Asbaabaha Cunista Toonta Ay Ugu Wanaagsan Tahay Ragga!

In kasta oo ay toontu neefta qofka kaga tagto raad la dhibsado, sidaa awgeedna uu Nebigeennii Muxammed (SCW) innaga waaniyey in aynu masaajidda tagno innaga oo toon ama basal soo cunnay, si aanay inoogu dhib mudan Malaa’igta khayrka qoraysa iyo walaalaha innagu hareero tukanaya, haddana taas macnaheedu ma’aha in aanay wax faa’ido ah lahayn, balse waaba lidkeeda.

Toontu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka lagu macaaneeyo laguna udgooneeyo cuntada guud ahaanteedba, weliba waxaa lagu tiriyaa khudradaha jaban ee qof kasta ay u suurtogeli karto in uu iibsado ama xitaa uu beeran karo.

Muddo kumannaan sano ah ayaa uu aadamuhu ogaa in toontu ay leedahay faa’idooyin kala duwan oo caafimaad, qormadan maanta waxaan  akhristayaasha xurmada leh u soo gudbinaynaa qaar ka mid ah faa’idooyinka caafimaad ee ay toontu u leedahay si gaar ah ragga.

1. Caafimaadka wadnaha:

Xeeldheerayaasha caafimaadku waxa ay aaminsan yihiin in toontu ay la dagaalanto xanuunnada wadnaha ku dhaca, in ay dhiig-karka dejiso, in ay ka hortagto in xididdada dhiiggu xidhmaan ama uu dhaca waxa loo yaqaanno dhiig-furanka maskaxda ee faaligga keena iyo guud ahaanba xanuunnada ku dhaca xididdada iyo halbawlayaasha dhiigga, waxa ay jidhka ka yaraysaa dufanka dhibta keena (Kalastaroolka), .

Maaddooyinka iyo walxaha kale ee ay toontu ka samaysantay waxa ay awood badan u leeyihiin in ay ka takhalusaan sunta cuntooyinka ka samaysanta ee jidhka gudihiisa.

2. Bararka qanjidhka Barostaatka (Prostate):

Mar kasta oo da’da ninku sii korto waxaa ballaadh ku yimaaddaa qanjidhka Prostate ka loo yaqaanno oo ka masuul ah soo saaridda biyaha ninka. Laakiin toonta iyo basashuba waxa ay si weyn u caawiyaan yaraynta khatarta ka iman karta bararkaas ama ballaadhashadaas qanjidhkan ku imanaysa.

Waxa ay khubarada caafimaadku sheegeen in ragga cuna toontu ay kuwa aan cunin boqolkiiba 28 kaga yar yihiin khatarta ah in ballaadhashadaas qanjidhku ku keento khatar caafimaad oo kansarku ka mid yahay. Si gaar ah waxa ay khubarada caafimaadku waxa ay hoosta ka xariiqeen in si gaar ah basashu ay ugu sii fician tahay daweynta ballaadhashada qanjidhkan.

3. Toontu waxa ay la dagaallantaa Bakteeriyada iyo Jeermiska:

Toonta waxaa ku jirta maadadda lagu magacaabo Allicin oo leh faa’idooyin badan, sida in ay ka hrtag u tahay sumowga iyo in jidhku uu iska saaro suntan, waxa ay wanaajisaa shaqada beerka, sidoo kale Allicin ta ku jirta toontu waxa ay awood u leedahay in ay jidhka ka difaacdo cudur-sidaha iyo jeermiska. Daraasado la sameeyeyna waxa ay muujiyeen in ragga caadaysta cunista toonta aanu aad ugu dhicin guud ahaanba xanuunnadu.

Si kastaba ha ahaato ee khubarada caafimaadku waxa ay ka digeen in qofku hargabka qabaa uu toon badan cuno, iyaga oo sheegay in taasi ay sii kordhinayso cabudhka.

4. Nabarrada faraha lugaha dhexdooda:

Falgallada ku jira toontu waxa ay gacan ka geystaan ka takhalusidda Fangasyada keena caabuqa faraha dhexdooda.

Waxa aad burburinaysaa / tumaysaa afar xabbo oo toon daraya ah, kadib waxa aad ku daraysaa biyo diirran oo aad ku shubtay sixni ama weel kale oo ballaadhan oo labadaada cagood qaadi kara. Kadib labaa cagood ayaa aad dhex gelinaysaa muddo 30 daqiiqo ah. Waxa aad sidoo kale samayn kartaa in aad toontaas ku darto saliid Saytuun, kadibna aad isku daboosho muddo saddex maalmood ah, ama maalin keliya aad dhowr jeer isku ruxdo/qasto. Kadib adiga oo adeegsanaya gobol yar oo cudbi ah, ayaad marinaysaa meelaha ay nabarradani kaaga yaallaan, laba jeer maalin kasta, sidaas ayaanu ku tagayaa caabuqani.

5. Toontu waxa ay caabbidaa Kansarka:

Toonta waxaa ku jira cunsurka selenium lagu magacaabo, oo awood u leh in uu iska caabbiyo kansarka. Gaar ahaan waxa uu ka hortagaa xanuunno badan oo kansar ah oo ragga ku dhaca, sida kansarka qanjidhka Prostate ka, Kaadi-haysta, midhicirada, caloosha, sambabbada iyo Malawadka.

6. Xoojinta hab-dhiska difaaca:

Isku-dhisyada ay toontu ka kooban tahay waxa ay jidhka siiyaan awood taban oo dhinaca hab-dhiska difaaca ah. Waxa aanay qofka ka caawiyaan ka bogsashada xanuunno badan.

Daraasad la faafiyey sannadkii 2001dii, oo tijaabo ku samaysay 21 qofk oo cunay toon ama cuntooyin toon lagu daray in ku dhicista durigu uu aad ugu yaraa.

Toonta ay saxda tahay isticmaalkeeda si faa’idooyinkan looga helo, waa in aanay nabarro lahayn, waa in meesha lagu keydiyo / lagu hayey ay tahay meel qabow ah oo qallalan isla markaana madow ah oo aanu ilaysku ku badnayn.

Ugu dambayntii waxaa muhiim ah in aynu ogaanno in muddo qarniyo badan ah ay toontu ahaan jirtay shayga ugu muhiimsan ee raggu ay u isticmaalaan in ay kordhiso isla markaana firfircooni geliso xidhiidhkooda jinsiga ah, iyo sidoo kale in ay wanaajiso habka wareegga dhiigga ee qofka.

Akhriso: Faa’iidooyinka toontu ay u Leedahay dumarka

W/D: Kamaal Marjaan

Check Also

indho ololka,

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *