Sababaha Burburka Xidhiidhka Lamaanaha

Nolosha guurka ayaa waxa kusoo kordhay baryahan dambe waxyaabo badan oo kala duwan, inta badan dhallintu marka ay is guursadaan ayaa waxa dhaca in markiiba hadana ay kala boodaan labada qof, waana arrin muruugo leh in ay waqti yar gudahiis ku fikiraan in ay kala tagaan labada qof, iyaga oo ku sababaynaya in ay noloshoodu soo taabatay bartii dhammaadka oo isla markaas aanay wax iskugu hadhay jirin haba yaraaate.Hadaba waxa daryeelmagazine.com halkan diiinku soo gudbin doonaa qaar kamid ah sababaha ugu waaweyn ee ee sababa burburka xidhiidhka lamaanaha

1. Isu dhiibida dhibaatooyinka:
Iyada oo laga yaabo inay labada lamaane isu hayaan jacayl aad u wayn ayaa hadana waxyaabaha xidhiidhkooda taag darreeya waxa kamid ah isku dhiibida iyo ka war wareega dhibaatooyinka soo food saara.

waxaana in badan dhacda inaynu aragno laba qof oo aad isu jecel, marka ay nolosha guurka bilaabaan muddo yar uun ka dib in ay markiiba soo food saaraan dhibaatooyin hor leh hana u badnaato is af garasho la’aan dhexdooda soo hawaarsataba e, taasi oo laga yaabo inay isu dhiibaan dhibaatooyinkaas oo ay iska dhaadhiciyaan inaanay xallin karin.

2. Wajiyada beenta ah oo meesha ka baxa:
Dhibaatooyinka ugu waawayn ee soo food saara lamaanaha iyana waxa kamid ah is badalka ku yimaada labada dhinac ama hal dhinacba kadib marka ay is guursadaan, iyada oo ay dhalinyarada qaar adeegsadaan wajiyo been ah si ay u helaan qof ay raadsanayaan, wax aanay ahayn na iska dhigaan sidii ay muraadkooda u gaadhi lahaayeen, mana ogsoona in ay jiraan dad wajiyadooda dhabta ah ku raaci doona oo raadinaya noocaas ay igayu yihiin, taasina waxay keenta in waqti yar gudahood ku fashilmo xidhiidhka u dhaxeeya labadaas qof.

3. Dareenka in lagu dagdagay guurka:
Waxa jira in marmarka qaar lamaanuhu ama midkoodba dareemo in ay ku dagdageen go’aanka guurka oo ay ahayd inay markii hore ka fiirsadaan, taasina waxay u badan tahay dhibaatooyinka ay dareemaan labada lamaane bilo yar uun ka dib marka arooskoodu dhaco, waxaa dhacda in marmarka qaar uu mid kamid ah lamaanuhu aad u dadajiyo hawsha guurka sidii uu uga baxo dhib uu ku jiray markii hore, sida qof uu jeclaa uu rabo inuu illaawo, taasina waxay dhibaato hor leh ku keentaa noloshiisa cusub.

4. Kalsooni darro:
Kalsooni la’aanta iyo wax kala qarsashada ayaa waxay tahay dhibka ugu wayn ee lagu kala tago sababtiisa, waxaanay labada lamaane galisa dareen ah in aanuu qofkani rabin ama raali ka ahayn xidiidhka dhex maraya.

5. Is fahan darro:
Hadii ay dhibaatooyiny imaadaan waxa muhiim ah in qaab loo xalliyo, hadii is khilaaf yimaadana waxa lagama maarmaan ah in la helo meel dhexdhexaad ah oo la isku afgarto, isu tanaasul la helo, hadii sidaas la helana waxaa hubaal ah in aanay waxba xumaanayn.

6. Ku dagdaga go’aanka:
Go’aanka guurka ayaa waxa uu yahay waxyaabaha ugu waawayn ee ay tahay inay labada qofba si fiican uga fikiraan, aadna ugu fiirsadaan, waayo waa bilawga nolol cusub oo aad uga duwan tii hore, waa qorshaha mustaqbal iyo caruur haduu Allah idmo, sidaas awgeed waxa muhiim ah in uu qofku ka fiirsado inta aanuu guur ku dhaqaaqin kahor.

Check Also

Erayo jaceyl, waan ku jecelahay, jaceyl

Baro Hadallo Iyo Ficillo Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Erayga “WAAN KU JECELAHAY”

Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *