6 Arrimood Oo Raggu Ka Baqaan Sababna U Noqda Inay Guurka Ka Daahaan

Dad badan ayaa aaminsan in cabsida iyo dareenka baqdintu caadi ahaan ku yar yahay jinsiga labka, gaar ahaan, waxaa arrintan aad u aaminsan dumarka oo aad mooddo in uu ku beeran yahay dareen ah in Ina Aadam cabsidu ku yar tahay. Waana ay dhacdaaba in gabadhu aanay jeclaysan in ay maqasho in nin ay xidhiidh qoysnimo, qaraabo nimo imw ku maqasho ereyo iyo sheekooyin si uun u muujin kara in ay fulaynimo ku jirtay, waayo waxa ay la tahay in ay taasi wax weyn u dhimayso ragannimadiisa. Waxa aad in badan dumarka ka maqlaysaa, “Miyaanu nin ahayn? Maxaa uu la baqayaa ma naag baa? Iwm. Garo oo cabsida laga hadlayaa ma’aha oo keliya tan muuqata, sida in ruuxu uu ruux kale ama bahal ka baqo, balse cabsida dhabta ah ee laga yaabo in dad badani ay ku duraan ragannimada ninku waa cabsida uu ka qaado go’aan qaadashada iyo isaga oo laga dareemo ku dhicid la’aan iyo in aanu arrimaha qaar ku dhiirran.

Haddaba Dr. Paul Hawk oo ah khabiir looga dambeeyo cilminafsiga ayaa sheegay in baqdinta ugu badan ee raggu tahay laba arrimood, ka baqashada Fashilaadda iyo ka baqashada diidmada waxa uu khabiirku sheegay in boqolkiiba 80 ka mid ah raggu ay ka baqaan labadan arrimood, halka Boqolkiiba 20-ka soo hadhayna ay leeyihiin gol-jilic iyo arrimo kale oo ay ka baqaan. Ama ugu yaraan ay jiraan arrimo ay sas ka qabaan.

Waxaan akhristayaasha u soo bandhigaynaa lix arrimood oo ay khubarada cilmi nafsigu sheegaan in ay inta badan ee raggu ka siman yihiin ka baqashadooda:

1. Waxa ugu daran ee uu ka baqaa waa in dookhu ka xumaado:  Xorriyaddu waa kelmadda ugu muhiimsan ee ku jirta nolosha ninka, waxa ku beeran shucuur si adag uga soo horjeedda in xornimadaa uu waayo. Guurka ka hor ninku waxa uu haystaa xorriyad la mid ah ta shimbirka, halka uu doono duula iyada oo aan su’aal la weydiin ama arrimihiisa gaarka ah aan la soo farogelin. Dabeecad ahaan xaasku waa sida saacadda, waxa ay xadiddaa ama xannibtaa ballamo badan iyo masuuliyado badan, taas oo ninka ku beerta dareen cabsiyeed oo ah in haddii uu guursado uu waayi doono xorriyadahaas. Cabsidaadi waxa ay ku beertaa in uu hadba dib u riixo ballanta guurka. Cabsida kale ee inta badan dib dhigta guurka ninka iyo in uu ku dhici waayo go’aan qaadashada guurku waa baqdin uu ka qabo in dookhu ka xumaado, ama aynu nidhaahno in uu dooran kari waayo qofkii saxda ahaa.

Waxa uu ninku war war badan ka qabaa in doorashadu ka qaldanto. Waana sababta keenta in rag badani ay aad uga dib dhacaan da’da guurka ku habboon.

2. Jeeb Madhnaanta: Ragga badankoodu sababaha ay guurka uga dib dhacaan waxaa ka mid ah cabsi ay ka qabaan mushkilad dhaqaale iyo in ay bixin kari waayaan kharashaadka baaxadda leh ee la socda guurka iyo masuuliyadaha dhaqaale ee daba socda.

3. Quruxda gabadha: Waxa ay khubarada cilmiga xidhiidhka bulshadu aaminsanyihiin in uu ragga ku jiro dareen xoog badan oo si qaldan ugu beera aaminsanaanta ah in gabadha quruxda badani ka dhib badan tahay kana awood iyo talin jeceshahay gabadha aan quruxda badnayn.

Waana sababta ay rag badan dib uga dhacdo go’aan qaadashada guurku, gaar ahaan marka gabadha uu xidhiidhka la leeyahay ama jecel yahay ay tahay mid qurux badan, cabsi a

y ka qabaan darteed, waxa uu mustaqbalkoodu noqon darteed.

4. Diidmo ka baqasho: Waxa jira dareen abuur ahaan ku beeran ninka oo ah cabsi ay ka qabaan in haddii ay la hadlaan gabadha ay niyaddoodu la hayso ay kala kulmi doonaan diidmo, taasi waxa ay keentaa in ay ka war wareegaan la hadalka iyo haasaawaha gabadh ay jeclaan lahaayeen in uu xidhiidh dhex maro. Waxaana ka dhasha in guurka oo mudda dib uga dhaca. Ama waqti badani ku lumo inta ay gabadhaas si toos ah isula soo gaadhayaan goo’aanka guurka oo dabcan ay isaga tahay cidda laga filayo in uu soo bandhigo, isagiina ka baqayo.

5. Qabka Ninka: Sida ay khubarada cilmigabulshadu aaminsan yihiin ninka waxaa abuur ahaan ku beeran qab iyo madax adayg keena in uu naco wax kasta oo uu u arko in ay taabanayso karaamadiisa ninnimo iyo sarrayntiisa, sidaa awgeed waxa uu ka fogaadaa wax kasta oo uu ka baqo in uu weji gabax kaga yimaaddo ama in ay kaga timaado natiijo hoos u dhigta karaamadiisa iyo heerka uu bulshada dhexdeeda ka taagan yahay, ama in dadka ku xeerani u arkaan in la yasay, waana suurtogal in qabka ku jiraa uun uu sidaas tusay ee shayga uu ka baqay aanay wax dhibaato ahi kaga iman lahayn. Sidaa awgeed marar badan cabsi uu ka qabo in haddii gabadha uu dareenkiisa jacayl ama doonistiisa guur u sheego in ay ku khasaysiiso awgeed ayaa uu aad uga warwareegaa isaga oo isku dayaya in uu arrinkaasi xaggeeda ka yimaaddo, iyada oo la og yahay in gabadhuna ay jeceshay in dhinaca kale ay dareenkaas iyo doonistaasi kaga yimaaddaan, waana mid kale oo ka mid ah sababaha dib dhiga guurka ninka. La soco…..

Check Also

Talooyinka Guurdoonka Qaybta 2-Aad

3. Wakhtigaaga qaado Ha degdegin; wakhtigaaga qaado. Ha u guursan in saaxiibbadaa guursadeen darteed. Guurso …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *