4 Qodob Oo Kuu Sahlaya Inaad Baabi’iso Fikirka Qaloocan Ee Noolashaada Khatarta Ku Ah

Qofkaste oo inaga midi waxaa uu ilaahy ku abuuray fikir si kadis ah u shaqeeyaa (Automatic) kaasi oo saamayn ballaadhan ku leh hab dhaqameedkeena iyo waxyaabaha ka dhalan kara hab dhaqameedkaas, hadaba hadii fikirkaas kedis ka ahi uu noqdo mid qaloocan (Negative), iyaa waxa ka dhashadareenno iyo go’aano khaldan sida (Muran, khalad aad fahanto, niyadaha qofka oo aad xumaan ku tuhuntid, cadho, xaasidnimo iyo waliba Aargoosi).fikirka qaloocan

dhinaca kale hadii fikir kan kadiska ahi uu noqdo mid suuban (Positive) ah waxa uu isaguna sidoo kale saamayn suuban ku yeelanaya qofka qaab nololeedkiisa, qaabka uu dadka ula dhaqmo iyo wxm.

Garawshiyo la’aanta arinkani ayaa waxa uu saamaynayaa dareenkeena, dhaqankeena iyo xidhiidhka aynu la leenahay bulshada, waxaana laga yaabaa in uu ka qayb noqdo qofka shakhsiyadiisa oo uu isla markaba curyaamiyo qaab nololeedkiisa, kana reebo qayrkii oo guul gaadhi kari waayo isla markaana uu awooduhuu ilaahay ku galladay qofkaas daciifiyo.

Fikirkan qalloocan waxa keena sababo badan oo kala duwan waxaana ka mid ah:

Tarbiyada iyo barbaarinta qariban ee qofku la kulmo, sida wax kaste wax weyn laga dhigo, la daba galo god daloollada, diirada la saaro meelaha uu qofku ku xun yahay indhahana laga qabsado wanaaga nooc kaste oo uu yahayba, barbaarintani ha ahaato mida dugsiga, guriga iyo wixii lamida.

In uu qofku ku talax tago xaqiraada naftiisa, uu hoos u dhigo qiimaheeda isaga oo is leh may mutaysan amaba iska ilaalinaya in uu is cajabiyo kana cabsoonaya kibir hase ahaatee isaguna ku talax tagaya.

In uu hadana ku talax tago rabitaanka uu ka rabo naftiisa iyo dadka kaleba in ay dhamaystirmaan oo ay noqdan (Perfect).

In uu qofku iska sawirto wax aan jirin, isla markaana uu ku talax tag sameeyo sawirashadaas.

Waxyaabaha laga dhaxlo fikirka khaldan:

Niyad wanaaga oo yaraada, isla markaano aragtida mustaqbalka oo uu qofku ka dayriyo.

Ku talaxtag uu qofku ku talax tago filashada guuldarrada,.

Taag darro ku timaada qofka hamigiisa, go’aannadiisa iyo hiigsigiisa.

Dagdag uu u niyad jabo qofku, niyada oo daciifta, sabirka iyo dhabar adayga oo meesha ka baxa.

Guuldarrada nololeed oo u badata ha noqoto xag waxbarashom, guur iyo xag shaqo ba.

In uu qofku markaste isku xukumo guuldarro taagan uun.

Dayrin uu qofku ka dayriyo qadarka Ilaahay suxanau wa tacaalaa, iyo sida uu ilaahay ugu talo galay khalqigiisa.

In ay qofka iskugu biiraan warwar, walbahaar iyo murugo.

Farxada iyo raynraynta oo yaraata, iyo raaxada iyo macaanka nolosha oo meesha ka baxda.

Daawada fikirka qallooca (Negative)

Raacitaanka quraanka iyo sunnada iyadoo lagu tarbiyadeeyo nafta.

Qadarka Ilaahay oo la aamino, taasi oo laga raali noqdo sida uu Ilaahay ugu talagaaly abuurkiisan, iyo Ilahay oo la talo saarto.

Nafta oo lagu tababaro sidii ay masuuliyadeeda dhabarka ugu ridan lahayd, u waajihi lahayd gafaafka xageeda ka imaada, guusha ay hiigsanayso na u gaadhi lahayd.

Nafta oo lagu tababaro in ay markaste dhinaca fiican wax ka eegto si kaste oo ay u badan yihiin xumaanuhu.

Dhexdhexaad laga noqdo qadarinta naftaada lagana foojignaado xaqiraadeeda, burburinteeda iyo waliba wayneenteeda si aan loogu dagmin.

In aan loo daymo la’aan sidii qofku uu iskaga ilaalin lahaa fikirkaa qallooca, iskuguna dayi lahaa in uu u rogo mid fiican oo midho dhal ah.

Check Also

dabeecadaha dadka, Noocyada Shakhsiga,

Dabeecadaha Noocyada Shakhsiga Bini’aadanka Ah

Waxaa jira daraasado badan oo laga sameeyay noocyada dabeecad ahaan ee bini’aanka iyo shakhsiyad ahaantiisa. …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *