5 Arrimood Oo Nin Kasta Xaaskiisa Ka Sugayo

nin kasta xaaskiisaNinkaste oo dunida korkeega ku nooli waxa uu jecel yahay in uu taageero iyo kalgacayl aan xuduud lahayn kala kulmo xaaskiisa inta uu noolyahay, hadaba waxaad iga gudoontaa 5 arimood oo uu ninkaaagu kaa sugayo marwo si aad ugu muujiso taageerada iyo kalgacaylka aad u hayso.

  1. Cajab Galin:  Xaajigu badiyaaba waxa uu u baahan yahay in uu xaaskiisa ka dareemo in ay aad u jeceshahay, in aad tusto kalgacaylka aad u haysid ninkaaga ayaa waxa uu kamid yahay arimaha ugu fudud ee aad u qaban kartid, waayo isagu waxa uu doonayaa in uu kaa maqlo hadallo aad u qiimo badan sida, waxaad tahay aabo wanaagsan, wali  dhallinyaro ayaad tahay, waan kugu faanaa badiyaaba, iyada oo arinkaasi uu ninka ugu fadhiyo qiimo aad u wayn.
  2. In aad waqti fiican wada qaadataan:  Saygaagu waxa uu kaa rabaa in aad la wadaagtid waqtiyada aadka u wacan sida in aydun wada ciyaartaan sports, wada daawataan barnaamijyada daawashada ah ee uu isagu kahelo,  iyada oo dumarku badiyaaba rumaysan yihiin in ay nimanku waqtigooga ka ugu fiican la qaataan asaxaabtooda ayaa hadana arinkaasi yahay mid aanay waxba ka jirin, waayo ragu waxa kale oo ay ka helaan in ay waqtiyo fiican la qaataan xaasaskooda, sidaa awgeed isku day in aad waqti siisid xaajigaaga oo aanaad xaqiisa illaabin, gaar ahaan iyadoo aad badiyaaba ku masqhuulsantahay guriga iyo caruurta.
  3. Quruxda Iyo Jinniyada: inkaste oo aan ninku jacaylka uu u hayo xaaskiisa aanuu ahaynoo kaliya mid ku kooban muuqaalka guud, hadana ninka ayaa waxa uu jecelyahay in xaaskiisa markaste quruxley ahaato, guriga marka la joogo iyo marka dabada la joogoba, sidaa awgeed ahaw mid markaste si quruxbadan u labisan, cadar udgoon marsan iyo xoogaa Make Up ah, ogowna in markaste ninkaagu uu jecel yahay in uu guriga kugu arko adiga oo qurux badan, guriga dabadiisana uu ku faano quruxdaada.
  4. Ka fogow ku celcelinta hadalka iyo isku dayga in aad xakamaysid: hadalka badan ee aad ku celceliso xaajigaaga iyo cadhada aad ku cadhootid marka uu fulin waayo waxaad rabtid waxa weeye arinka ugu badan ee uu ninkaagu ugu neceb yahay, waxaanay taasi ku kordhisaa inuu ku canaado, hadaba xaajigaaga si fiican ula hadal oo dagan marka aad ka rabtid in uu arin kuu qabto.
  5. Guri raaxo badan oo habaysan: gurigu waa barta kaliya ee uu xaajigu ku raaxaysto kadib marka uu shaqada kusoo daalo, waxaad isku daydaaa in aad badiyaaba guriga si fiican ugu habayso, cunto fiican u diyaariso inta aanuu shaqada ka iman.

Talo: Waxaad ku dadaasha marwo in aad markaste raali galiso saygaaga, kana ducaysato waayo jannada ayay sabab u noqon kartaa in aad ninkaaga raali galisid.

Xigasho: faaido.com

Check Also

Talooyin Ku Saabsan Tababarka Tuunjiga Ee Caruurta

Waalidiin badan ayaa u hammuun qaba inay arkaan ilmahooda oo garaay isticmaalka tuunjiga iyo musqusha …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *