Faaidooyinka Ukunta Ama Beedka Digaaga

Cunista beedka waxay kor u qaaddaa caafimaadka qofka. Haddii aanu qofku jeclayn inuu cuno beedka ama ukunta waxa jira cilmi-baadhiso sababaynaya in ay faa’iido u tahay qofka inuu cuno beedkaas, haddaba dhowrkaan arrimood waxay kuu faa’iidaynaya inaad joogtayso cunista beedka.

 1.      Qofka beedka cunaa waxa uu ka badbaadaa faaliga iyo wadne-xannuunka:

 Waxa jiray odhaahyo tilmaamaya haddii qofku caadaysto cunista beedka inuu subaga jidhkiisu ku badanayo, balse cilmi-baadhiso cusub oo dhawaan la soo saaray ayaa iftiimiyey in beedku ka hortago xannuunada faaliga iyo wadne-xannuunka.

 2.      Waxa uu qofka siiyaa faytamiin:

 Beedka ama ukunta waxa laga helaa faytamiino daruuri u ah caafimaadka dadka, isla markaana keena in caafimaadka qofku noqdo mid aad u wanaagsan, waxana ka mid ah faytamiinnadaas;

Vatamin B2 amma faytamiin Riboflavin, kaasoo jidhka qofka ka caawiya inuu burburiyo cuntooyinka.

Vatamin B12 amma Faytamiin Cobalamin oo muhiim u ah in jidhku soo saaro unugyada

Vatamin A amma Faytamiin Retinol, kaasoo kor u qaada araga indhaha.

Vatamin E amma Faytamiin Tocopherol, kaasoo qofka ka caawiya inuu jidhku la dagaalalamo walxaha galaya ee dhaawaca ku keeni kara unugyada, aakhirkana sababa kansar.

Faytamin A iyo B2 waxay muhiim u yihiin koritaanka unugyada, sidaa daraadeed waxa qofka u wanaagsan inuu badsado cunista beedka.

3.      Wuxuu nafaqo siiyaa muruqyada:

Beedku oo ka mid ilaha ugu fiican ee cuntooyinka nafaqada laga helo ah, waxa uu muruqyada siiyaa tamar iyo nafaqo, sababtoo ah waxa ku jira Faytamiin B12, kaasoo muruqyada ka caawiya inay si fiican u shaqeeyaan, laakiin waxaad iska jirtaa beedka digaaga lagu muddo daawooyinka si ay u beedkay dhalaan u weynadaan, waxayna leeyihiin dhibaato caafimaad.

4.      Wuxuu difaacaa Kansarka:

Haweenka cuna xaddi badanoo beed ah waxay 24% ka badbaadaan kansarka naasaha ku dhaca sida lagu xaqiijiyey daraasad dhawaan la soo saaray, waxaannu beedku qofka siiyaa maadada amma faytamiin la yidhaa Choline oo jidhka ka difaaca in kansar ku dhaco.

Maadada Choline waxay ku badan tahay qaybta huruudda ah ee beedka, sidaa daraadeed waa inaad beedka dhammaantii quudato, cuntadana aad ku darasada si aad faa’iidadiisa u hesho.

5.      Maskaxda qofka ayuu koriyaa:

Beedka waxa uu qofka ka dhiga mid xasuustiisu aad u fiican tahay, waayo wuxuu nafaqo badan siiyaa maskaxda, taasoo qofka ka caawisa in maskaxdiisu kaydiso macluumaad badan, xasuus ahaanna noqoto mid aad u wanaagsan, waxana beedka digaaga laga helo ku badan maadada Omega-3 Fattey Acid, taasoo awoodda maskaxda kor u qaadda.

Beedka digaaga inta badan waxa laga helaa faytamiin E, kaasoo dhakhaatiirtu amma dadka nafaqada cuntada ku xeel-dheer aaminsan yihiin inuu qofka ka difaaco cudurka asaasaqa ee keena inuu qofku carruuroobo amma isku dhex daato maskax ahaan.

Ibraahim Khadar Siciid

Check Also

caafimaadka kilyaha

Shaqooyinka Muhiimka Ah Ee Ay Kilyuhu Qabtaan Iyo Sida Loo Ilaaliyo Caafimaadkooda

Kilyaha waa labo xubnood oo u eg qaabka digirta gaduudan, waxay ku yaalaan qaybta gadaale …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *