5 Caalamadood oo Muujinaya in aad Facebook la Qabatintay

La qabatinka facebook iyo baraha kale ee bulshadu ku kulanto (social Media), ayaa noqday kuwo ay aad u adag tahay in la iska joojiyo, isla markanaa dhibaatadeeda leh sida lagu iftiimiyey mashruuc cilmi-baadhiseed ay khubaro Dutch ah wadeen, kuwaasoo ay ku baadhaayeen in bal dadku awood u leeyihiin in ay 99 maalmood joojin karaan isticmaalka baraha internetka ee bulshadu ku wada xidhiidho (social Networks).

Dadka daraasada laga qaaday waxa ay sheegeen qaar badan oo ka mid ah waxa ay sheegeen in waxa ugu horreeya ee ay furaan  ay tahay (Facebook) amma fartoodu qorto marka ay kobuyuutar isticmalayaan ay xarafka “ F”, halka kuwo kalena ay tilmaameen in aanay muddo bil ah adkaysan karin isticmaal la’aanta Facebook.

Cilmi-baadhistan oo la yidhaa  (The 99 Days of Freedom) oo macnaheedu tahay 99 maalmood ee xorriyada, waxa ka qaybgalay oo lagu baadhay 40,000 qof oo lagu qanciyey in ay isku dayaan joojinta isticmaalka facebook, kuwaasoo dadka badankoodu awooddi waayeen in ay joojiyaan isticmaalka Facebook.

“Waxaan joojiyey isticmaalka Facebook markii aan masrhuucan bilawnay, walina kuma noqon. Sida qaar badan oo mashruucan qayb ka ahaa sameeyeen, waxa aan dareemay xorriyad. Xog-ururintayadu waxa ay muujisay in dadka badankoodu ay dareemeen farxad markii ay joojiyeen, halka 25% ka mid ah dadka daraasadu ku socotay sheegeen in ay Facebook joojiyeen, balse inta kael way ku adkaatay.” ayuu yidhi Merjin Straathof oo aasaasay hawlgalka Xorriyada 99 maalmood.

Haddaba, cilmi-baadhistan waxa ka soo baxay astaamo muujinaaya in qofka ay ka muuqdaan ay aad u adag tahay inuu joojiyo facebook;

  1. Haddii aad Facebook u haysato meel lagu kaantaroolo sawiradaada dhibaad ku jirtaa.

Ma darreenta in aad sawiradaada ugu quruxda badan si joogto ah ugu soo bandhigo facebook? Hadday taasi dhacdo waxa hubaal ah in ay adag tahay inaad iska dayso Facebook.

Dadka aadka ula qabatima facebook waxa caado u ah in ay sawiradooda qurxoon, farxadooda iyo arrimo u khaas ah ay ku soo baahiyaan baraha bulshada, gaar ahaan Facebook, taasina ay astaan u ahay in qofkan uu la-qabatimay isticmaalka oo ay adag tahay inuu iska daayo.

  1. Facebook miyaad isticmaasha uun, mise waxa aad isticmaasha baro kale (social Media)?

Dadka inta badan aadka u ayidsan facebook laigii bay isticmalaan, gaar ahaan waxa jira dad badan oo aan aaminsanayn in ay jiraa goobo kale oo la isticmaalo.

Haddaba, dadka isticmaala baro kale oo internetka ah oo dadku ku wada xidhiidhaan sida Twitter way joojin karaan facebook.

  1. Miyaad waligaa ka welweshay inaad la qabatinto Facebook?

Cilmi-badhayaashu waxa ay shegeen in dadka dareema in ay Facebook la qabatimeen ay ku adag tahay in ay iska dayaan.

Jaamacada Cornell University oo daraasadan qayb ka qaadatay ayaa sheegtay in dadka ay xogta ka ururiyeen ay sheegeen qaar badan in gacantoodu ay la qabsatay qorida Facebook amma xarafka ugu horreeya ee “F” sidaa darteedna ay adag tahay in ay joojiyaan.

  1. Ma dareentaa farxad la’aan?

Khubarada daraasada samaysay waxa ay sheegeen in ay ogaadeen in dadka dareema farxad la’aanta marka ay Facebook ka maqnadaan ay adag tahay in ay iska dayaan, iyagoo dadka xogta laga ururiyeyna sheegeen in dad badan oo iska daayey Facebook ay noloshoodu horumar badan samaysay.

  1. Miyaad ka waliga ka welweshay Facebook iyo waxyaabaha kuu khaaska (Privacy)?

Haddii jawaabtaadu tahay “Maya” oo kama welwelo ha ka baqin in aad facebook la qabatinto, sababtoo ah dadka ka welwela facebook waa kuwo wax badan ugu jiraan oo aad ula qabatimay xogo badana ku daabaca facebook.

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *