5 Faaido Oo Ay Leedahay Beedka Qolaftiisa Balse Aadan Ogayn

Beedku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka ugu faaidada badan caalamka aynu ku noolnahay manta, isaga oo intaasi ay u raacdo qiimihiisa lacageed oo aad u rakhiisa, hadaba badanaa iyada oo beedka la yaqaano halka uu ka imaado ayaa marka la cunayo laga dhilaa ama jabiyaa qolof aan adkayn oo dusha ka ilaalisa in uu jabo.

Qoloftan ayaa waxa lagu ridaa markiiba meesha qashinka lagu uruuriyo, taaso oo loo arko in ay ka mid tahay qashinkaas uun, iyadoo inteena badani aanay waxba ka garanayni waxa laga dheefi karo qoloftaas iyo faaidooyinka ku jira ayaa waxa aad hoos ku arki doonta faaidooyin uu leeyahay beedka qoloftiisu, taasi oo la ogaaday cilmi baadhis badan oo lagu sameeyay kadib:

Nadiifinta Guriga: iyada oo lagu milayo xooga biyo ah iyo inyar oo saabuun ah waxaana loo adeegsada dhamaan nadiifinta guriga sida weelka iyo wixii la hal maala

Qurxinta wajiga: iyada oo inta aad loo diqiijiyo lagu darayo inyar oo xabka cad ee beedka kamid ah kadibna wuxuu keenaa in uu wajigu widhwidho qurux awgii

Macaanaynta Qaxwaha: iyada oo inta aad loo ridqo kadibna lagu darayo qahwaha ama bunka si uu xoogaa macaan ah ugu kordhiyo

Ka Fogaynta Xasharaadka Beertaada: iyada oo inta la ridqo lagu fildhinay amaba daadinayo beerta kadibna xasharaad dambe arki maysid.

Bacriminta carrada: iyada oo ay qolofta beedku ka kooban tahay Calcium iyo macdanta korisa waxsoosaarka beeraha.

Check Also

Noocyo Cuntada Ka Mid Ah Oo Ragga U Wanaagsan

In kasta oo si guud cuntooyinka waxtarka caafimaad leh ay u siman yihiin ragga iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *