6 Arrimood Oo Ay Tahay Inaad Ka Fogaato Hurdada Ka Hor!!!

Khubarada dhanka caafimaadka ayaa soo saaray dhowaan lix shay oo ay sheegeen in ay tahay in aan la samayn hurdada ka hor ama waqtiga qofku seexanaayo ka hor,k uwaas oo ay sheegeen in aanay caafimaadka qofka u wanaagsanayn.

Lixdaasi shay ayaa ah kuwo dadku sida caadiga ah u isticmaalaan, waxayna kala yihiin:

Ha akhrin fariimaha telefoonka markaad seexan rabto: khubaradu waxay sheegeen in telefoonada casriga ah ay leeyihiin iftiin khalkal geliya hormoonada hurdada isla markaana moodsiiya inay maalin tahay gaar ahaan marka lagu isticmaalo qol mugdi ah. Sidoo kale akhrinta fariimaha ama email-da waxay qofka ku keeni kartaa walwal taasoo sababi karta inuu qofku gam’i waayo habeenka oo dhan.

Akhriso: dhibaatooyinka laga dhaxlo dhafarka badan

Ha cunin cunto culus: cunto badan oo la qaato marka la seexanayo waxay keeni karta inuu qofku xanuunsado,waxaanay sheegeen in ay cuntada badani khal khaliso dheefshiidka qofka, taasina ay tahay ta xanuunka keeni karta.

Ha daawan filimada iyo barnaamijyada cabsida leh: khubarada ayaa ka digay inuu qofku waxyaalo baqdin leh sii daawado sida filimada cabsida oo kale ah iyo inuu kasii fikiro waxyaalo murugo gelin kara, waxaanay sheegeen in taasi keeni karto inuu qofkaasi gam’i waayo sababtoo ah waxay maskaxdiisu ka fakaraysaa waxyaabihii cabsida lahaa ee uu daawanayay.

Ha cabbin shaah ama kafee tani waxay keeni karta hurdo la’aan ama hurdo xumo, waxaanay taasi keenaysaa in aanu qofku indhaha isu keenin ama uu habeenkii marna gam’o marna ka tooso, waxaanay kula taliyeen in la cabo shaaha marka lasoo tooso.

Haku seexan laydhka qolka oo shidan: waxay khubaradani sheegeen in uu sababi karo laydhka shidani in uu cilad ahaan wax yeelo keeno iyo sidoo kalena in uu qofku ku gam’I waayo laydhkaasi, sidaasna uu ku hurdo beelo.

Ka dheeroow jimicsiga iyo ciyaaraha: waxay khubaradani sheegeen in qofka oo hurdada ka hor jimicsadaa ay keento inuu waqti badan dib usoo jeedo,madaama oo uu jidhkii kiciyey,waxaanu jidhku u baahanayaa waqti uu ku dago,madaama oo wadnaha garaaciisu kor u kacaayo,sidoo kalena u baahanaayo waqti uu ku dego.

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *