Asbaabaha Ay Dumarku Uga Cimri Dheer Yihiin Ragga

Qormadan waxaynu akhristayaasha kula wadaagaynaa mawduuc xiise badan oo ay cilmibaadhayaashu daraasado kadib ku soo bandhigayaan sababo ay u arkeen in ay ka mid tahay kuwa keenay in raggu ay dhimashada kaga bataan dumarka, khubaradu waxa ay sheegeen in celcelis ahaan dumarku ka cimri dheer yihiin ragga qiyaas ah 5 illaa 10 sano. Haddaba sababaha ay khubaradani u arkeen in ay ka mid yihiin waxa keenay kala duwanaanshiyahaas dhinaca cimriga waxaa ka mid ah:

Dembiyada:

Marka taariikhda dib loo raaco, bulshooyinka kala duwan ee dunida waxa aynu arkaynaa in ragga dembiyada gala ay ka tiro badan yihiin, dumarka dembiyada iyo dhagaraha ka qayb gala, sidaa awgeed raggu waa ay uga khatar badan yihiin dhimashada, sidoo kale tirada ragga is-dila sababtu waxa ay doonto ha ahaato ee, waa ay ka tiro badan yihiin dumarka sidaas yeela, sidoo kale shilalka dhimashada keena waa ay kaga duwan yihiin dumarka.

Qaab-dhismeedka jidheed:

Khubarada caafimaadku waxa ay aaminsan yihiin in qaab-dhismeedka jidheed uu saamayn weyn ku leeyahay caafimaadka qofka, tusaale ahaan dadka celceliska dhererkoodu ka badan yahay 1.80 mitir in ay ka nolol gaaban yihiin kuwa ka gaagaaban.

Raggu cudurrada waa ay uga nugul yihiin dumarka:

Khubarada Saynisku waxa ay aaminsan yihiin in raggu ay mar kasta nolol adag waajahaan, laga soo bilaabo dhalashadoodana ay dhedigga ka geeri badan yihiin. Sidoo kale cudurrada ayaa ay raggu uga nugul yihiin dumarka, sida kansarka noocyadiisa kala duwan, cudurrada ku dhaca hab-dhiska neefsiga, caabuqa beerka iyo burburka ku dhaca, wadne xanuunka, xanuunnada ku dhaca xididdada dhiigga. Iwm.

Baadhitaanno cilmiya oo la sameeyey ayaa daahfuray in hab-dhiska difaaca ee ninku uu ka nugul yahay ka gabadha. Taasina ay ka mdi tahay sababaha uu cudurrada ugu qaaditaan badan yahay, aakhirkana ay ka dhalato in dhimashada ay raggu ku bataan.

Ismiidaaminta iyo ku dhiirrashada khataraha:

Waxaa cilmi ahaan la ogaaday in qaab nololeedka labku uu ka khatar badan yahay kan dumarka, marka ragga dhexdooda hoos loogu sii dhaadhacana in ragga ka shaqeeya shaqooyinka khatarta badan iyo kuwa noloshu ku adag tahay ay ka cimri gaaban yihiin ragga dhiggooda ah ee nolosha adduun u wanaagsanaatay.

Arrinta kale ee xiisaha leh ee ay saynisyahannadu ogaadeen ayaa ah in ninku uu abuur ahaanba dumarka ka jecel yahay ismiidaaminta iyo ku dhiirrashada khataraha isaga oo xitaa og in noloshiisa ay khatar gelin karto. Sababta ugu badan ee ragga arrintan ku beertaana waa hormoonka Testosteronum oo ragga si gaar ah ugu badan.

Xidhiidhka bulshada:

Gabadhu inta badan waxa ay leedahay xidhiidho bulsho oo xitaa marka ay da’da dhalinyaronimada dhaafto sii socta taas oo ay aad ugaga badan tahay ninka. Sidoo kale gabadhu abuur ahaan waxa ay jeceshay in ay sheegto waxa laabteeda ka guuxaya, iyo in ay saaxiibbadeed kala sheekaysato mushkiladaha soo waajaha, taas oo leh laba faa’iido oo kala ah, in dhibtii nafsiga ahayd ee mushkiladdani ku haysay ay ka yaraato iyo in xidhiidhkii ay dadka la’ lahayd sii xoogaysto. Laakiin ninka waxaa u dhaqan ah in aanu si dhab ah u caddayn shucuurtiisa dhabta ah ama in uu ku dadaalo in laabtiisa uu ku haysto arrimo badan oo xanuun ku haya, arrintani waxa ay ku keentaa caafimaad darro jidheed iyo mid nafsi ah, waxa aanay u nuglaysa cudurrada, sidaa awgeed waa sabab kale oo ka mid ah sababaha ay gabadhu uga cimri dheertahay ninka.

Mihnadaha khatarta badan:

Raggu waxa ay dumarka kaga badan yihiin barashada iyo ku shaqaynta mihnadaha khatarta badan, ka soo bilow, kalluumaysiga, shaqooyinka duulimaadka iyo hawada sare la xidhiidha, askarinimada iwm.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *