6 Arrimood Oo Xaaraan Ka Ah Dumarka Muslimiinta Inay Sameeyaan

haweenwaxaa jira arrimo diinteenu ay ka mamnuucday dumarka muslimaadka ah inay sameeyaan, waxaana ka mid ah:

1- Inay banaanka u baxaan iyagoo madax qaawan: Gabadha muslimada ah uma banaana inay banaanka u baxdo iyadoo madaxeedu qaawanyahay. Gabar kasta oo muslimad ah oo qaan gaar ah waxaa waajib  ku ah inay xijaab xirato, xijaabku waa mara kasta oo jirkeeda asturaysa. Ma Ogtahay In Xijaabku Faa’idooyinkaan U Leeyahay Timaha? Riix Halkaan

Dhaqaatiirta Xijaabka Daawo Ahaan Ugu Qoraya Dumarka Oo Soo Batay Kadib Markii Ay Ogaadeen… Riix Halkaan

Muslimad ma ihi balse sababta aan u xirto xijaabka dumarka muslimaadka ah waxay tahay…. Riix Halkaan

2 Inay gabadhu safartu bilaa maxram: Dumarka muslimaadka ah looma ogola inay safraan maxram la’aan markale laga reebo safar daruuri ah oo aysan heli karin nin maxram ah. diinteenu waxa ay fiirinaysaa safarka aalaaba waxa uu leeyahay daal, dhiibaato iyo itaal taradi dumarka awgeed ayay muhiim u tahay inuu lasocdo qof caawiya oo garab gala. Hadii safarku daruuri yahay oo aysan haweeneydu  heli karin maxram waa inay la safartaa dumarka kale oo ay isweheshadaan.

3- Inay guursato nin aan muslim ahayn: haweeneyda muslimada ah waa ka mamnuuc inay guursato nin aan islaam ahayn

4 Inay adeeci weydo ninkeeda: Haweeney kasta oo muslimad ah waxaa waajib ku ah inay ninkeeda wax kasta oo kheyr ah ku adeecdo.

5-Dhex galka jir raga kale: Dhexgalka Jirka u dhexeeya nin iyo qof dumar ah oo lama oggola in Islam. Nin iyo naag ajnabi kala waa mamnuuc inay istaabtaan

6- Xirashada dharka dharka ku dhagan: Nabi Muxammed Scw Waxa Uu Yiri Laba Nooc Oo Umaddayda Kamid Ah Oo Aanan Arag Waa Ehlu Naar. {Ilaahbaan Ka Magan Galnay Inaan Ehlu Naar Kamid Noqono} Labadaa Nooc Waxaa Kamid Ah: 
?Sifada 1aad? Waxa Uu Yiri Nabigu Scw “Waa Dumar Dhar Qaba Haddana Qaaqaawan”“Dumar Dhar Qaba Haddana Qaaqaawan” Culimadu Waxay Dheheen Waxaa Loo La Jeedaa “Waxay Xiran Yihiin Dhar Ku Dhagan Oo Muujinaya Gabadha Jirkeeda Ama Dhar Khafiif Ah Oo Laga Dhex Arki Karo Jirka Gabadha Ama Dhar Gaagaaban”
?Sifada 2aad? Waxa Uu Yiri Nabigu Scw “Xaqqii Way Ka Leexdeen Dadkiina Way Ka Leexiyeen” Xaqqii Way Ka Leexdeen Yacnii Dharkooda, Socodkooda, Dhaqankooda, Akhlaaqdooda, Iyo Anshaxoodu Waa Khilaafsan Yahay Dhaqan Gabar Muslimad Ah; Dadkiina Way Ka Leexiyeen Oo Waa Ay Fitneeyeen.

 

Check Also

Shaqsiyad Wanaagsan

3 Arimood oo ka qayb-qaadan karta in aad dhisato Shaqsiyad Wanaagsan

1. Marnaba habalan qaadin waxa aadan oofin karayn: Waa muhiim mararka qaaar in aad naftaada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *