5-ta Salaadood oo si Sax ah loo Tukadaa Waxay Daaweysaa Dhabar Xanuunka

Cilmibaadhis caafimaad oo cusub ayaa daahfurtay in salaadda ay muslimiintu tukadaan, haddii sida saxda ah ee badqabku ku jiro loo tukado, isla markaana la joogteeyo, shan jeer maalin kasta ay yarayso ama kaxayso dhabar xanuunka, gaar ahaan xanuunka ah dhabarka qaarka hoose.

Cilmibaadhistan oo lagu baahiyey wargeyska The independent ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in xarakaadka is xig-xiga ee uu qofku si joogto ah oo nidaamsan u samaynayo xilliga salaaddu uu jidhka ka kaxeeyo daalka iyo burburka, sidoo kalana ka caawiyo in uu ka xeeyo ama uu yareeyo jilba xanuunka xanuunka inta badan lagu arko dhabarka qaybtiisa hoose.

Muxammed Al-khasaawinah oo ka mid ah cilmibaadhayaasha daraasaddan diyaariyey ayaa isku mesaalay xarakaadka uu jidhku sameeyo xilliga salaadda iyo xarakaadka jimicsiga Yoga loo yaqaanno oo inta badan ay dhakhaatiirtu dadka dhabar xanuunka leh kula taliyaan in ay sameeyaan.

Xeeldheerayaasha sameeyey cilmibaadhistan ayaa intii aanay natiijadan gaadhin waxa ay sameeyeen tijaabooyin badan oo ahaa in rag iyo dumar ku dhaqan goobo kala duwan oo dunida ah ay baadhis cilmiya ku sameeyaan saamaynta ay salaaddu ku yeelatay caafimaadka dhabarkooda, waxa aanay gaadheen natiijadan, oo sidoo kalana sheegaysa in sujuudda salaaddu qay qayb laxaad leh ka qaadato dabcinta iyo kordhinta jileeca dhabarka, taas oo keenaysa in dhabarku uu ka gudbo xanuunka.

Si kastaba ha ahaato ee waxa ay cilmibaadhayaashu sheegeen in daraasaddani aanay baadhin saamaynta caafimaad ee ay salaaddu ku yeelan karto dadka qaba cudurrada jidhka ee kale.

Salaadda oo ah cibaadada koowaad ee Muslimnimada kadib qofka ku waajib ta, lana dhiirri geliyey in muslimku ku bilaabo 7 jir illaa inta uu god gelayo, ayaa ay daraasaddani caddaynaysaa in xikmadda ku jirtaa aanay ku koobnayn cibaadada raalli-gelinta Alle loo samaynayo oo keliya, balse ay sidoo kale dan u tahay qofka caafimaadkiisa jidheed iyo sida ay daraasado hore sheegeen caafimaadka nafsiga ah.

W/T: Kamaal Axmed Cali

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *