5 Tallaabo Oo Kaa Dhigaya Qof Isku Kalsoon

Waxad mararka qaarkood moodaa in dadbadani aanay ogeynba muhiimada ay kalsoonidu leedahay, iyo doorka weyn ee ay leedahay. kalsoonidu runtii waa awooda koowaad ee nafta hogaamisa kuna dhiiri galisa fal kasta oo ay qabanayso.

Waxa lid ku ah kalsoonida Kalsooni daradda oo  Hadii qofku aanu kalsooni lahayn runtii ay ku adagtay in uu nolol fiican ku noolaado inta uu aduunyada joogo waayo, kalsooni daradu waxay leedahay mushkiladao badan sida cabsi badan oo nafta u timaada markastaba, wax kastana uu ka shaki qabo warwer iyo walaac farrabadan, go’aan la’aan aanu marnaba go’aan gaadhi karin kalidii una baahanaya in uu dad badan oo kale kolba wax waydiiyo.

Xirfadaha kalsoonida lagu dhiso Hadii aad ka shakido in ay kalsooni daadu yar tahay isticmaal qodabadan soo socda:

  1. badso cibaddada Alle,

2.Yaree khaladaadkaga xaga bulshada dhexdeeda aad ka gasho ama Qooska iyo asaxaabta.

  1. Hadii aad ku guuleysan wayday wax yaabo aad rabtay in aad gaadho mustaqbalka, niyada gali aduunyadu waa kaacaa kuf ee ha niyad jabin sii wadna waad gadhi doonta mar ay noqataba.
  2. Marka aad doonayso in aad go’aan gaadho ama qorshe cusub samayeso ha ka tagin Xaqiiqda iyo sida suurtogalka ah mararka qaarkood waxa niyad jabka keena talo aan suurtogal ahayn oo aad gaadho.
  3. Cabir naftaada tijabo na kusamee adiga oo xaqiiq ku socda tusaale ahaan imisa jeerbaad wax aad qabankareysay aad ku fashilantay, Naftaada u cadee waxa aad ku fiicantay iyo waxa aad ku xuntay, aadbay muhiim u tahay in uu qofku ogaado naftiisa.

Inta aad tijaabada nafta ku jirto ogsonowna in  qofna aanu dhameystirnayn lakiin naftaada kalsooni ku qab iyo nooca ay tahay barana dabeecadaha dadka kale ee ku gu hareeraysan, si aad faa’iido uga hesho aad waxna uga baratid.

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *