4 Sababood oo kaa Hortaagan Guusha

Waa maxay guushu?

guushu waa helida dhamaan waxaad ka doonayso nolosha amase fulinta qorshihii aad hore u dajisatay, islamar ahaantaana guushu waa adoo kaca aroortii adoo dareemaya farxad oon aan dareemayn cidhiidhi iyo diiqad.

Sida loo noqdo qof guulaysta nolosha

Si kasoo horjeeda sida dad badani aaminsanyihiin ma jiraan dad aan guulaysan amase guuldaraystaa, hase ahaatee waxa jira dad haysta fursadaha lagu guulaysto kuwaasi yaqaana sida looga faa’idaysto. Waxa kaloo jira dad haysta fursadahaas balse aan garanayn sida looga faa’iidaysto.

Waxa kaliya eed ubaahantahay inaad qabato si aad guul ugaadho waa inaad si sax ah u qabato waxa dadka guulaystay sameeyeen.
markaad akhridid warbixintan hoose waxaad si buuxda u heli doontaa dhamaan fikradihii ay xambaarsanaayeen dadka guusha gaadhay taasi oo kaa caawinaysa inaad guul gaadho.

Maxaan u guulaysan waayay?

Hadaad dhab u doonayso inaad guulaysto waa inaad si qotodheer ufahantaa fikradaha guud ee cayimaya fursadahaaga kaana dhigaya qof aan guulaysan.

Dadka guulaystaa waxay ka fogaadaan fikradahaan curyaamiyay dad badan sidoo kale waa inaad adna ka fogaataa:

  • Fikradaha khiyaaliga ah: Fikradaha khiyaaliga ahi waa fikradaha aan saxda ahay eed naftaada ama wax ka aaminsantahay.
    Fikradaha khiyaaliga ah waxaa ka mida “waligay shaqo ka heli maayo wadanka” ama “tan waxba ma dhexyaalaan”.Fikradaha khiyaaliga ahi waxay si toos ah uxadidaan fursadahaaga dhabta ah iyo guushaadaba.Ka takhalusida fikradahaas iyo inaad waxbadan ka ogaataa waa hawsha ugu muhiimsan ee ay tahay inaad qabato haddii aad u jeelantahay guul. Fikradaha khiyaaliga ahi ma xadidayaan oo kaliya fursadahaaga balse waxay burburin karaan noloshaada.
  • Adkaysi la’aan: Kawaran adigoo leh waxbarasho tayo sare leh iyo xirfado aad u sareeya hadii aad ka rajo dhigto guusha kadib markaad guul daraysato hal ama laba jeer? dadka kaliya ee nolosha ku guulaystaa waa dadka adkaysiga leh kuwa aan ka hadhin haddafkooda iyo hiigsigooda illaa inta ay ka helayaan waxay doonayaan xataa haday waxkastaa lidi ku noqdaan iyo xataa haday guul daraystaan waxbadan.
  • Isbadal la’aan: Isbadalku waa awooda lagula qabsado xaaladaha guud. Waa awooda layskugu dayo shay kale ama habkale hadii uu hab kuu shaqayn waayo.Isbadalkaaga oo bata waxaa badanaya laqabsashada aad la qabsanayso xaaladaha kala duwan taasi oo badinaysa fursadahaaga guusha.
  • Qorshe la’aan: hadii aanad hadaf iyo qorshe lahayn ogow inaad noqonayso qayb ka mid ah dadka kale qorshahooda. Hadii aanay kuu qorshaysnayn inaad noqoto hogaamiyaha tiimka ama kooxda aad wada shaqaysaan qof kale oo kamida kooxdiina ayaa qorshaysan doona sidoo kale hadii aanay kuu qorshaysnayn inaad ku dadaasho shaqada mushaharka sare leh ogow in qof qorshaystay uu kaa buuxin doono. Wuxuu kaa buuxin doonaa booskaa mushaharka sare leh, lacagta badana isagaa qaadan doona, isaga ayaana caan noqon doona halka aad ka noqon doonto daawade.
    qorshuhu wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa guusha.

By: C/risaaq Faarax Cawad

Check Also

Arday wanaagsan oo guulaysta

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *