4-taan Calaamadood Hadii Aad Isku Aragtid Kalsooni Darro Ayaa Ku Haysa

Kalsooni darro, kalsoonidaMaaha wax sahlan in aad ogaatid naftaada iyo wax kaste oy awood u leedahay hadii aad isku qabin kalsooni dhamays tiran, waana arin aad u muhiim ah inaad kalsooni buuxdo ku qabto naftaada waayo arinkani wuxuu kuu sahlayaa inaad heer sare ka gaadho jaranjarrada nolosha.

Hadaba waxaan halkaan idin kuugu soo gudbinaynaa waxyaabo dhowr ah oo aad ku ogaan kartid inay kalsooni darro ku haysato iyo inkale.

1. Sabab U Raadin Qaladaadkaaga:

Bal kasoo qaad in aad la cuntaysay guruub ama koox dad ah, kadibna uu kaa daatay koob biyo ahi, maxaad ku jawaabi doontaa? ma waxaad odhan koobku wuxuu saarnaa qarka miiska kadibna wuu ka dhacay, waa kaas qaladku, in aad sababo u samayso qaladaadka aad gasho, waxaad arkaysaa dad adeegsanaya cudur daarro badan markasta oo ay qalad sameeyaan sida inay idhaahdaan koobku wuxuu iiga dhacay waayo maanta waan daallanaa.

Hadii aad khalad samayso markiiba ha u baadhin cudur daar, waayo waxaad tahay qof bina aadam ah oo markaste qalad u bandhigan, isku day inaad xal u hesho qaladkaas isla markaana aad u noqon.

2. Jawaab Celinta Dhaleecaynta Markiiba:
Hadii aad tusaale ahaan saaxiibkaa ku tidhaado “Maanta way kaa jiiftay hawshu” kadibna uu si dagdag ah kuugu jawaabo “Alla, maya ee niyaw waan daallanaa maanta”, taasi waxay tusaale u tahay in saaxiibkaa uu ka cabanayo kalsooni darro baahsan, kalsoonida naftu waxay ku jirtaa dhagaysiga dadka kale dhaleecaynta ay kuu hayaan, iyo inaad aqbashid canaantooda adigoon wax cudur daar ah u abuurin gaar ahaan marka ay saxda yihiin.

3. Luuqada Jidhka:
Dadka qaar ay hayso kalsooni darradu ayaa badiyaaba waxa ay ku jiraan difaac, waxa laga yaabaa inuu qofku maanta oo dhan uu gacmaha is dhaafsado kadibna saaro beerkiisa, ama uu kaba jeesto haday dhibaato dhacdo.
Waa inaad iska ilaalisaa waxyaabahaas ood dhibaatooyinka nolosha kala hor timaadaa xigmad iyo dhaqan wanaagsan.

4. Dhamaystiran:
Waxa uu qofku rumaysan yahay inuu ku nool yahay caalam dhamaystiran, isagoo macaa isku dayaya in uu wax kaste bartiisa dhiga, balse dhibtu waxa ay ka timaadaa waxa uu ka cadhoonayaa wax kaste oo kala dhiman, tusaale ahaan waxa uu imtixaankii keenay 100 kiba 99!! waa uu cadhoonayaa marka ay halkaasi marayso waayo waxa uu is aamin siiyay in uu yahay qof aan u qalmin dhamaystiranka uu markii hore iska dhaadhiciyay.

Waxa haboon in aad isku daydo inaad heer sare ka gaadho wax kaste ood qabanaysid, balse aad cadhoon hadii aad halka aad rabto gaadhi waydo, waayo waxaad tahay ugu dambayntii bina aadam.

Check Also

Arday wanaagsan oo guulaysta

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *