6-daan Calaamadood Qofka Leh Uma Qalmo Inaad Guursatid Oo Nolol La Wadaagtid, KA FOGOW

ha guursanMuddo koobani marka ay kasoo wareegto labada qof markay is mehersadaan amaba aqal galaan ayaa mar marka qaar waxaa dhacda in uu midkood ama labaduba nafahooga waydiiyaan”Ma sii wadi karaysaa xidhiidhkan, tolow halkaas ma ku joojisaa”, hadaba isagoo arinku sidaas ah ayaa daryeelmagazine.com waxa ay kuu soo gudbinaysaa talooyinkan si aad u qaadato go’aankaaga, hadii ay calaamdahaani kaaga muuqdaan qofka aad xidhiidhka wada leedihiin waxaad ogaataa in aanuu kugu haboonayn xidhiidhkaani, kadibna waxa ku saaran in aad xidhiidhkan joojiso inta aanaad la kulmin dhibaatooyin kale oo farabadan.

1. Ma jiraan waxaad wadaagtaan: Waxa dhici karta in qofka aad uga heshid jidh ahaan, balse marka aad baadhid wax aydun iskaga mid tihiin aad waydo, sidaa awgeed ha raacin caadifadaada oo kaliya si aad ula kulmin dhibaatooyin kaaga
imaada hadhaw.

2. Ma xushmeeyo reerkiina:  Kuma qasbana in qofka aad nolosha la wadaagaysaa uu jeclaado reerkiina, hase ahaatee waa in uuxushmeeyaa, hadaba hadii aanuu wax xushmayn ah u hayn reerkiina waa inaad kala doorata qofkaas iyo reerkiina, waxaana kugu haboon inaad doorato dadkiina kadibna aad raadsato qof ixtiraam iyo xushmayn u haya reerkiina.

3. Qofka naftiisa sida xad dhaafka ah u jecel: Waxa kaga yaabaa in aad qofka is tidhaahdo waa qof dhamaystiran, hase ahaatee waxaad isku dayda inaad aad ugu dhawaato, waxa laga yaabaa in uu aad u jecel yahay naftiisa oo uu is leeyahay fikirkaaga oo dhani waa sax, qofkaasna way adag tahay in nolol lala wadaago waayo waxaad markasteba ugu jiraysaa kaalinta labaad oo marnaba fikirkaaga waxba kama soo qaadayo.

Masayrka ayaa waxa uu ugu dambaynta keenaa shaki, ma dhici kartid in aad noloshaada markaste raadisid cudurdaar aad ku cadaynaysid mawqifkaaga si aad uga fogaatid tuhunkiisa, waligaana qof masayr badan farxad kulama noolaan kartid.

5. Qofka ugu dambeeya ee aad u laabatid: Hadii aad dareentid marka xanuun iyo dhibaato kusoo gaadhoba in aad u iilanaysid amaba la hadlaysid aabahaa iyo hooyadaa waxaad ogaata in aanuu qofkan aad xidhiidhka wada leedihiin ahayn qof kugu haboon.

6. Wuxuu u baahan yahay in uu wax badan ka badalo naftiisa: Hadii aad dareentid in aanaad ka helin amaba jeclayn waxyaabuhuu samaynayo oo uu u baahan yahay inuu badalo arimo badan qofkaasi kuguma haboona, waxaa kugu waajib ah in aad xidhiidh la yeelatid qof aad ku qanacsantahay qaabkuu u dhaqmayo.

XIGASHO: Faaido.com

Check Also

Fruits-ka U Fiican Hooyada Uurka Leh

Xiliga uurka waxaa lagama maarmaan ah in hooyadu ay cunto cunnooyin nafaqo leh, kuwaasoo aan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *