4 Talo oo ka qayb qaadan karta in aad kordhiso jacaylka ay xaaskaagu kuu qabto !

1. Noqo mid u damqada oo fahmi kara dereenkeeda :

Mararka qaar waxaa dhacda walaalku in uu fududaysto amaba uusan muhiimad wayn siin wax yaabaha sababta u ah in ay xaaskiisa murugooto amaba dhaawici kara dareenkeeda, hadaba habka ugu wanaagsan ee aad xaaskaaga uga dhowri karto in aad dhaawacdo dareenkeeda waxa ay tahay adiga oo marka koowaad u noqda mid u damqada oo naxariista misana caawiya oo hadii ay gafto aan dhalaycayn balse garab istaaga waayo maba jiro qof aan gef ka dhacayn sidaa awgeed waa in aad ka taxaddirtaa in aad xaaskaaga marwaliba u muujiso waxa ay ku liidato maxaayeelay taasi waxay dhaawici kartaa dareenka gacalisadaada waana waxyaaba soo dadajiya in uu gurigu burburo.

2. Noqo mid xushmeeya :

Waa muhiim in aad xushmeeyso aragtida iyo talooyinka ay xaaskaagu kuu soo gudbiso islamarkaana waa in aad wax kalawadaajisaa talada guriga maxaayeelay talada oo aad lawadaagto xaaskaaga waxa ay qayb wayn ka qaadataa in ay siyaado kalsoonida ay xaaskaagu kuu hayso.

Waxaa kaloo xushmada kamid ah in aad xaaskaaga daacad u ahaato oo aadan been u sheegin, hadii ay dhacdo in aad wax u balan qaado waa in aad oofido balanta adiga oo aan isku dayayn in aad marmarsiiyo u raadiso balan kabaxyo.
Waxaa kaloo xushmada ka mid, in aad hagaajiso nadaafadaada haday ahaan lahayd xaga wadajirka iyo xaga gogoshaba.

3. Noqo mid dhagaysta :

Sida caadiga ah ragu waxa ay u taba’ baranyihiin in ay dhibaatada xaliyaan si’ ay u muujiyaan ragganimadooda balse mararka qaar waxaa dhacda arin yar oo aad ku xalin karto dhagaysi in ay kugu noqoto caqabad wayn kadib marki aad siin waydo wakhti aad ku dhagaysato.

Hadaba si’ aad uga hortagto caqabadaha yaryar ee lagayaabo in ay dhibaato wayn isku beddelaan waxaa muhiim ah in aad siiso wakhti aad ku dhagaysato cabashooyinka ay xaaskaagu kuu soo jeediso waayo dumarku waxa ay jecelyihiin ruuxa tixgaliya oo dhagaysta marki ay hadlayaan taasi oo adigana ku dhaxalsiin doonta in ay xaaskaagu ku ixtiraamto oo ay ku dhagaysato marki aad wax u sheegayso.

4.Noqo Xaliye :

Lammaanaha isqabaa in ay is qabtaan waa wax iska caadi ah oo noolasha kamid ah balse xeeladu waxa ay tahay hadba sida loo xalinayo marki ay wax dhacaan, inta badan waxaa dhacda hadii ay dhacdo in la isqabto ninku in uu arinta ka eego kaliya keebaa saxan keebaase khaldan balse dumarku waxa ay jecelyihiin ninka garta sida ay wax u dareemayaan xushmeeyana aragtidooda.

Sidaa awgeed waxaa suurtagal ah xaaskaadu in aysan la dhicin ( raali galin) in aad u cadayso iyadu in ay khaldan tahay adiguna aad saxantahay balse waxa soo jiidan kara xaaskaagu waa adiga oo u muujiya in aad dareensan tahay sida ay wax u dareemayso misana aad unaxariisto oo aad u muujiso dulqaad iyo cafis hadii khald uu ka dhacay.

By: Dhalinta maanta

Check Also

Erayo jaceyl, waan ku jecelahay, jaceyl

Baro Hadallo Iyo Ficillo Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Erayga “WAAN KU JECELAHAY”

Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *