6 Qodob Oo Cimri Degdeg Laga Qaado

cimri degdegQormadan oo aynu ka soo xiganay shabakadda MBC waxa ay soo ururinaysaa dhaqanno dhowr ah oo ay khubarada caafimaadku xaqiijiyeen in aanay u fiicnayn caafimaadka qofka, inta badanna ay sabab u yihiin cimri degdegga. Dhaqannadaas  waxa ay kala yihiin:

1.  Fadhiga badan: Dr. Muxamed Al-Axmedi oo isagu cilmibaadhistan hoggaaminayey ayaa sheegay in qofka uu Afar saac oo is xiga iyo ka badan fadhiyaa in uu khatar u yahay xanuunnada macaanka, wadne xanuunka, lafa-burburka iyo miisaankiisa oo kordha.

Waxa kale oo uu digtoorku sheegay in jimicsiga uu qofku maalintii sameeyaa aanu faa’idadii la rabay keenayn haddii uu qofku saacado ka badan kuwii jimicsiga fadhiyayo, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “In maalin kasta aa dhal saac jimicsataa waa talo caafimaad oo hadda waqtigeedii dhammaaday, waayo fadhiga dheer ayaa tuuraya dhammaan faa’idooyinkii uu qofku ka helay jimicsiga” Digtoorka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu ku taliyey, “Talada cusubi waa, in mar kasta oo aad fadhiga yarayso oo aad taagnaato in cimrigaagu sii krodhayo” Sidaa awgeed dadka shaqadoodu fadhiga u badan tahay waxaa lagula talinayaa in halkii saac ee fadhi ahba ay dhex geliyaan waxoogaa taagni ah ama waqtiyada qaar ay taagnida ku shaqeeyaan.

2. Sigaar nuugista: Cilmibaadhis Faransiis ah oo uu natiijadeeda faafiyey wargeyska Riyaad ee dalka Sucuudiga ka soo baxa ayaa lagu sheegay in qofka sigaarka nuugaa uu ugu yaraan 7 sano ka hor cimri degdego dadka da’diisa ah ee ay isku caafimaadka yihiin. Daraasadda oo tijaabadeeda lagu sameeyey dalka Faransiiska ayaa lagu ogaaday in maadadda Nicotine ee ku jirta sigaarku buuriga sigaarku in haddii qofku muddo dheer isticmaalo ay aakhirka ku keento cimri degdeg.

3. Baruurta: Cilmibaadhis ay sannadkii 2005 sameeyeen xeeldheerayaal ka tirsan jaamacadda Alabama ee dalka Maraykan ayaa daahfurtay in buurnidu ay ninka 20 sano oo dhamaystiran cimri dedejiyo. Daraasad kale oo iyadana sannadkii hore la sameeyey ayaa lagu ogaaday in buurnida caadiga ah iyo ta xad dhaafka ah labaduba ay cimriga qofku caafimaad qab ku joogayo gaabiyaan Siddeed sano, marka loo eego dadka ay isku da’da yihiin oo iyagu ka caafimaad badan.

4. Gooni-joog: Cilmibaadhiso caafimaad ayaa bishii Maarij ee sannadkii hore xaqiijiyey in qofka oo bulshada gooni joog ka noqdaa ay khatar ku tahay caafimaadkiisa jidheed, kuna soo dedejiso geerida. Timothy Smith oo ah bare sare oo cilminafsiga ka dhiga jaamacadda Birmingham ee gobolka Utah dalka Maraykanka ayaa sheegay in tijaabooyin cilmi oo lagu sameeyey dad tiradoodu ka badan tahay 3 Milyan oo ruux lagu ogaaday in dadku aanay aad ugu baraarugsanayn khatarta caafimaad ee ay leedahay in bulshada laga dhex baxo oo qofku uu gooni joog noqdo. Xaaladaha dadka noocan ah lagu arkana waxaa ka mid ah dhiigkarka, Kalastaroolka, kuwaas oo iyaguna dhankooda keena cimri degdegga.

5. Daawashada Talefishanka: Cilmibaadhis ay samaysay jaamacadda Queensland ee dalka Ustareeliya oo natiijadeeda lagu baahiyey wakaaladda wararka IPP oo dalkaasu leeyahay ayaa lagu ogaaday in dadka talefanka saacadaha badan daawada, saacad kasta oo ay fadhiyaan uu cimrigoodu inta dabiiciga ah ka degdego 22 daqiiqo, taas oo noqonaysa in dadka maalin kasta 6 saac talefishanka daawada ay sannad kasta cimri degdegaan 5 sano.

Khubaradu waxa ay sheegeen in daawashada badan ee talefishanku ay keento, buurni, macaan iyo xanuunno badan oo dhammaantood khatar ku ah nolosha.

6. Jug madaxa ku dhacda: Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Washington ee dalka Maraykanka ayaa ogaaday in maskaxda lulanta dhowr jeer ay keento cimri-degdeg iyo khatar caafimaad oo dhimasho keeni karta. Xeeldheerayaashu waxa ay sheegeen in xaaladdan oo dhalinyarada ku badani ay tahay gariir, lulan, ama jug ku dhacda maskaxda xilliyada jimicsiga adag uu qofku samaynayo, ama ciyaaraha qaarkood. Mark Holstead oo ka tirsan jaamacadda Washington ayaa mar uu xaaladdan ka hadlay waxa uu yidhi, “Waa masiibo in dhaawaca iyo dhaqaaqa ka dhashay jugtii ama lulankii hore ee maskaxda iyada oo aan ka soo kaban, uu haddana mid kale soo gaadho” waxa aanu ku taliyey in haddii ay si uun u dhacdo in qofka jug madaaxa ka soo gaadho uuu dhaqso dhakhtar ula xidhiidho isla markaana ka taxaddaro in lulan labaad ku dhaco illaa ta hore ay maskaxdu si buuxda uga soo kabato. Mark waxa uu sheegay in lulankaasi uu maskaxda ku keeno buro iyo barar.

Dhinaca kalana dhakhaatiirtu waxa ay ku taliyaan in da’yarta loogu dadaalo cunista hilibka xoolaha oo ay ku jiraan maaddooyin maskaxda ilaaliya, iyo sidoo kale in lala ogaado nooca ciyaareed iyo jimicsi ee ay samaynayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *