5 Waxyaabood Oo Aan Ku Haboonayn Inaad Soo Geliso Facebook

waxyaabaha aan ku haboonayn facebookInterneetka xiligaan casriga ah waxaa uu noqday luqad Dadyowga caalamka isku gartaan, Tiro fara badan oo dhalinta soo koraysa ahana ay aad u jecel yahiin, si gaar ahna u xiseeya Baraha Xiriirka Bulshada, iyaga oo u la dhaqma lana qaata waqti ka badan sida ay ula dhaqmaan dadka.

Halkaasi waxaa ka soo baxday in cadad aad u badan ay ku Baahiyaan Bogagga Xiriirka Bulashadda Sida Facebook wax kasta oo noloshooda La xariira ( Maadaama uu noqday Sxb kooda ay ku sir sheegtaan) Sawiradooda, Goobaha kala duwan oo ay booqdaan iyo Waxyaabo kale oo si toos ah u saamaynaya.

Xiliyo Badan ayaa waxaa dhaca in dhalin yarada iyaga oo ku niyad san aanan ka fakarin mustaqbalka danbe in ay ku soo ban dhigaan Warbaxino Gaar ah ama sawiro aanan ku haboonayn in dhamaan bulshada wada aragto oo Goobaha Caamka ah, arintaasi oo mushkilad ku beeri karta Ruuxa iyo Qoyskiisa dhamaantod hadii ruux kale uu warbaxintaasi si xun uga faaiideysto.

Dhacdo uu dhawaan nin aan saaxiibo nahay ii sheegay ayaa ahayd gabar Soomaaliyeed ay Sawir keeda oo muuqaal buuxa leh soo Dhigtay Facebook ama ruux kale ha ka soo dhigeen, isla sawirkaasina ay is ticmaaleen Dadka website yada wax ku qora iyaga oo ka sheekaynaya Gabar dhibaato la kulantay , warbaxin ay qoreena Suurad uga dhigay Waalidkii gabadha oo Aqrinaya War bainta ayuu si lama Filaan ah ugu arkay Sawiraka Gabadhiisa, araintaasi oo Waalidka aad uga careysiisay wax uu sameeyana magaran Karin, Waa hubaal in dhacdadaasi oo kale iyo kuwa ka daran jiraan.

Sidaa Daraadeed waxaa muhiim ah in aad il dheer u yeelatid kana taxadirtid waxyaabaha aad ku soo ban dhigeyso Baraha Xiriirka Bulshadda Gaar ahaan Gabdhaha waa in ay feejignaan dheeri ah ka sameeyaan, daryeelmagazine.com ayaa ku leh waxaa kuu haboon Gabar yaheey Soomaaliyeed waxyaabaha taabanaya noloshaada qoyskaaga waa in aad ku xafidataa nafsadaada iyo qoyskaaga hadii aad soo ban dhigto Baraha internetka ogow in aadan maamuli Karin.

Hadii aad raac raacdo oo daalacato wayaabaha lagu soo ban dhigayo facebooga iyo Baraha kale ee Xiriirka Bulshada ayaa in badan oo ka mida waxaa ay ka dhigteen Saaxiib iyaga oo wax kasta oo quseeya soo galinaya ha ahaadaano kuwa ku haboon in lala wadaago iyo kuwa sharaftu ku jirto ruuxa leh mooyee in uusan ruux kale arag.

Hadaba waxaan idiin soo gudbinayaa arrimo aan is leeyahay waa ay ku wanaagsan yahiin in lagula wadaago oo Bogaaga Xirirka Bulshada ku soo ban dhigto iyo kuwa aan kuu haboonayn sharaf ahaan diin ahaan iyo amni ahaanba.

Waxyaabaha caadiga ah ee looga doodi karo laguna baahin karo Baraha xiriirka Bulshadda waxaa ka mida :-

Fikirkaaga iyo arigtiyaha aad ka qabto dhaco maalmeedyada:

Dhibi kuma sugna in aad Fikradaada ku cabirto Boggaada Xiriirka Bulshada kaaga furan Rayigaaga ku aadan dhacdooyin maalmeedka caadiga ah, waadna raacsiin kartaa sawiro ku haboon kalmadahaaga, hase ahaadaano sawirada kuwa aad ka taxadirtay.

Waxaa kale oo Bogaagga Xiriirka Bulshada ama Balogaaagga ku Baahin kartaa arimo quseeya Buslashadda Waxbarashadaada siyaasada taagan oo fikirkaag cabireysid, maadaama uu noqaday interneetka shaqadiisa koowaad isu soo dhaweynta bulshooyin ku kala nool meel kala fog.

Sidoo kale dhib malahan hadii aaad dadka fikradahooda aragtiyo ka dhiibato (Tacliiqaad ka bixso), adiga oo fikradaada ku cabiraya sidii hore si la midana Kalmadahaaga ha ahaadaano kuwo aad si wanaagsan u xulatay, wada shekeysiga ayaa ka mida arimahaaasi iyada oo wada sheekeysiga aan waafaqsanayn anshaxa aad iska xirtid ruuxii aan sharciga wada hadalka ixtiraameynin.

War Baxinada ku saabsan Shaqsiyadaada:

Si aad u ilaashatid Waxyaabaha kuu gaarka ah, adiga oo ka fiirinaya dhanka amaanka anshaxa guud, waxaase soo ban dhigi kartaa Magacaaga oo Buuxa ( adiga oo Magacyada qeyb ka mida Xarfo ahaan usoo Qoran kara sida Magaca dhexe oo Xarafka koowaad ka soo Qaadatid) ama naanays aad can ku tahay si saaxiibadaa kuugu aqoonsadaan, waa dhameestiri kartaa Addreskaaga oo buuxa Taleefankaaga iyo Emailkaaga iyo Macluumaadka la midka ah, waase in aad ka taxadartaa waa lagayaabaa in uu ruux dhan xun uga faa`iideesto Warbaxinada kugu saabsan,.

Waxyaabaha lagu talinayo in aadan ku soo ban dhigin Baraha Xiriirka Bulshadda sida Facebooga oo kale oo Dad badan kula wadaagayaan.

Howlmaalmeed:

Ahoow mid fiiro dheer u leh waxaa aad ku soo ban dhigeysid Bogaagga xiriirka bulshada, si kasta oo ay ahato ka digtoonoow in aad soo dhigto howl maalmeedkaaga sida Goobaha aad booqan rabto Waqtiga iyo Astaamaha lagugu aqoonsan doono, mudada aad joogaysid, waxaa suura gal ah in arinkaas hadii aad sameyso mushkilado kala kulanto oo ruux cadow kugu ah kaa faa`iideesto, kuma sii jirto dalkeena oo xaalado amaan xumo ka jjiraan.

Hadii aadan ka maarmin in aad ku soo daabacdo waxaa kuu muhiimsan in aad ku dhaqaaqdo markaa dhameyso ka dib adiga oo soo sheegaya meelahii aad tagtay mudadii aad ku sugnayd iyo waxyaabahii aad soo qabatay.

Sawirada Gaarka kuu ah adi iyo Reerkaaga

Waxaa caadi ka noqotay Barta xiriirka bulshadda in Sawiro lagu Baahiyo waxaana muuqata in uusan jirin ruux aan muuqaalo soo galin shabakada interneetka hadii uu jiraana aad u yar yahiin, Waxaa muhiim ah in aad ka fogaato muuqaalada Khaaska kuu ah iyo kuwa Reerkaaga.

Dhacdo xanuun badan ayaan ka aqriyay facebooga taasi oo ay soo dhigtay Gabar ka cabanaysa Sawir ay xili hore iyada iyo Sxbteed wada galeen in sanado ka dib facebooga la soo saaray, iyada oo Xaas ah, Muuqaalkaasi oo ku haboonayn in uu saygeeda arko, Laakiin maadaama ay yalan meel aysan iyadu Maamulin Waa uu Gaaray seeygeeda.

Gabadha oo Hadalo aad la ilmaynaysa soo dhigtay ayaa Tiri “Sawirkayga oo Dhaqan ahaan marwo ku wanagsanayn ayuu arkay wuuna I furay”.

Waa Xaqiiqo in Gabadhaasi muuqaalkaasi ay saaxiibadeed ka hayeen, tirooyin kale oo intaasi ka badan dhibanayaal ahan waa ay jiraan.

War Baxintaada iyo Xogtaada waxaad maamuli kartaa inta aadan ku Faafin interneetka mar hadii uu kaa Galaa maamulidisa wa ay kaa wareegtay waxaa suura agal ah in habka aad jeclayd si ka duwan loo isticmaalo oo waliba Dhibaato kaaga imaan karto.

Sidoo kale hasoo dhigin xogtaada gaarka ah: Sida dhalashaadaa (Full birth date), cinwaanka gurigaaga, teloofan lambarkaaga iwm,

W/Q Maxamed Suudi Guure

Binusuudi@hotmailcom

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *