4-tii Meher Ee Ugu Cajiibsanaa Ee Mudooyinkii U Dambeeyay Dunida Ka Dhaca

Mar kasta oo ay dunida sii casriyowdo waxaa ku soo badanaya dhacdooyinka ku lammaan isbeddelkaas nololeed ee marka ugu horreysa qofka maskaxdiisa ku noqonaya u qaadanwaaga, Waxa aan qormadan kuu soo turjunay oo ku soo bandhigaynaa qaar ka mid ah meherrada ugu yaabka badan ee dunida ka dhacay muddooyinkii u dambeeyey:

1. Waxa aan inantayda kuugu guurinayaa meher ah in aad Hal Milyan oo jeer Nebiga (SCW) ku sallido: Nin u dhashay dalka Urdun ayaa dalbaday in meherka inantiisu uu noqdo ‘Hal Milyan oo jeer oo Salliga Nebi Muxammed ah” Sida dhaqanka Carabtu yahay aabaha ayaa inantiisa meherka u jaangooya, qaddin ayaana sida caadiga ah lagu kala qaataa. Odaygan oo arrintan wax laga weydiiyey ayaa sheegay in qiimaha meherku aanu macnihiisu ahayn in uu yahay qiimihii inanta. Ujeedada uu meherkan ka leeyahayna uu yahay in uu waalidiinta hablaha dhalay kula dardaarmay in ay guurka fududeeyaan, si dhalinyarada aan awoodin ay ugu dhiirradaan.

2. Meher ah Hal Milyan oo ‘Like’ in facebook inanta aabaheed leeyahay la saaro: Wiil dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Yemen ayaa ay la yaab ku noqotay markii gabadh uu calmaday meherkeedii uu aabaheed ka dhigay in bog uu ku leeyahay bar kulanka bulshada ee Facebook 1 Milyan oo jeer la gujiyo ‘Like’ oo macnaheedu yahay in uu qofku ka helay boggan.

Bilowgii hore dad badan ayaa moodayey in meherkani aad u hawlyar yahay, laakiin waa marka aanay fahmin in Facebook uu qofka u ogol yahay Hal Like oo keliya, sidaa awgeed wiilkan laga rabo in uu soo helo Hal Milyan oo qof oo dhammaantood gujiyo Like, bogga uu odaygu ku leeyahay Facebook.

Wiilkii waxa uu bilaabay in uu raadiyo dadkan, muddo 10 bilood ah ayaa hadda ka soo wareegtay intii laga sugayey 1 Milyan oo like si inanta loogu guuriyo, nasiibdarro se waxa uu illaa hadda helay 130 kun oo Like. Warka wanaagsanina waa in aakhirkii uu aabahani u soo dabcay wiilka inantiisa calmaday, una sheegay in tiradaas uu keenay uu haatan ka aqbalayo inantana sidaas ugu guurinayo.

3. Mawqif geesinnimo iyo karaamo leh: Wiil u dhashay dalka Yemen ayaa si geesnimo leh ugu go’aan qaatay in aanu ka noqon gabadh u doonanayd oo lagu sameeyey qalniin lagaga saaray ilmo-galeenka.

Ninkan oo sida la sheegay gabadhan uu xidhiidh aad u adag oo jacayl u dhexeeyey, laakiin nasiib darro markii la gaadhay waqtigii uu diyaarka u ahaa in uu guursado ayaa inanta qoyskeedu ay ku xidheen shuruudo aan caadi ahayn, kuna kaceen tallaabooyin badan oo ku sigtay in ay caqabad ku noqdaan hirgelidda guurkaas, laakiin hal-adaygga wiilkan iyo qoyskiisa oo ku garab taagnaa dadaalka uu ku doonayo gabadhan ayaa u sahlay in uu fuliyo dhammaan shuruudihii kala duwanaa iyo taakooyinka qoyska inanta kaga imanayey.

Cidina ma’ sii ogaan karto waxa uu Qaddarku u soo wado, markii wiilkan iyo inantan la isu ogolaaday ee ay ku jiraan xaalad doonanaanta ee ka horreysa meherka rasmiga ah oo ah fursad lammaanaha iyo qoysaskooduba aad isugu sii bartaan oo ay Carabtu si aad ah ugu dhaqanto, ayaa waxaa si kedis ah u timid xaalad caafimaad oo aan cidina hore ugu sii ogeyn inanta, talada keliya ee uu dhakhtarkii bixiyeyna waxa ay noqotay in laga saaro Makaanka, si nolosheeda iyo caafimaadkeeda mustaqbalka loo badbaadiyo.

Sidii ayaa la yeelay, kadib qoyskii inanta oo aad uga khajilsan dhibaatayntii ay ku sameeyeen wiilka inanta calmaday, kana baqo qaba in uu halkaas kaga noqdo oo inantiina ku niyad jabot ayaa ergo ugu yimi wiilka iyo qoyskoodii waxa aanay u sheegeen in meherkii xad dhaafka ah ee ay ka qaadeen dib u soo celinayaan, shuruudo kale oo ay ku xidheen marka horena ka noqonayaan ama dabcinayaan, isagana ay ka dalbanayaan in aanu ka noqon guurkii.

Wiilkii inanta calmaday markiiba go’aanka uu qaatay waxa uu noqday in aanu shuruuddii iyo meherkii midna ku noqonayn, inantana sidii hore qorshuhu u ahaa guursanayo, oo uu weli jecel yahay.

4. Meherkii ayaa uu ku bixiyey lacag uu gabadha aabaheed ka soo xaday: Wiil u dhashay dalka Mauritania ee waqooyiga-galbeed ee Afrika, ayaa gabadh ay ilma’ adeer yhiin oo uu muddo la haasaawayey balse jeeb xumo ka hortaagnayd guurkeeda, aakhirkii ugu soo geed fadhiistay lacag dadkii dalkaas ee maqlay oo dhan ku noqotay la yaab, badnideeda awgeed. Sidoo kale meherka uu gabadhan ka bixiyey oo ahaa 500 giraam oo dahab ah, qaddimaadna uu ku bixiyey ayaa isaguna noqday qiso dadku aad u hadal hayaan, maadaama oo aan la xasuusnayn muddo meher intaas le’eg oo hablaha deegaankaas lagu guuriyey.

Arrinta yaabka lihi waxa ay tahay, in markii hawshii meherka iyo arooska oo la is raaciyey dhammaadeen, uun laga war helay in wiilkani uu lacagtan xad dhaafka ah ka soo xaday shirkad uu lahaa inantan uu guursaday aabaheed, oo ahaa adeerkii.

Laba maalmood kadib guurkan, ayaa uu inanta aabaheed dib ugu noqday shaqadiisii shirkadda, laakiin markiiba waxa uu tebey in xisaabta shirkaddiisa ee bangiga ay ka maqantay lacag aad u badani. Baadhitaan kadibna waxaa u caddaatay in lacagtaas uu qaatay wiilka uu soddogga u noqday ee uu walaalkii dhalay, oo ka mid ahaa shaqaalaha shirkadda, kadib markii uu fahmay saxeexa adeerkii lacagta kula baxo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *