5 Qodob Oo Kaa Ilaalinaya Daalka Xilliga Shaqada

Shaqada oo lagu dhex caajiso ama lagu dhex luloodaa waa arrin aad ugu badan goobaha shaqada, gaar ahaan xafiisyada, waxaana si gaar ah loo tilmaamaa xiliga duhurkii oo ah gooraha ugu fiican ee qofka hurda hore seegtaa seexan karayo. Ugu horreynba daal, caajis iyo lulo uu qofku dareemo xilliga qadadu waxa ay astaan u tahay in qofkaas jidhkiisu uu tebayo tamartii (Energy) oo ku yaraatay:

Cuntada: 

Quraacdu waa cuntada ugu muhiimsan saddexda xilli cunto ee aynu isticmaalno, sidaa awgeed waxaa muhiim ah in quraacdu ay noqoto mid caafimaad qabta, qani ku ah maadooyinka cunto ee jidhku u baahan yahay. Quraacdu waxa ay jidhka gelisaa tamar maalinta inteeda badan uu haysan karo. Iska jir in aad quraacda ka tagto, ogona oo waa ay fiican tahay haddii aad beed ama cuntada galka leh ku quraacato, laakiin iska jir in aad ka boodsiiso, si aad caafimaadkaaga u dhowrto.

– Haddii saacadaha shaqadu badan yihiin waxaa qasab ah in waqtiga saxda ah ee cuntada aad hesho cunto, haba yaraato haddii ay doonto, laakiin in qofku cunto yar oo qado ah helaa waa qasab. Iska jir is-dherginta badan iyo gaajada badan, labadaba waa lagu luloodaa waana lagu caajisaa. Sidoo kale iska jir cuntooyinka sida degdegga ah u samaysma ee hudheellada, waxaa ka mid ah cuntada sonkorta badan leh, dufanka badan.

Xarakaadka jidhka:

Saacadaha badan ee aynu xilliga shaqada ku fadhinno kursiga, innaga oo kala habaynayna, diyaarinayna isla markaana qorayna dhukumantiyo, xisaabo ama kombiyuutar ku shaqaynaynaa waxa ay keentaa daal iyo lulo, sidaa awgeed waxaa fiican qofka shaqdiisu fadhigan tahay, marka uu muddo yar fadhiyaba mar kaco si uu jidhkiisu xarakaad u sameeyo, tusaale ahaan in uu sallaanka fuulo, in uu is kala yara bixiyo iyo in uu xafiiska yara dhex socdo.

Dad la hadalka:

In dadka aad la hadashaa waxa ay kaa duulinaysaa lulada, waxa aanay furfuraysaa naftaada oo laga yaabo in ay ku beerto farxad iyo firfircooni. Qofka kuugu dhow ereyo kooban is weydaarsada, ama qof saaxiibadaa ka mid ah talefanka daqiiqado kooban kala hadal, kadib shaqadii dib ugu noqo.

Biyaha:

Biyaha iyo dareeraha kaleba waxa ay jidhka siiyaan qoyaan iyo tamarta uu u baahan yahay, waxa aanay qofka ku beeraan firfircooni, sidaa awgeed waxaa fiican in qofku uu xafiiskiisa dhigto caagad biyo qabow ah, oo uu hadba yara kabbado si caajiska oo hurdada keenaa uu uga duulo. Biyuhu waxa ay jidhka ka nadiifiyaan suntan siyaabaha kala duwan ugu samaysanta ama cuntada ka dhalata.

Neefsiga fog:

In uu qofku qaato neef dheer (Neef badan hal mar dib u nuugaa) waxa ay jidhka ka caawisaa in uu helo neefta oxgyne ee uu u baahan yahay oo intii hore ka badan, taasina jidhka iyo maskaxdaba waxa ay gelisaa firfircooni. Laakiin waa neefsi muddo marka la joogaba mar ah.

Haddii talefankaaga gacanta ama kombiyuutarkaagu uu leeyahay ciyaar iska jir in aad waqti badan ku lumiso raadinta akhbaarta asxaabtaada iyo in aad dhex mushaaxdo bar-kulannada bulshada iwm.

Ciyaarta:

Haddii talefankaaga gacanta ama kombiyuutarkaagu uu leeyahay ciyaar iska jir in aad waqti badan ku lumiso raadinta akhbaarta asxaabtaada iyo in aad dhex mushaaxdo bar-kulannada bulshada iwm.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *