba mar aad joogtayso, isbadal weyn ayey u keenayaan ganacsigaaga yar. Maalin kasta marka shaqada aad soo gasho jaleec in yar talaabooyin kan oo ku dhaqan ilaa inta ay kuu noqonayaan dhaqan dhamaan toodna aad barato. Talaabooyinku waa kuwan soo socda.

1. ISBADAL KU SAMEE HAWL MAALMEED KAAGA.

In aad degsato liiska hawl maalmeed ka ( hawsha aad doonayso in aad qabato maalin taa ) , isla markaana subax kasta marka shaqada aad soo gasho aad isbadal ku samayso, adigoo hubinaya inta hawl maalmeed ee aad qabatay maalintaa. Sidoo kale kusamee isbadal maalin kasta, adiga oo u kala hormarinaya sida ay u kala muhiimsan yihiin. Subax kasta , waa in aad xaqiiijiso in aad dhamayso hawl maalmeed kaaga, adiga oo ku hormaraya kuwa ugu muhiimsan. Ku dhadaal maalin kasta kala hormarinta howsha iyo dhamaynta hawl maalmeed ka.

2. U KALA QAYBI MASHRUUCYADA WAAWEYN HAWLO YARYAR.

Hadii uu jiro mashruuc weyn, u kala qaad qayb-qayb, oo qayba mar qabo. Ma jirto wax hal mar lawada qabto. Waxaa wanaagsan in aad u kala qaybiso qaybo yar yar oo maalin kasta aad in qabato sababta oo ah waxaa kuu fududaanaya hawsha isla markaana waxaa mashruuca wayni noqonayaa mid sahlan.Marka aad sidaa yeesho waxa aad ka faa’idaysa 3 arrimood oo kala ah.
1- in aad kala qaado oo aad aqoonsato talaabooyinka aad ku gaari lahayd ujeedkaaga.
2- in aad cayinto oo aad lasocoto horumarka aad ka samaynayso dhamaynta mashruuca iyo
3- in maalin kasta marka aad qayb qabto, aad hesho kalsooni aad ku dhamayso mashruuca oo dhan.

3. HAKA WAR-WAREEGAN HAWSHA UGU HORAYSA.

Marka hawl badan ay kuu taalo, waxaa dhacda in dadka qaarkii ka warwareegtaan bilowga ugu horeeya taas oo dib u dhac ku keeni karta hawsha. Mar kasta bilow oo qabo shaqada kuu taalada. Iska ilaali dib u dhigasho. Sidoo kale marka hawl ama shaqo gaar ah aad bilowdo , iska ilaali wax kaa jeediya hawsha sida telephone kuu soo dhaca oo aad ku sheekayso, Email iyo Social networks aad ku jeesato.Iska ilaali wax kasta ee kaa jeedin kara hawshaas. Sidoo kale u yeel waqti go’an in aad ku dhamayso shaqadaas adiga oo aan waxba ka badalin.

4. MAR BA MID QABO.

Baaritaan dheer kadib, waxaa la ogaaday in dad ka hawlo badan isku mar sameeya ayka wax qabad yar yihiin kuwa mar ba mid qabta.” LAABI LABO MALEH”. Qabo hawl kasta mar keeda. Sidaa ayaa hawshu ku wanaagsan tahay adiga oo aan wax qaldin waxna ka tagin si hufana hawsha u qabta. Iska ilaali shaqooyin badan oo aad isku garab wado oo ay dhacdo in qaar aad bilowday aysan dhamaan ama qalab badan aad samayso ama wax aad qaban lahayd aad hilmaanto.

5. RAWAXAAD QAADO.

Marka hawl badan kuu taalo, ma ahan in mar kaliya inta aad bilowdo aad dhamayso. Waxaa muhiim ah in aad qaadato bareeg/ rawaxaad muddo yar ah sida 15 -20 daqiiqo halkii saacba. Sida cilmi baaris lagu ogaaday waa tabta ugu wax soosaar ka badan qof ka bini’aadam ka ah.

Rawaxaadan yar waxa ay keenaysaa in u aad fikirto si guud, daqiiqado aad dib u jaleecdo hawsha aad hayso, dareenkaagu yimaado, iyo in fikir cusub uu kugu soo dhaco taas oo horseed u noqon karta isbadal weyn oo aad ka samayso shaqada aad hayso markaa.Waxaa hubaal ah in mar kasta ee aad bareeg yar qaadato ay kuu noqonayso hal abuur iyo wax soosaar.

6. HAWSHA QAYBI.

Ma ahan in shaqo kasta ee ganacsigaaga aad adigu qabato. Ma tihid qof ugu aqoonta iyo kartida badan hawl kasta. Waxa aad u baahan tahay in aad hawsha u kala qaybiso shaqaalaha kuu shaqeeya adiga oo culayska iska yarayso. Sidoo kale waxa aad helaysaa in si guud aad u fikirto ama wax ka muhiisan aad qabato. Adigu waxa aad tahay Hogaamiyaha guud ee siyaasada iyo hogaaminta ganacsigaaga yar, waxa lagaa baahan yahay in aad dajiso qorshaha guud, marka ha isku koobin hawl yar un.

Mahadsanidiin.

By: ABDULKADIR “ INDHO.

Check Also

suuqgeynta

Xeeladaha Suuqgeynta Ee Ay Ganacsatadu Isticmaasho

Qofka bani’aadamka ah dhaqankiisa iyo go’aankiisaba waxaa si aanu dareemayn saamayn ugu yeesha, hadba deegaanka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *