4 Hab Oo Aad Ku Kordhin Karto Jaceylka Ninkaaga Uu Kuu Qabo

Jaceylka Ninkaaga,Qormadaan waxaan kugula wadaagaynaa tallaabooyin ku kordhin karto jaceylka ninkaaga:

U muuji xushamad/ixtiraam.

Run’ahaantii waxa ugu muhiimsan ee nin waliba uu doonayo kana fisho xaaskiisa waxa ay tahay in xaasku ay u ahaato mid ixtiraamta. Hadaba isku day in aad ninkaaga ku ixtiraamto wada hadalka iyo talooyinkaba.
Waxaa kaloo qadarinta ka mid ah in aad quruxdaada iyo nadaafadaadba ilaaliso waayo nin waliba waxuu jecel yahay naagtiisa in ay ahaato mid qurux badan oo udgoon.

Ku ammaan wax qabadkiisa.

Ku ammaan ninkaaga howsha adag ee guriga uu u’ hayo adiga oo aan marwaliba ka cabanayn waxa uusan kuu qaban, waayo marki aad ninkaaga ku amaanto wanaaga uu qabtay waxuu isku dayayaa inuu joogteeyo amaba laba jibaaro dadaalkiisa balse hadii marwaliba ay kuu muuqato waxa uusan kuu qaban taasi waxay sababi kartaa in uu iska dhaadhiciyo hadaad wax qabato iyo hadaadan qabanba waa isku mid oo cid abaal kaaga haysa majirto.

Hadba hadii aad doonaysid in ninkaagu uu kuu sameeyo waxa aad jeceshahay isku day in aad isticmaasho habka ugu wanaagsan oo ah in aad ku ammaanto waxa uu kuu qabtay una mahadceliso. Waxaa hubaal ah adiga oo aan warsan inuu kuu samayn doono waxa aad jeceshahay maxaayeelay waxa uu ogyahay abaalka uu sameeyo abaalmarin wanaagsan in uu kaaga helayo.

U dood si xikmadaysan:

Sidaan wada ognahayba qasab ma ahan dadku inay isku si’ wax u’wada arkaan amaba isku si’ waxa uga’wada helaan, sidaa awgeed mararka qaar waxaa la arkaa lamaanuhu in ay soo wajahdo waxyaabo ay ku kala’ aragti duwanyihiin , Waxaase muhiim ah in aan ogaano kala duwanaashuhu waxa uu ka mid yahay quruxda sida qaansa roobaadkuba ay ukala midaba duwan tahay misana ay u qurux badan tahay.

Hadaba hadii ay dhacdo in aad ninkaaga wax ku kala aragti duwanaataan uguhorrayn waa in aad ogaataa ragu waxa ay aaminsan yihiin iyagu in ay u hadlaan si xikmadaysan dumarka ay u hadlaan si xamaasadaysan , hadaba waxaa haboon in aadan dhaleecayn aragtidiisa waayo dadka aan waxba hayn ayaa wax dhaleeceeya , balse taa beddelkeed isku day in aad si xikmadaysan u soo bandhigto aragtida aad isleedahay way ka wanaagsan tahay aragtidiisa isla markaana waa in aad samaysaa tusaalayn iyo barbardhig wanaagsan, waxa kaloo muhiim ah in aad ka foojignaato wadahalkiinu in uu dood isku badalo, hadii aad dareento wadahadalku in uu gaaray xaalad adag iskuday in aad si xeeladaysan u soo xirto dooda.

U qari waxa uu ku liito:

Sida caadiga ah guurka kahor qof waliba waxa uu soo bandhigtaa inta uu ku wanaagsan yahay balse guurka kadib waxaa la arkaa in aad lammaanahaaga kala ku lanto wax yaaba badan oo aadan filanayn.
Waxaa suurtagal ah in lammaanahaagu uu hadal adkaato , dabeecad khalafsanaado, gacan adkaato, iyo tan ugu xun oo ah in uu cibaadada Alle ka caajiso. Hadaba waa maxay xalka !!

Uguhorrayn lammaanuhu waa in ay guurka u arkaan meel dhaqanka xun iyo dabeecadaha khaldan lagu hagaajiyo balse aan ahayn meel wixii xumaadaba la isku dhaleeceeyo oo la isku ceebeeyo misana guurka loo burburiyo.

Maxaayeelay bani’aadamka cid aan khalad ka dhacayn maba jirto balse hadaad aragto lamaane isjecel oo isku qanacsan macnaheedu ma ahan in aysan lahayn wax ay ku liitaan balse waxa ay go’aansadeen halka ay ku mashquuli lahaayeen waxa ay ku liitaan in ay isku amaanaan midba waxa uu ku wanaagsan yahay, taasi ayaana keentay midba midka kale in uu ku qanco. Hadaba ninkaaga adigaa dad ugu dhaw hadii aadan ku jeclaan waxa uu yahay oo aadan u qarin waxa uu ku liito yaad filaysaa in uu asturo waxa ku liito.

Mideeda kale aqbal in aad tahay Macalimad guriga oo laga sugayo kan yar iyo kan waynba in ay wada xanaanayso una naxariisato hadii ay gafaan , midna ogaada naxariista iyo dulqaadkuba waa labada shay oo aad ku kasban karto jacaylka ninkaaga.

Check Also

Erayo jaceyl, waan ku jecelahay, jaceyl

Baro Hadallo Iyo Ficillo Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Erayga “WAAN KU JECELAHAY”

Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *