5 Tallaabo Oo Horumar Kuu Horseedaya

Marka laga hadlaayo horumarka runtii wuu kala duwan yahay, wuxuuna u kala baxaa meelo badan, balse hada waxaas oo dhan kama hadleyno, ee ujeedadeenu waxay tahay, sidii aad naftaada u Horumari lahayd, haddii aad tahay Shaqsi gaara, sideed u noqon kartaa qof Horumar leh? Sideed u noqon kartaa qof horu socod leh?

Ma rabtaa inaad Naftaada Horumar gaadhsiiso? Haddii ay jawaabtadu tahay, Haa, ku fikir sidii aad u gaadhi lahayd hankaaga dhabtaa, halkan waxaan kaga hadlayaa dhawr kalmadood oo la xidhiidha Horumarka laga yaabaa inay ku Caawiyan.

Marka u horraysa qofka aan la hadlayaa ma yahay qof hiigsanaaya nolol ama Hadaf dheer, taas oo wax badan ka badali doonta noloshiisa, 1Nadaafada, nadaafadu waa shay ku qaaliya nolosha aadamaha, waxayna ka hortagtaa wax badan oo halis galin kara noloshaada, waxayna ka qayb qaadataa Hadafka aad hiigsaneyso, markaa waa inaad daraasada ku darsato Naadafada.

2- Xanaaqa, inta badan dadkeenu waxay isku laa.yaan ama ay isku qabsadaan wax yar oo ka kaca xanaqa qofka, taas oo kala dili karta dad in badan is yaqaaney ama soo wada shaqeeyay, markaa bal dadka aad la nooshay ama aad wadda shaqeysaan ha xanaaq badnaadaan, balse adiga ka duwanow si aad u gaadho halka aad rabto. Waxaa laga yaabaa iney kugu adkaato hase yeeshee isku dhib.

3- Dedaalku waa qeyb ka mida waxyaabaha aynu ku gaadhi karno nolosheena, waxkasta oo aad rabto ma suuro galaan hadaana dhexda loo xidhan oo aan loo dadaalin. Hadafkana sidiisu wuxuu u baahan yahay dadaal aan kala go.lahayn, taas oo aynu ku gaadhi karno halka aynu rabno ee aynu u cararayno.

4- Samir iyo Dulqaad,samirkuna waa lafdhabarta nolosha, waayo, waa tii hore loogu maah.maahay. Samraa sadkii helela, macnaha waxaa laga yaabaa haddii aad u samirto waxa aad rabto inaad qabsato inaad hesho, qofka samirka badan leh wuu ka duwan yahay kuwa kale ee dhigiisaa, waayo? Waxa jira dad haddaad ku tidhaa waxaasu samir ayuu u baahanyee u samir, wayba kula yaabayaan, taasna waxaa Cadayn u ah jahliga ina hadheeyay ee ku jira dadkeena, una baahan in laga Dabiibo oo laga daweeyo.

Nolosha sideedana ma jiraan wax iska yimaadaa, wax walbana waxay ku yimaadaan kasbasho, hadaad tidhaa waxaan doonayaa inaan guursado oo geed hoostii intaan fadhiisto ayaan samrayaa ama waan dhoofayaa oo wax dadaal ah ma sameynaayo, ma jiraan wax fadhiga kugu imanayaa, talaabo kasta oo aad qaado waxay kaaga baahantay samir dadaal iyo dulqaad intaa haddaad isla hesho waad guuleysan kartaa, waxaanad noqon kartaa shaqsi gaadha horumar dheer, oo si dhib yar uga gudba,Caqabadaha kaa horyimaada.

4- Awoodaada, ILLAHAY {SWT} wuxuu ku siiyay haybad aad u badan oo aad xataa dheertay dadka qaar, haddii u illahay ku dhameystiray lixdaada laxaad waxaa jira dad badan oo aan iyagu lahayn labada gacmood iyo labada lugood iskaba daa inay dhamaystiran yihiin, hadana waa dad shaqeysta oo illahay mooyane aan billa aadan u baahneyn waxayna isticmaalaan awooda u illhay siiyay.

Haddaba, adiga oo uu ILLAHAY {SWT} ku dhamaystiray xubnahaaga maxaa kugu kalifay inaad Barido ama aad wax waydiisato qof adiga oo kale ah oo aan waxba ku dheerayn? Isticmaal Awoodaada uu rabbi kugu maneystay, hana u baahan qof bila aadan ah, waayo illahay ayaaba kugu cadhoonaya.

5-Alle Aamin. haddii aad ilahay aaminto oo aad talo saarato waxaad ka badbaadi kartaa waxyaabo kala duwan oo badan, waxayna ka tusaysaa adooda alleh, hadday taladu kaa guracnto ama noloshu kugu adkaato illahay waydiiso gacan adiga oo samraaya dadaalna daba wadda, waxaa laga yaabaa inaad hesho waxad raadineyso, waxba ayaanan hadalka ku taleex tagin, waxanaan idiin rajeynayaa inaad isku daydo inaad fahanto mihiimada uu leeyahay horumarku.

Fikirka, Aragtida, Maskaxda iyo Min-guurinta Maqaalkan waxa iska leh

Oo uu yahay Qalinkii Nimco Baashe Cabdi

caashaqa555@hotmail.com

Check Also

Arday wanaagsan oo guulaysta

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *