5 Nafaqo Oo Qof Kasta U Baahayahay

1- Iron (macdanta jirka)iron

Macdanta jirka Waxa uu muhiim u yahay koritaanka iyo horumarka jirka.  Haddii aadan lahayn macdanta birta oo ku filan jirkaaga waxaa laga yaabaa: in aad daal dareentid -in ay kugu adkaato in aad fakartid ama aad xoog-saartid fahanka -in ay kugu adkaato in aad waxbaratid

Talo- Siin! Si aad ugu caawisid in jirkaaga uu isticmaali macdanta  birta(ironta):
-Cun cuntooyin ku badan fitamiin C marka la joogo waqtiyadda  cuntadda. Kuwaani waa liinta oranjiga, casiirka liinta oranjiga,
miraha kiwiga, yaanyo iyo madax-cagaar. Tani waxay ku caawinaysaa  jirkaaga in uu isticmaalo macdanta birta(ironta):

2- Calcium:Calcium

Calcium waa macdan muhiim ah oo adkaysa lafaha iyo ilkaha. ilaha ugu fiican ee laga helo calcium waxaa ka mid ah, caanaha, digirta madow, yicibka iyo isbiinajka.

3- Vitamin D:ukunVitamin D waxuu u fiican yahay habsami u shaqaynta ilkaha iyo lafaha haddii la waayana waxaa qofka ku dhaca cudurka loo yaqaano Rickets oo ah cudur lafaha lugaha qalqaloociya waxaana laga helaa caanaha, subagga, kalluunka, iyo beedka. 

4- MagnesiumMagnesium

Magnesiumka jirka aad ayuu muhim ugu yahay , siiba lafaha iyo murqaha ay xoojiyaan ama ay ka qayb galaan dhismahooda
Qofka wayn wuxu u baahanyahay 300-400 Milligramm maalinti oo macdanta Mg (Magnesium), intaas wayka badan kartaa haduu qofka jirooyinka qaar qabo, sida maacanka ama sokorowga. Hadii ay macdanta Magnesium jirka ku yaraado , wuxu keena lafo xanuun iyo murqa xanuun.

5- Macdanta Omega-3 Fatty Acid: Omega-3-Fatty-Acids

Macdanta Omega-3 Fatty Acid oo laga helo kalluunka, isla markaana aannu jirka bani aadamku soo saarin waxay unugyada neerfisyada ka caawisaa inay farriimaha jirka si fiican u gudbiyaan, xiriir wada shaqayneedna ka dhex dhaco dhexdooda, khubaradada caafimaadka ku xeel dheer ayaa carruurta iyo dadka waaweynba kula talinaya inay toddobaadkii laba jeer ugu yaraan ay cunaan kalluunka, taasoo ay si gaar ah u door bidayaan isticmaalka salliidiisa.

Check Also

Faa’iidooyinka Cajiibka Ah Ee Muusku Jidhkeenna U Leeyahay

Muusku waa mid kamid ah khudaarta ugu caansan uguna waxtarka badan xaga caafimaadka ee laga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *