4-ta Nooc ee Waalidiinta iyo Saamaynta Barbaarintooda!

Waxa uu la xidhiidha mawduucani kasmo nafeedka ubadka iyo Barbaarintooda (Child and Parenting Psychology) taas oo ay muhiim tahay in ay waalidiintu ku kobciyaan aqoonta barbaarineed, si ay inoogu soo baxaan ubad wanaagsan oo mustaqbal qurux badan yeesha. Waxa la ogaaday, in habka barbaarinta ee waalidku u maro in uu ilmihiisa ku koriyo; ay saamayn ku yeelato Bulshada oo dhan, maaddaama barbaarintu ka soo bilaabanto Guriga!

1aad: Waalid dayaca ilmaha (Uninvolved Parent/Careless Parent)

Astaamaha uu waalidka noocaas ahi leeyahay:

  • Waa waalid dan iyo heello aan ka lahayn dedaalna aan galin barbaarinta ilmihiisa
  • Waa Waalid ku jahawareersan caqabahiisa nololeed iskana indho-tira habdhaqanka ilmihiisa
  • Badanka kama war hayaan xaaladda ubadkooda iyo waxa ay samaynayaan
  • Ubadka uma sameeyaan sharci, waxbana kama fishaan, waxa ay jecel yihiin in ay ilmaha u daayaan ikhtiyaarkiisa mana faragaliyaan nolosha ilmaha yar.

Saamaynta uu ilmaha yar ka dhaxlo barbaarinta noocan ah:

  • Ubadku waxa ay koraan iyaga oo boqolaal masuuliyadood saaran tahay
  • Waxa ay noqdaan kuwo aan edeb lahayn oo aan dadka ixtiraamin
  • Waxa ay sameeyaan go’aano liita oo saamayn xun ku yeesha noloshooda
  • Aqoon ahaan ma dhismaan oo nidaamka waxbarashada way ku guul-darraystaan
  • Waxa ay noqdaan kuwo aan dadka aaminin
  • Waxa ay ku sifaysmaan kalsooni darro
  • Ilmuhu waxa laga yaabaa in uu la saaxiibo asxaab aan wanaagsanayn oo bara balwado iyo dhaqanno xun
  • Waxa fudud in uu ilmuhu noqdo qof nolosha ka dhaca oo jahawareer nololeed la dersa iyo isku buuq.

2aad: Waalid u furfuran ilmaha balse xad u sameeya (Authoritative Parent)

Astaamaha uu waalidka noocaas ahi leeyahay:

  • 1Waa waalid sharciyad u sameeya ilmaha haddana la sixi kara wixii uu awoodi waayo
  • Waalidka noocan ahi Ilmihiisa ma siiyo ammarro aanu awoodin, waxa uu eega xaddiga hawl ee uu ka soo bixi karo
  • Ilmaha waxa uu siiya fursad uu kaga doodi karo amarrada la siinayo ee barbaarineed, si uu u fahmo ilmaha yari waxa laga rabo
  • Waxa uu isku dhafaa ciqaabta iyo tilmaamta, yacni ilmaha yar ma ciqaabo oo kaliya balse wuu tilmaamaa
  • Ilmaha waxa uu u dajiya hadafyo uu awoodo, xorriyadna wuu siiya balse xad ayaa uu u yeelaa
  • Waa waalid ad adag marka loo baahdo,naxariis badanna marka uu doono
  • Waxa uu xaalad walba ula dhaqmaa sida ay ku habboon tahay
  • Ilmaha yar waxa uu ku barbaariyaa in uu wajihi karo xaalad kasta maaha Waalid koolkooliya ubadka laakiin haddana kama maqna liiskiisa barbaarineed
  • Waa Waalid ilmaha bara muhiimadda kala danbaynta
  • Waa Waalid koriya maskaxda ilmaha yar una mahad celiya oo dhiirrigeliya marka uu wax fiican sameeyo
  • Hawlaha uu qabanayo waqtiyada qaar ilmaha yarna wuu u diraa si uu u barto muhiimadda hawl qabashada

Saamaynta uu ilmaha yar ka dhaxlo barbaarinta noocan ah:

  • Ilmuhu waxa uu noqdaa mid sharciyadda u hogaansama oo noloshiisu toosan tahay, qaska iyo rabshaddana neceb
  • Waxa uu noqdaa qof furfuran oo bulshada dhex gali kara, awood dad la dhaqan oo wanaagsanna leh
  • Waxa uu soo baxaa qof isku tiirsan oo xorriyadda jecel, dulmigana neceb
  • Waxa uu noqdaa qof aan ka gudbin xadkiisa, dadkana aad u ixtiraama
  • Waxa uu yeesha kalsooni ku filan iyo habdhaqan degganaantu ay sal u tahay.
  • Waxa uu noqdaa qof garanayaa waajibaadkiisa dadkana caawiya
  • Waxa uu noqdaa qof xakamayn kara cadhadiisa, Murugadiisa iyo Niyad jabkiisaba
  • Waxa uu noqdaa qof isagu is dira inta aan hawl loo dirin

3aad: Waalid Koolkoolin badan (Permissive Parent)

Astaamaha uu waalidka noocaas ahi leeyahay

  • Waa waalid koolkoolin xadka ka baxsan siiya ilmahihiisa oo aan wax sharci ah u samayn
  • Waalidka noocan ahi Ilmihiisa ma baro akhlaaqda teeda suubban ilmihiisana mar walba mid saxsan ayaa uu u arkaa
  • Ilmaha yar wuu ciqaaba haddii uu ku arko wax uu u dulqaadan kari waayo
  • 100% ilmaha yar waxa uu siiyaa xorriyad isaga oo aaminsan in ay dhib tahay toosinta habdhaqabka ilmuhu
  • Ubadka ma siiyaan talooyin ee maaweelin ayay kula qaataan waqtigooda
  • Qurxinta labiska iyo quudinta ilmaha ayaa uga muhiimsan barbaarinta caqliyeed iyo caadifadeed ee ilmuhu u baahan yahay
  • Hawsha guriga ilmaha yar kuma tabobarraan iyo in uu wax qabsan karo, wax walbana iyagaa u qabta

Saamaynta uu ilmaha yar ka dhaxlo barbaarinta noocan ah:

  • Ilmuhu waxa uu noqdaa mid caajis badan oo jecel in la caawiyo mar walba
  • Dhaqan xumo, kibir iyo islawayni ayaa uu ilmaha yari ku barbaaraa
  • Waxa uu soo baxaa qof isla saxsan mar walba, garmaqaate ayaanu noqdaa
  • Waxa uu noqdaa qof aan is xakamayn karin oo baahiyihiisa nafeed ka awood bataan
  • Waxa uu yeesha kalsooni aad u hoosaysa, dadkana cadaw ayaa uu badanka u arka maaddaama aanu ka helin koolkoolintii waalidkii oo kale
  • Waxa uu noqdaa qof caadifi ah oo aan u adkaysan karin duruufaha nololeed ee soo mara
  • Waxa uu noqdaa qof kartidiisu aad u hoosayso oo aan ahayn hawl kar, mar walbana u baahan in lala qabto hawsha uu hayo
  • Waxa uu noqdaa qof neceb in loo tilmaamo khaladkiisa mar walbana isla saxsan

4-aad: Waalid Kaligii taliye ah/ Macangag ah (Authoritarian Parent)

Astaamaha uu waalidka noocaas ahi leeyahay:

  • Waa waalid aaminsan in ciqaabtu tahay xalka ugu wanaagsan ee ilmaha lagu barbaariyo
  • Waalidka noocan ahi Ilmihiisa ma siiyo fursad uu wax ku saxo ee ciqaab ayaa uu ugu jawaabaa mar walba
  • Ilmaha yar sharciga uu u dhigo haddii uu inyar ka gaabiyo gacan ayaa uu u qaadaa, kamana garaabo in uu qiimeeyo in ilmaha yari awoodo sharciga uu u dhigay
  • Waxa uu aaminsan tahay cabsigelinta iyo in aan ilmaha waqti lala qaadan ee laga fogaado amarna la bixiyo
  • Ubadka ma siiyaan talooyin haddii ay siinayaana qaab canaan ah oo bilaa naxariis ah ayaa ay ula hadlaan
  • Ubadka uma sharaxaan sharciga barbaarineed ee ay marsiinayaan
  • Ilmaha yar waxa ay u dhaawacaan jidh ahaan iyo caqli ahaanba, bahdana (dhiirranaanta) way ka saaraan
  • Ubadku ma joogaan halka ay taagan yihiin waalidka noocan ahi, kumana soo hirtaan

Saamaynta uu ilmaha yar ka dhaxlo barbaarinta noocan ah:

  • Ilmuhu waxa uu noqdaa mid rabshad badan oo aaminsan in wax lagu xalliyo ciqaab
  • Madax adayg, nacayb iyo iska caabbin ayaa uu ilmaha yari ku barbaaraa
  • Waxa uu soo baxaa qof bilaa naxariis ah oo aan cidnaba u joojin dhaqankiisuna aarsi ku salaysan yahay
  • Waxa uu noqdaa qof marka uu awood is bido ku soo afceliya waalidkii oo la dagaalama
  • Waxa uu yeesha kalsooni aad u hoosaysa, xeerkiisuna waa gacan qaad joogto ah
  • Waxa uu noqdaa qof ka dhaca nolosha oo balwadayste ah
  • Waxa uu noqdaa qof karti badan, balse aan dadka fahmi karin
  • Waxa uu noqdaa qof neceb haddii khaladkiisa loo sheego oo u qaata in lala dagaalamayo
  • Qofka noocan ah sharci adag in lagu dhaqo oo aan xorriyad badan la siin ayaa lagu taliyaa
  • Ilmuhu waxa uu noqdaa mid dhabcaal ah oo aan bulshadiisana la dhaqmi karin

F.G: Waalid haddii aad si wanaagsan u dhuuxday maqaalkan, waxa aad garan kartaa nooca barbaarineed ee aad ku dhaqanto. Haddii ay wax ka khaldan yihiin qaab barbaarineedkaaga, fadlan sax si uu ilmahaaga mustaqbalkiisu u wanaagsanaado.

Baadhis aan sameeyey iyo qoraallo kala duwan oo aan soo akhriyay ayaa iga caawiyay in aan qoro xogtan

https://www.parentingforbrain.com

The Conscious Parent by Shefali TSabary
Between Parent and Child by Dr. Haim G.Ginott

W/D: Xamse Tudhaale

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *