5 Waxyaabood Oo Haboon Inaad Ilmahaaga Ku Korisid

ilmahaagaIlmahaagu wuxu zaaid kugu baahanyahey marku yaryahay, waa marka bari laheed asaasiga nolosha.

La sheekeyso:

Ilmahaga oo aad la sheekeysata waxey ku sahlaysa iney saaxiib kula noqdaan oo aanay waxba ka qarin. Hadaad markasta aad is aragtan sheekadiinu tahay iskuul aad, seexo, iyo amar ku jira hadalkaga oo dhan. Ilmuhu wuxu dareemaya kalsooni daro oo inaadan aaminsanayn ayuu dareemi, iska ilaali ilmahaaga oo aan kula sheekeysan waxey tusinaysa inuu waxyaabo badan ka qarinaayo. Si saaxibtinimo ula sheekeyso had iyo goor. Ilmahaaga saaxiib wanaagsan ayaad u noqon karta hadaa isku furfurtid.

Bar qiimaha aqoonta leedahay:

Aqoontu waa laazim oo had iyo goor ku waani iney wax bartan, kana dhaadhici faa’idada aqoontu leedahey. Hadyad u gad markay iskuulka natiijo fiican keenan, waxey ku dhiiri galinaysa inay si ka wanaagsan sameyan marka xigta. Ilmahaaga ka dhig kuwa diinta barta had iyo goorna ku xirnaada, bar aqrinta Quraanka. Ogow waa waalidka kan ah geesiga ilmaha oo inay ku daydaan ayey isku dayan marka ugu horaysa, adiga ayaa u suurta galin kara riyadas intay yaryihiin.

Dhaqanka bar:

Maahmaah ayaa waxey odhaneysa ‘Waxa garaneysa meeshaad joogtid, markaa garanaysid meeshaad ka timi’. Hadaba ilmahaagu yeysan noqon kuwa lunsan markii la weydiiyo wadankay kasoo jeedaan iyo taariikhdiisa. Ku ababi inay noqdaan kuwa ku faana wadankooda oo wadaninimo ka muuqato had iyo goor. Uga sheekee taariikhda dalkooda markasta oo aad firaaqo hesho.

Xushmad:

Bar inay xushmeeyaan qof kasta haka yaraado ama aka weeynaado. Ka dhig kuwa idinsada isla markaasna mahad celiya. Kuwo uga kaca fadhiga dadka waweyn, garaaca albaabka intaysan galin guri. Ka dhaadhici inay dadka ula dhaqmaan siday jecelyihin in loola dhaqmo. Haku qaylinin ee xasuusi haday ilwaan inay mahad celiyaan ama wax idinsanwayaan.

U dig

Uga dig had iyo goor waxyaabaha xunxun oo ka dhaadhici waxyeelada ay leeyihin. Ha uga digin oo kaliya iney ka fogaadan waxyaabaha xun, ee u sheeg sidoo kale dhibka kasoo gaareysa. Uga sheekey waxyaabaha cowrada ah iyo nolasha gabi ahaan.

Xigasho: Qalanjo

Check Also

5 Qodob Oo Waalidku Uu Ku Horumarin Karto Waxbarashada Caruurta

Sida caadiga ah waxa ugu badan ee uu waalidku ku fikiro xilliga uu ilmihiisu ku …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *