5 Macdan iyo fiitamiino Jirku Uusan Ka Maarmin Iyo Ilaha Laga Heli Karo

Fiitamiinada iyo macdanaha kala duwan waxa uu jidhku ugu baahan yahay si ay uga qayb-qaataan korriimada iyo daryeelka.vitamin

Vitamin D: waxa uu u fiican yahay habsami u shaqaynta ilkaha iyo lafaha haddii la waayana waxaa qofka ku dhaca cudurka loo yaqaano Rickets oo ah cudur lafaha lugaha qalqaloociya, Sidoo kale daraasado la sameeyay ayaa sheegay inVitamin D-gu uu ka hortago hargabka, Vitamin D laga helaa caanaha, subagga, kalluunka, iyo beedka. 

Zinc:  Waa macdan muhiim ah, waxaan loo adeegsadaa arrimo badan oo caafimaad, waxaa ka mid ah daawaynta hargabka iyo qabowga.

 Vitamin E: waxa uu ka qayb qaataa xaga taranka hadii uu qofka ku yaraadana waxay dhibaato kaga timaadaa xaga taranka waxaana laga helaa khudaarta cagaaran, caanaha, iyo kalluunka.

Niacin: macdantaan sidoo kale waxaa loo yaqaanaa Vitamin B3,  badsashada macdantaan waxay daawo u tahay xanuuno ay ka mid yihiin kolestaroolka , cudurka macaanka Alzheimer iyo madax xanuunka.

Vitamin A: waxa uu lagama maarmaan u yahay caafimaadka indhaha haddii uu qofka ku yaraado waxaa ku dhici kara caafimaad xumo xagga indhaha ah waxaana laga helaa caanaha, subagga, beedka, caleenta cagaaran. 

Check Also

dhimista miisaanka

8 Cunto Oo Si Weyn U Caawiya Dhimista Miisaanka Iyo Kobcinta Caafimaadka

Buurnimada iyo miisaanka inta dabiiciga ah ka badani waxa ay ka mid yihiin dhibaatooyinka caafimaad …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *