6 Caado Oo Khatar Ku Ah Caafimaadka Maskaxda

Maskaxdu waxay xukuntaa ayna ilaalisaa howlaha muhiimka ee ka dhex socda jirkeena kuduhiisa, lkn in badan oo naga mid ah waxay leeyiin caadooyin xun xun ay maalin kasta sameeyaan, waxaana laga yaabaa caadooyinkaa in ay sabab u noqdaan in ay waxyeelo soo gaarto caafimaadka maskaxdeena. Culimada ku takhasutay maskaxda iyo neerfayaasha waxay cadeeyeen in caadooyin lix ah oo dadku maalin kasta sameeyaan in ay dhibaato u keento maskaxda

Quraacda oo laga tago

quraacda

Quraacda cunisteeda ma aha kaliya gaajo darteed lkn waa muhiim Waxayna saamayn kuyeelanaysaa fifircoonida maalinkaas oo dhan, sidaa darteed marnaba haka tagin sababtoo ah markaa hurdada kasoo toosno maskaxda waxay u baahantahay cuno si ay shaqada u biloowdo sidii looga baahna, waxay kaloo sheegeen in aadan cunin quraac maskaxda wax u dhimaya sida cuntada aan caafimaadka lahayn oo ay ku badantahay macaanka iyo dufanka.

Cunista macmacaankaxalwad-caafimaadka maskaxdaada

Markaad xalwad cunto waxaad umalaynaysaa in aad nafta u raaxaysay laakiin waxyar kadib waxay ku dhaxalsiinaysaa walwal iyo walbahaar. Macmacaanka oo aad iska badiso waxay ku dhaxalsiisaa xusustaada oo lunta ,madax xanuun iyo dhiigkar.

Cuntada oo aad iska badisoOVEREAT

Markaad cuntada iska badiso waxaad halis u tahay in ay kugu dhacaan cuduro badan sida wadna xanuun, sonkor iyo cayil. Cuntada oo la iskabadiyo waxay badashaa nidaamka kiimikada maskaxda taas oo keenta khal khal iyo in ay maskaxdu haloowdo.

Cabista sigaarka sigaarka

Sigaarka wuxuu ka samaysanyahay nicotine oo soo daaya maado la dhaho dopamine oo ah maado lafalgasha jirka oo saamayn ku yeelata dareemayaasha, feejignaanta iyo hab dhaqanka , waxay kaloo sababtaa qolofka sare ee jum jumada maskaxda in ay jilicdo taas oo ku keenta qofka in uu lumiyo xusuustiisa, kuna keenta walwal iyo walbahaar.

Shaqo xiliga aad xanuusantahayshaqo xanuun

Markaad xanuusantahay maskaxdu waxay dagaal kula jirtaa bakteeriyada jirka soo gashay iyo hagaajinta nidaamka difaaca jirka sidaa darteed markaad shaqo kale u dirto waxaad badalaysaa howlgalkii uu kusoo celin lahaa caafimaadka jirkaaga.

Hurdo la’aantahurdo laaan

Markaad seexatid maskaxdaadu waxay galaysaa howlgal ay jirka kaga nadiifinayso sunta, sidaas darteed soo jeedka iyo hurda yarida waxay keenta in ay dayacaan samayska unugyo cusub oo maskaxda ah.

Ogaalka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *